Agaasime Waaxeedyo Ka Tirsan Isbitaalka Boorama Oo Xilal Ku Waayey Haybtooda Oo Taageertay Xisbiga WADDANI Doorshooyinkii Dalka Ka Dhacay

0
131
Lawadaag Asxaabta...

Boorama, September 10, 2018- (Foore)- Isku-shaandheyn dhawaan ka dhacday Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama ayaa qaar ka mid qah agaasime waaxeedyada Cisbitaalkaasi ku waayeen xilal ay soo hayeen sannado tiro badan.

Isku-shaandheyntan ayaa sida ka muuqata lagu ogaaday in madaxda waaxyaha Cisbitaalkaasi qaarkood xil ka qaadistooda loo cuskaday beelaha ay kasoo jeedaan oo wakhtigii ololaha doorashooyinkii Madaxtooyada dalka ka dhacday sannadkii  hore taageero siinayey xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Boorama Gahayr ayaa la sheegeyaa in waaxyaha qaarkood uu u magacaabay xubo ka  ka mid ah beeshiisa  oo aanay qaarkood  u diiwaangashanayn  hay’adda shaqaalaha dawladda meeshana laga saaray ama la fadhiisiyeyba kuwii hay’addaasi u diiwaangeshanaa  isbitaalkaasina ka shaqaynayey  labaatankii sanadood ee u dambeeyey.

Madax waaxeedyada la fadhiisiyey ayaa wax ka mid ah madaxii qaybta Raajatada oo shaqo joojintiisa loogu marmarsiiyooday inuu qalabka X-Ray-ga ah kharibay .

Isku- shaandheyntan dhinaca ka raran ee uu ku kacay agaasimaha Cisbitaalkaasi oo wax laga weydiiyey  isuduwaha caafimaadka gobolka ayaa  sheegay inaanu ka warhayn, hase yeeshee uu dib u baadhi doono wixii ka jira .

Wariye: Cumar Maxamed Ibraahin, Borama

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here