Akhri Nuxurka Qodobadii Laga Soo Saaray Shirkii Nabadaynta Ceel-Afweyn Iyo Go’aamada Xukunka Ay Qaateen Guddidii Dhexdhexaadintu

0
56
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 02, 2018- (Foore)- Guddidii Dhexdhexaadinta Khilaafka Beelaha walaalaha ah ee Ceel-Afweyn ayaa shalay ku dhawaaqay xukun ay ka soo saareen dhagaysiga dacwaddii labada beelood. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ah AFhayeenkii Guddida Culimada ahayd ee arrinka gashay ayaa madasha gabogabadii shirka waxa uu ka jeediyey qodobadan waxaanu yidhi:

Qodobka 1aad- Xukunka Dagaaladan:

Dagaaladani waxa ay ahaayeen qaar qabiil, fitno ah, Xaaraan ah, sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah iyo Xadiiska Rasuulka SCW

Qodobka 2aad- Heshiisyadii Hore:

Dhammaan heshiisyadii ay hore beeluhu u gaadheen iyo wixii ay go’aan Guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo. Heshiisyadaasi hore iyo go’aamadaasi waxa ay kala ahaayeen:

-Heshiiska taariikhdiisu tahay 2/9/2017 ee dhex maray ardaayada Baha-Faarax iyo Idarays.

-Heshiiska taariikhdiisu tahay 9/9/2017 ee dhex maray ardaayada Axmed Faarax iyo Jibriil Xasan.

-Heshiiska Taariikhdiisu tahay 9/9/2017 ee dhex maray Ardaayada Baho Jibriil Xasan iyo reer Maxamuud

-Go’aanka Guurtida  ee Taariikhdiisu tahay 12/9/2017

– Go’aanka Guurtida ee Taariikhdiisu tahay 10/3/2018

Fiiro Gaar Ah:

Eeg Dhammaan Qoraallada Heshiisyadan iyo go’aamada ku lifaaqan oo aanu shanta heshiisba galka u soo galin doono dhinacyada.

Qodobka 3aad- Dhimashada:

-Wixii dad ku kala dhintay Beelaha iyo ardaayada ee laga heshiiyay ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunay in loo fuliyo sidii loogu heshiiyay.

-Wixii aan hore heshiis ama go’aan uga soo bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo Hanti waxa aanu beelaha ugu kala xukunay  sidan:

– Beesha Sacad Yoonis waxa aanu u xukunay 11 qof oo kala ah 5 Nin oo ku dhintay Fadhi gaab iyo dhidinka, oo loogu xukumay Beesha Axmed Faarax,

– Beesha Axmed Faarax 5 nin oo ku dhintay Ceel-Afweyn, oo loogu xukumay Baho iyo Axmed Faarax. Waxa kale oo Baho loogu xukumay gabadhii yarayd ee dhimashadeedu ugu dambaysay.

-Ninka ay ku dacwiyeen Beesha Sacad Yoonis in uu ku dhintay dhaawac ka soo gaadhay dhagax ku dhacay ee aan la isla qirin waxa aanu go’aaminay in dib loo dhigo xukunkiisa inta la isla hubinayo ee dhinacyaduna isla hubinayaan.

– Beesha Baho waxa aanu u xukunay magta laba nin oo ku dhintay deegaanka Dararweyne oo aanu ugu xukunay Beesha Sacad Yoonis.

– Beesha Axmed Faarax waxa aanu u xukunay magta 6 nin oo ku dhintay Fadhi-gaab iyo Dhidinka oo aanu ugu xukunay Beesha Sacad Yoonis

– Beesha Iidle Biciide waxa aanu u xukunay Magta Hal Nin oo ku dhintay Ceel-Afweyn oo aanu ugu xukunay Beesha Sacad Yoonis.

Dhammaan xukunka 20-kan qof waxa aanu u cuskannay ogolaanshaha dhinacyada. Magta raggani waa 100 halaad. Gabadhuna waa 50 Halaad sida shareecada Islaamku qabto. Magta waxa iska leh dadka leh dhaxalka dadka dhintay la isumana tuuri karo. Dhinac waliba waxa waajib ku ah in ay bixiyaan magta lagu leeyahay.

Qodobka 4aad- Dhaawacyada

Waxa aanu beelaha iyo Ardaayada aanu u kala xukunay dhaawac tiradiisu dhan tahay 136 qof oo kala ahaa:

– Beesha Sacad Yoonis waxa u sugmay dhaawac dhan 67 qof oo ay ku leeyihiin beesha Baho iyo Axmed Faarax sida ay isla qireen.

– Beesha Baho waxa u sugmay dhaawaca 55 qof oo ay ku leeyihiin Beesha Sacad Yoonis sida ay isla qireen.

– Beesha Axmed Faarax waxa u sugmay dhaawaca 14 qof oo ay ku leeyihiin beesha Sacad Yoonis sida ay isla qireen.

– Waxa dib loo dhigay xukunka Dhaawaca 7 Dumar ah oo ay sheegteen Beesha Sacad Yoonis inta ay isla hubinayaan beeluhu. Dhammaan dhaawacyadaasi waxa loo muddeeyey in la xaqo marka ay bogsadaan guud ahaan.

Qodobka 5aad- Deegaanka iyo Dhulka:

-Dacwadda Dhulka iyo Deegaanka waxa aanu ka xukunay in umaddu wada leedahay oo aan la kala sheegan Karin. Ceelasha in la wada cabo, daaqa la wadaago. Si caddaalad ahna looga wada faa’iidaysto sida shareecada islaamku qabto. Ciddii deegaan cusub rabta in ay samayso sida tuulo, baraago, beero iyo ceelal waa in ay fasax iyo ogolaansho ka hesho dawladda labada dhinacna ku heshiiyaan si aanay fidno dambe uga dhalan.

-Haddi cidi samayso deegaan cusub cid kale xaq uma laha inay kula dagaalanto ee waa in ay dacwadeeda u gudbiso xukuumadda. Shareecada islaamku ma ogola qof gaar ah oo seerayn ku sameeya dhulka ama ceshiimooyin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here