Akhri Mawqifka Ay Kala Taagan Yihiin Xisbiyada WADDANI, UCID Iyo Kulmiye & Arrinta Keentay Inay Ku Kala Kacaan Kulamadii Wada Tashiga Ahaa Ee Ay Yeeshaan Dhawaan

0
63
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 4, 2018- (Foore)- Labada Xisbi Mucaarid ah ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa shalay shaaca ka qaaday inay hakad galiyeen Wada hadalo maalmihii u dambeeyay u socday Iyaga iyo Kulmiye iyo Madaxtooyadda Somaliland oo isku dhinac ah kaasi oo ay kaga wada hadlayeen arimo ku saabsan Doorashooyinka Fooda inagu soo haya iyo in meesha laga sii saaro wax loo arko caqabado  horseedi kara inay doorashooyinkaasi wakhigooda dib uga dhacaan,waxaana ay sheegeen in qodobadii ay ku heshiiyeen uu Kulmiye kasoo horjeestay.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada Xisbi Mucaarid ayaa uu Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo Xisbiga WADDANI ka tirsan ku faah faahiyay arimaha isfaham waaga keenay waxana uu yidhi  “Labada Xisbi ee mucaaridka ah, labadii Ajande ee ugu horeeyay todobadii Qodob ee la isla qaatay ee labada Xisbi midba mid qorshe (Proposal)  ka soo jeediyay, labadii Proposalba Xisbigii Kulmiye waa ku diiday, Mid macquul ah oo uu garab dhigayna ma keenin, markaa markay sidaasi tahay ee labadaasiba ay Komishanka Doorashooyinka Khusaynayeen ee mid ahayd kala tagistiisa maxaan ka yeelnaa, Doorasho dambe lagu aamini maayee, ayay qolo taagan tahay oo mid Cusub aan doorashada Dambe u dhiibano eh, Qolona ay soo jeedisay waar tiradiisa aan kordhino,oo sagaal Xubnood aan ka dhigno oo si siman haloo soo qaybiyo, labadii arinba markii ay diideen, oo midna sadbursiimo ugu jirta darteed loo arkay inay u diidayaan, oo ta komishanka Doorashooyinka ah”,.

Waxa kale oo uu yidhi “Takalena sabab aan macquul ahayn oo taa hore lagaba soo gudubye tu dambe ayaa laga hadlayaaye, oo wax ay u diidayaan aanaan garanaynin, labadaasba halkaasi ayay iska taageen Xisbigaas Kulmiye, Labadaasi ayaana u furo ahaa in laga sii wada hadlo Qodobada ka dambeeya ee shanta ah ee iyana raaci lahaa, halkaasi ayay xaaladu taagan tahay, halkaasi ayay wadahadaladii ku galeen hakad. Haddii uu Kulmiye tanaasul ka muujinayo labada Xisbi waa u diyaar inay wada hadalada ku soo noqdaan. Umadda waxaanu sheegaynaa in wakhtina inagu socdo, dalkana dhibaatooyin ku filan oo badani ay meel walba inaga haystaan, rimahanina ay ahaayeen kuwii niyad samida iyo wada shaqaynta furi lahaa, Xisbigii maanta talada dalka hayay ee Isaga odaytinimada laga rabay inuu isku jiido umadda oo uu tanaasul badan keeno, waa ayaan darro inay isasoo taagaan oo ay Gidaar daba saaraan,mid aanu filaynay maaha, Mid umadda u cuntamaysayna maaha, halkaasi ayuu arinku marayaa, illaa taasi wax iska badelayaana halkaasi ayuu mawqifka labada xisbi uu ahaanayaa”.

Mawqifka Xisbiga WADDANI Ee Ku Aadan Waxa laga yeelayo Komishanka hadda jooga:

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Sida ay iftiiminayaan warar hoose oo Wargeyska Foore soo gaadhay waxa uu ku dhegsan islamarkaana uu hore ugu dhegsanaa in gabi ahaanba la badelo Xubnahan Komishanka Doorshooyinka  oo kuwo cusub lasoo magacaabo kaasi oo uu Xisbigu u arko inay doorashadii hore ku fashilmeen islamarkaana aan mid dambe lagu aamini Karin, waana mid ka mid ah Qodobada ugu horeeya ee ay Xisbiyadda mucaaridku hadda rabaan in la fuliyo.

Mawqifka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID:

Sida wararka aanu helnay ay dhigayaan waxa uu Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID isna dhinaciisa ku soo kordhiyay qodobada laga doodayay qodobka ah in Laba Xubnood lagu daro Komishanka si loo qaboojiyo Cabashada taagan, islamarkaana ay  iskugu soo dhawaadaan Xisbiyada WADDANI iyo Kulmiye oo ku kala fogaaday Doorashadii Madaxtooyadda, waxaana qodobkaasi markii hore soo dhaweeyay oo la qaatay, kuna taageeray Xisbiga Kulmiye halka uu markii hore Xisbiga WADDANI ku dhegsanaa oo qudha in Komishanka la badelo.

Waxa ay doodii iskugu soo biyo shubatay labadaasi qodob ee kala ah in labadelo Komishanka iyo in laba Xubnood oo dheeraad ah lagu daro,waxaana arinta gaabsi ka galay Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye oo isku dhinac ah. Waxaa dhinaca kale aragtidooda mideeyay Labada Xisbi Mucaarid oo isla qaatay in labadan qodob mid ka mid ah la fuliyo, in Laba Xubnood lagu daro Komishanka iyo in gabi ahaanba meesha laga saaro oo kuwo cusub lasoo doorto, waxaanay u egtahay inay Madaxtooyaddii labadaasi qodob gabi ahaanba fulintooda kasoo horjeedo waana halka ay hadda sartu ka qudhunsan tahay ee ay ku kala kaceen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here