Abwaan Laabsaalax Oo Ka Digay Burbur Uu Sheegay Inay Qarka U Saaran Yihiin Dugsiyaddii Dawladdu, Fariimo Dhiilo Lehna U Kala Diray Madaxweynaha Iyo Masuuliyiinta Waxbarashada

0
96
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 24, 2018- (Foore)- Abwaan Xasan Dhuxul (Laabsaalax) oo ka mid ah Abwaanada Waa weyn ee Reer Somaliland ayaa daraasad iyo kormeer uu sameeyay kadib si damqasho leh uga hadlay Duruufta ay ku sugan yihiin Dugsiyaddii Dawladdu, isagoo isbarbardhig ku sameeyay kuwa gaarka loo leeyahay, waxa uu walaac ka muujiyay inay Laba sanno kadib iskood iskaga xidhmaan Dugsiyada Dawladdu hadaan loo gurman,oo uu sheegay inay hadda wax ka bartaan oo qudha ubadka ay dhaleen Waalidiinta dabaqada u hoosaysa ku nooli, waxa uu soo jeediyay in Deeqda waxbarasho ee ay Itoobiya inoogu deeqday si gaar ah loo siiyo Ardayda Dugsiyad Dawladda ku jirta,waxaanu ka digay  in la tartan siiyo kuwa gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay ka tayo sareeyaan.

Waxa uu khudbad dheer oo uu u jeediyay Warbaahinta ku bilaabay sidan “Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare waxay shaacisay in in dalka Itoobiya deeq waxbarasho oo 300- Arday ah laga helay,islamarkaana ay Gobolada Dalka u qaybisay, Cidii Arintaasi danaynaysaana ay Faylasha soo xeraynayso, waa talaabo guul ah oo wax wanaagsan, laakiin ardaydu dalku waa kala xaalad, laakiin ardayda dalku waa kala duruuf, waa kala xaalad waana kala dhaqaale,  tusaale ahaan Ardayda Dugsiyadda gaarka ah wax kabarataa, waxay bixiyaan $70 Dollar illaa $100 Dollar, waxaanay helaan Macalimiintii dalka ugu tayada wanaagsnayd, Kuwa Dugsiyada Dawladda Wax ka bartaanna waxa bixiyaan Shan Dollar, Macalimiinta joogaan maaha kuwa tayo faro badan leh,oo macalimiintii Tayada lahayd Dugsiyadda Gaarka  ah ayay ka shaqeeyaan, Taasi waxay ku tusinaysaa inaanay labadaasi arday tartami karin”.

Waxa kale oo uu yidhi“Markay sidaasi tahay anigoo si taxadirleh ugu Kuurgalaya Waxbarashada Dalka ayaan Gobolada Qaarkood Dugsiyada kuyaala tagay, Waxaa iisoo baxday oo aan xaqiiqsaday in Dugsiyada Dalku ay gabi ahaanba Xaaladooda Waxbarasho aad u liidato, lagana yaabo labada Sanno ee soo socda ay xidhmaan, Waxa lagaga tagay ee wax ka barta waa ardaydii danyarta ahayd,Inankii Aabbihii Askariga ahaa, Inankii Aabbihii Kuliga ahaa, inankii Aabbihii illaaliyaha ahaa (Washman), Ardayda Noocaas ah ee Danyarta ah ayaa wax kabarata, Tusaale ahaan Wasaaradda Waxbarashada waxa saddex Boqol oo Mitir u jira Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Fasaladiisa Qaybo dhan oo ka mid ah ayaa xidhan, Taasi waxay ku tusaysaa Ku baraarug la’aanta wasaaradda, Wasaaradda ma dhaliilayo, Wasiir Faratoonna ma dhaliilayo laakiin Xaalada Waxbarasho ee Dalku waxa u baahan tahay in si wadaniyad leh oo naxariis leh looga hawlgalo, loona eego, 7000-Kun oo Macalin ayaa ka hawlgala Wasaaradda Waxbarashada, haddana Dugsiyadeedii ayaa sidan ah, Waa xaaladaha Qof kasta oo inaga mid ahi  uu qiyaasi karo, anoon diidanayn Ardayda Dugsiyada Gaarka loo leeyahay wax ka barta oo iyaguna ay ubadkeenii yihiin oo aan dhiirigalinayo haddanna masuuliyaddu cid gaar ah ayay saaran tahay,laakiin Dugsiyadda Dawlada Dawladda ayaa ka masuul ah”.

