Akhri 5 Qodob Oo Caqabado Culus Ah Oo Uu Wajahayo Madaxweynaha Cusub Ee Kililka Shanaad Loo Doortay, Culayska Ay Leeyihiin Iyo Sida Looga Rabo Xalkooda

0
124
Lawadaag Asxaabta...

Jigjiga, August 25, 2018- (Foore)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), waxa ku hareeraysan caqabado uu hor yaalla oo uu wajahayo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay kaga imaan karaan.
1. Liyuu Boolis
Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha cusub ayaa waxaa lagu tilmaamay iney tahay ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar. Dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood.
– Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqankii hore ee lagu eedeeyo inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.
– Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddii dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu iman karaa haddii aanay dhicin is cafin iyo dib u heshiin.
– Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihii xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda.
2. Qaab Dhismeedka Deegaannada
Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey. Haddii uu isku dayo madaxweynaha cusubi inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeyaa sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar. Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha csuubi ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta?
Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulkii hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo.
3. Xidhiidhka Dawladda Federaalka Ah
Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xidhiidhka uu maamulka madaxweyne Mustafe la yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin kara oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toosoo Toosoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm. Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloolaa waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tallaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xidhiidhka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”. Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada ah, iyadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay mulkiyad u haystaan xoog lagaga qaaday.
Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu samaynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u samaysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo. Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11 kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo.
4. ONLF Iyo Kooxaha Mucaaradka Ah
Jabhadda ONLF oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos taga Itoobiya ay uga xoreyn lahayd, iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiid iyo SRAJ waxay doonayeen inay maamulka Cabdi Ilay markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la wareegaan. Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana aad ugu kala aragti duwanaa xagga aragtida mucaaradnimada, misna ONLF waxay kaga duwan tahay iyadoo dooneysa iney gobolka gabi ahaantiisba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya. Xisbiga talada deegaanka haya ee X.D.SH.S.I oo isaguna siyaasadda deegaanka miisaan ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo. Haddaba, dhinacyadan siyaasadeed haddii aanu madaxweynaha sida ku habboon ula dhaqmin, qaab dhismeedka dowliga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin, waxaa adkaanaysa inay xaaladda siyaasadeed ee deegaanku degto.
5. Isku Dhacyada Soo Noqnoqda Ee Oromada Iyo Soomaalida
Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaadhay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin. Dhowrkii sano ee u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniyo badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafkii hore labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray.
Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sannadihii ugu dambeeyey ahaa kuwo siyaasadaysan, sidii loo joojin lahaa, labada shacab ee xadka dheer wadaagana dib looga walaaleyn lahaa, ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalidu waxay tirsanayaan in dad badan laga laayey, dhulna laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay, Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay. Labadaasi aragti ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusubi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here