“Afartii Iskuul Ee Afweyne Uu Ka Tagay Ee Badhtamaha Suuqa Hargeysa Ku Yaalay Midh Laguma Darin, Dalkiina Waynu Dhamaynay, Maxaa Keenay Maanta Inaynu 12-km Woqooyiga HARGEYSA Xabaalo Ka Dhigano”….Sheekh Aadan X. Maxamuud

0
109
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 15, 2018- (Foore)- Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada Waa Weyn ee Reer  Somaliland ayaa walaac ka muujiyay Dayacnaanta haysata Hantida Danta Guud ee lawada leeyahay iyo sida aan loogu war warin horumarintooda, waxaana uu sheegay inaan xiitaa Wax dayactir ah lagu samayn Afartii Dugsi ee badhtamaha Suuqa Hargeysa ku yaalay islamarkaana aan wax ka dhacay mooyee aan waxba lagu kordhin intii ay Somaliland jirtay, waxa kale oo uu ka hadlay sida ay ugu hirgashay Iibka Dhulka Xabaalihii labaad ee Woqooyiga Hargeysa,Xadiga lacagta uu ku iibiyay iyo Ganacsatadii ugu horaysay ee lacagtooda ku tabarucay,isagoo fariin culusna Bulshada iyo Dawladda ukala diray.

Sheekh Aadan Siiro ayaa hadalkan ka jeediyay Xaalaha Bacii ee Woqooyiga Hargeysa oo uu kaga qayb galay Aas Doraad halkaasi ka dhacay ayaa waxa uu yidhi  “Tobankii kun ee ugu horaysay ee Xabaalaha Waxaa bixiyay Ganacsade Jaamac Oomaar, Tobankii ku xigay waxaa bixiyay SEED Company ayaa bixiyay, Sodonkii kun ee kale ee Ku xigay Ganacsade Cali Maaweel ayaa bixiyay,Waxaan idiin sheegayaa dadkaasi Ganacsatada ayuu dalkani ku dhisan yahay, Hantidooda ayaynu wax ku leenahay,Hantidooda ayaa dalkan lagu dhisay,Waar ganacsatada ha la illaaliyo, oo Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa hala kobciyo, oo hala dhawro, Kama hadlayno wixii Xuquuq loogu leeyahay, Laakiin dalkani iyaga ayaa Wax ka dhigay, waad arkaysaan Xabaalahaasi, 25km ayuu taliskii aynu la dagaalanay uu kaga tagay Hargeysa oo keli ah oo umadda ka dhexeeya,wixii waynu ku kala tagnay, $ 325480 Dollars (Saddex Boqol, Shan iyo Labaatan Kun,Afar Boqol iyo Sideetan Dollar) ayuu Dhulkaasi iyo dayrkaasi uu ku kacay, Ibraahim Dhego Weyne ayaa maalintii aanu furaynay Ilmeeyay, waa dadka Dhifta ah ee aynu leenahay ee Dalkan u soo halgamay ee maanta Guri kiro ah kaga jira, wuxuu yidhi Waar Aadanaw maad iisoo sheegtid haddii ay arintu tahay in Dhulka lacagta intaasi leeg in aynu bixinayno, Halgankayagii oo dhami Khasaare ayuu ahaa ayuu yidhi”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waar waxaan idiin sheegayaa Waar waxa idinka dhexeeya illaaliya, Oo Xabaaluhu ka midka yihiin, Oo Wadooyinku ka midka yihiin, oo Masaajidadu ka midka yihiin, waad ogtihiin Maanta Hargeysa,1973-kii ayaa Dugsigii First Jully Taliskii aynu la dagaalanay uu dhisay, Afar meelood marka loo qaybiyo, Laba meelood waa la qaatay, laba meelood oo ka  mid ah ayaa Hargeysa oo dhami maanta ay tidhaahdaa waa Jaamacaddii Hargeysa,”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Afartii Secondary ee Afweyne uu ka tagay ee Badhtamaha Suuqa Hargeysa kuyaalay   Mid laguma darin, Dalkiina waynu dhamaynay,Maxaa keenay maanta inaynu 12km maanta halkaasi uga soo baxno Hargeysa, Xabaalaha ku xigga kuwii hore oo Lix Kilo mitir iyo badh ujiray oo aanu ugu talo galnay inaanu dadka jilcdasan ee Maatida ah ee aanu awoodi karayn in la soo qaado, Shan Boqol oo Kun ayuu ninkii Ku xigay diiday, maalintaa Shilin maano haynin, Waxaan ku idhi Konton kun Oo Carbuun ah aniga ayaa imika kuu keenaya, Afar Boqol Iyo Kontonkana Umadda ayaanu waydiin doonaa,wuxuu yidhi Aadanaw hadaanad bixinayn Milyan iyo Boqol iyo Konton kun iska hayso lacagtaada, dhulkii inaga dhexeeyayna waad ogtihiin, halkaa illaa Xeeb waa la sheeganayaa, waar Xabaalaha u dadaala, Waad arkaysaan maanta Afar Qof ayaa lagu aasayaa maanta,Dhulkiina Qiimahiisa waad arkaysaan, Dawladda ayaanu leenahay waar dadkaaga ururi, Dadka sabaaleeya,dadka meel iskugu wada keena, Nabadaasi ayay khayrku kujirtaa ayaanu leenahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here