Akhri Magacyada Shirkado Door Ah Oo Uu M/Siilaanyo Cid Gaar Ah Ku Naasnuujiyay Oo Uu Maalintii Dhawayd Madaxweyne Muuse Biixi Ka Tagay, Cidda Leh Iyo Shaqooyinka Ay Qabtaan

0
100
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 13, 2018- (Foore)- Inkasta oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Gacanta Dawladda ku soo celiyay Haamihii shidaalka Berbera iyo Laba shirkadood oo kale oo Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa ka hawlgalayay oo ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo Dad gaar ah ku naasnuujisay ayaa haddana waxaa jira Shirkado kale oo aad u badan oo su’aali ka taagan tahay inuu Madaxweynuhu u soo socda oo uu iyagana Gacanta Dawladda ku soo celinayo iyo in kale, kuwaasi oo haddii Gacanta Dawladda lagu soo celiyo la rumaysan yahay inay dhaqaale door ah u kordhin lahayd Qaranka, Bulshadana uu Madaxweynuhu Taageero Qalbi Furan kaga kasban lahaa.

Shirkadahan Oo Uu intooda badan Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu cid gaar ah ku naasnuujiyay oo uu maalintii dhawayd ka tagay Madaxweyne Muuse Biixi ,islamarkaana wali gacan dad gaar ah ku jira ayaa waxa ka mid ah;

1 – HEMA Books oo ah Shirkad ay Xukuumaddii hore kooto ugu Xidhay Daabacaada Manhajka Waxbarashada Dawladda Somaliland oo uu iska leeyahay Xoghayntii Khaaska ahayd ee Siilaanyo Cali Hindi,iyo Saami la sheegay inuu ku leeyahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilaahi Dheere oo mashruucan bixintiisa qayb ka ahaa. Waxay ka mid tahay Shirkadihii uu Madaxweyne Muuse Doraad ka tagay, waxaana laga dhursugayaa talaabada uu ka qaato, Waxaanay Malaayiin Dollar ka soo galaan  Iibka buugta Manhajka Dawladda.

2 – Shirkaddii Laydhka  Dawlada Somaliland oo uu Dad gaar ah Siilaanyo gacanta u galiyay, Waxa ay ka mid tahay meelaha dhaqaalaha Culusi Dawladda kasoo gali jiray.

3 – Xadhiga Internetka Dhulka Hoostiisa mara ee Viper Optic-ga, Waxay Dawladii Riyaale Kootu ugu xidhay Ganacsade Gaar ah Maxamed Awsiciid Geedi,waxaana si weyn dhegta loogu taagayaa inuu Madaxweynuhu go’aan gaar ah ka qaato shirkaddaasi oo uu Fasaxo keenista Internetka Viper Optic-ga.

4- Shirkada Laabka ee Baadhista Haamaha Shidaalka Berbera oo la sheego inuu leeyahay Safiirka Dalka Imaaraatka Carabta Somaliland u jooga Baashe Cawil oo uu Sodog u ahaa Madaxweynihii hore Siilaanyo.

 5- Shirkadda Soo Daabacda Warqadda Cashuurta Waddo Marista Gaadiidka oo gacanta ugu jirta ama lagu naasnuujiyay Dad gaar ah (Sticker).

6- Shirkadda Adeegga Madaarka Hargeysa NASHA oo dad gaar ahi leeyihiin,kana mid ah Shirkadda Qudha ee ku hadhay Madaarka oo uu maalintii dhawayd Madaxweynuhu ka tagay.

7- Tigidhka Dhejinta Cashuurta ah (Stamp pay) oo dad gaar ah lagu naasnuujiyay.

8- Shirkadda Diwaangalinta Shaqaalaha Ajaanibka ah oo Xafiis ku dhex leh Wasaaradda Shaqada Iyo Qoyska oo ay Xukuumaddani Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cid Gaar ah ku Naasnuujisay “Waxa Sida la sheegay saami ku leh Wasiiradda Shaqada”.

9- Shirkadda Diwaangalinta Shaqaalaha Rayidka ah oo Xafiis ku dhex leh Wasaaradda Shaqada Iyo Qoyska oo ay Xukuumaddani Cusubi Cid Gaar ah ku Naasnuujisay “Waxa Sida la sheegay saami ku leh Wasiiradda Shaqada”.

10 – Shirkadda Liisamada Wadista Gaadiidka ee Lafta ah oo Cid gaar ah lagu naasnuujiyay balse baryahan uu muran ka taagan yahay, Lana sheegay inuu Wasiirka maaaliyaddu doonayo in dib loogu noqdo Liisamadii Buugta ahaa, oo gacanta Dawlada lagu soo celiyo, lana baabiiyo Kambanigani iyo sidoo kale Buugta Gaadiidka lafta ah.

11- Shirkada Lambarada Bilaydhada Gaadiidka oo muddo dheer u xidhan Ganacsade Maxamed Baarjeex — Wararka qaar  ayaa sheegaya inuu Qandaraaskaasi Muddadii loo xidhay uu hadda kaga eg yahay” waxaana la rajanayaa in dib loogu soo celiyo Gacanta Dawladda. Waxa xusid mudan in shirkaddan la bixiyey wakhtigii Madaxweyne Cigaal.

12 – Shirkadda  gacanta ku haysa Talaalka Xoolaha la dhoofiyo oo muddo taban sanno ka badan u xidhan Ganacsade Cali Waraabe. Waxa uu adeegaasi ka mid yahay Shaqaddii Wasaaradda Xanaanada Xooluhu qaban jirtay ee uu dakhliga buurani uga soo xeroon jiray.

13- Shirkadaha Nadaafada (Hygiene) Dekeda Berbera iyo Hagista Gaadiidka Dekeda oo la sheegay inuu leeyahay Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor.

Dhammaan shirkadahan ayaa cido gaar ah loo xidhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here