Sidoo kale waxa uu yidhi“Wasaaradda Waxaan u soo jeedinayaa in Ardayda Deeqdan waxbarasho(Scholarship) loo dirayaa inay noqdaan kuwa dawladda ah ee danyarta ah,saddexdii Boqol ee  ugu saraysay, waxay wasaaraddu sheegtay in labadii sannadood ee ugu dambeeyay  marka la eego ardaydii Grade-B iyo Grade –A,-da ahayd la qaadayo, haddii ay sidaasi tahay Shantii sanadood ee ugu dambaysay Ardayda dawladu safka horeba kuma jirin ayay ka dhigan tahay, Markaa Wasaaradda waxaan ka codsanayaa inay xaaladaasi Waxbarasho ee dalka ay eegaan, haddii maanta ay jirto xaalad ay Ardaydu kala koreen Bari noqon mayso, Tahriibku wuu iska soo dhamaani, innanna baabuur cad wadan maayo, innanna Markuu Dugsiga sare  ka baxo iska fadhiyi maayo, Nabadgalyadeena ayaa kujirta, umaddani haddii ay kala sarayso, noqon mayso umad, Dawladnimada Danyar difaaci waydayna Dawladnimo ma noqon karto, Dawladnimo waxay hiil u tahay cid kasta oo muwaadin ah oo xaaladiiisa dhaqaale aanay suuragal ka dhigayn, Madaxweynaha Qaranka waxaan leeyahay in dadka danyarta ahi dantooda kaa dhex arkaan waa mihim”.

Isagoo hadalkii sii wata ayaa waxa uu yidhi “Qoladan Xisbiyada ee Hebel ayaa Hebel u jawaabayna, waar waxaan doonaynaa inaad ka hadashaan oo aad dhaliishaan, oo aad toosisaan waxyaabaha la wada leeyahay, ee Waxbarashadu ka mid tahay ee nabadgalyadu ka mid tahay, ee Caafimaadku ka mid yahay, markay sidaasi tahay, haddii macalimiintii wanaagsanayd ee Dugsiyada Dawladda ka hawlgalayay  laga dareersaday oo dugsiyaddii gaarka loo lahaa ka dareersadeen Maxaa diiday in Saraakiisha ugu wanaagsan Dawladda laga dareersanayo, Dugsiyadda Gaarka loo leeyahay markaad eegto, Islaantii Hooyadda ahayd ee Saanbuusaha ku horgadaysay waa lasoo gabogabeeyay oo Macmacaanlayaal ayay samaysteen, Dhinaca kale markaad ka eegto, Dawaarlayaashii way samaysteen, mid ka mid ah Maamulayaasha Dugsiyadda Gaarka loo leeyay oo aan la yar sheekaystay oo nin horumar iskagakay dhigaya ayaa igu yidhi 40-bas ayaan lasoo dagaynaa, Waa basaskii ayaa haddana Albaabka loo xidhayaa, Dawladdii meeday, Dawlada waxaa loo baahan yahay inay ku dabagasho oo ay kula xisaabtanto Macalimiinta Dugsiyadda Gaarka ah jooga ee Wasaaradda Ka mushahar qaata, in la isla xisaabtamaana ma xuma, balanqaadyadii fiic fiicnaa ee Xisbiga KULMIYE iyo Buuggii Akhtarka ahaa in Dib loo dhagaysto ayaa loo baahan yahay,oo ay Xukuumaddu dib u eegto”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Jiilasha maanta joogta ayaa hiil u baahan, Jiilashaasi ayaa u baahan in qabyaalada iyo eexda iyo kala qaybinta laga daayo, oo wixii u dan ah la yeelo, dhaliil igama aha ee waa iga toosin, Waayo cid arimaha Bulshada ka hadlaysa ayaan waayay, waa ta igu kaliftay ee aan ka damqaday nin askari ah oo afar ciyaal ah dhalay oo afartii saddex ka mid ahi Dugsiga sare uga baxeen, Boqol Dollarna qaata ayaa semester kasta Jaamacadda waxa laga doonnayaa 300-Boqol oo dollar, waar Askarigaasi kun iyo laba boqol ma bixin karaa illaahay ayaan idinku dhaarshee?,Markay sidaasi tahay haddii Deeqihii Waxbarasho ee ay Wasaaraddu heshay haddii ay kuwa Gaarka loo leeyahay siinayso kan yaa u ehel ah, Calanka u soo jeeda ee Ciidda usoo jeeda ee aynu ku seexano, ee aynu ku soo toosno, waxaynu baahanahay inay wadaniyadeenu ku salaysnaato waar dadka liita aynu udamqano”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here