Aasaaskii Iyo Tacadiyadii Liyuu Boolisku Ka Gaysteen Kililka 5aad- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
102
Lawadaag Asxaabta...

Aasaaskii Liyuu Booliska

Kelmada liyuu waa af-amxaari micnaheeduna yahay “shay cusub”. Ciidankan waxa la aasaasay sannadkii 2007-dii, sababata samayskoodu wuxuu ka da3mbeeyey markii ay jabhadii ONLF weeraro joogto ah ku qaaday Petrona oo ahayd shirkadii gaasta cad ka baadhaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya (African Oil Company). Ciidanka waxa bilowgii hore madax ka ahaa madaxa nabadgeliyada Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo imika ah madaxweynaha kililka shanaad. Muddo kooban gudahood waxa ay ku noqdeen cudud milateri, oo deegaanka kililka shanaad waxa ay doonaan ka sameeyaaan. Madaxda ciidankani 95% waa Ogaadaan gaar ahaan Beesha Cabdi Iley-Ogaadeen, reer- Cabdulle, reer- Ugaas Kooshin.

Qaar ka tirsan ciidanka Liyuu Boolisku waa xubno la soo xero-geliyey oo ka tirsanaa jabhada ONLF, loona liqimay inay cadawgooda ka aarsadaan. Jugtii hore waxa ay ciidankan Liyuu Boolisku xasuuq cag ku mariyeen deegaanadii ay lahayd Beesha Ogaadeen, ee aan ahayn haybta reer Cabdulle, gaar ahaan Reer Ugaas kooshin, oo uu ka soo jeedo Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar (Iley). Ciidanka Liyuu Boolisku waxa ay kumanaan qof ku soo xasuuqeen deeganadoodiina dab-qabadsiiyeen Jufada Ogaadeen Reer Isaaq.

Saraakiisha ciidanka Liyuu Booliska waxa hogaamiya qaar ka tirsan saraakiishii sare ee taliskii Maxamed Siyaad Barre, ee ay afka ciida u dareen jabhadii SNM, markii ay dhacday dawladii Siyaad Barre ayay saraakiishaasi ku noqdeen deegaankoodii ay markii hore ka soo haajireen (Kililka Shanaad), ka dib waxa lagu taxay darajooyinkii ay hore u lahaayeen, waxaana la faray inay u dhaqmaan siday u dhaqmi jireen dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanad maanta ka garanaysaa siday xasuuq-wadareedka ugu geystaan shacabka Kililka Shanaad degan ee isir ahaan ka soo jeeda Soomaalilaan (Isaaq). Saraakiisha sare sare ee ciidanka Liyuu Boolisku waxa toos uga amar qaataan Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi-Iley, waxaanu awood u siiyey inay waxa ay doonaan ka sameeyaan deegaanada Kililka shanaad ee Itoobiya, sida dil, dhac, kufsi, iyo inay dad nool aasaan.

Goobaha ay Ciidanka liyuu Boolisku xasuuqyada ka Geysteen

-Sannadkii 2011-kii ayay Liyuu Boolisku 4 qof oo dirawaliin ah rasaas ku dileen koonfurt Harta Sheekh, iyaga oo wata Baabuurtoodii.

-Sannadkii 2012-kii ayay ciidanka Liyuu Booliska 11 qof oo shacab ah,  ku laayeen Tuulada Raqda iyo Cadaadda oo hoos tagta dagmada Daroor. Dadkaasi dhammaantood waa shacab aan waxba galabsan

Isla-Sannadkaasi 2012-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 12 qof oo shacab ah ku xasuuqeen deegaanka Cilmi Xirsi, kuwaasi oo aan waxba galabsan

-Sannadkii 2013-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 8 qof ku dileen deegaanka Faarax Liibaan ee degmada Xarshin. Dhammaantoodna waxa ay ahaayeen shacab

-Sannadkii 2014-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 9 qof ku laayeen koonfurta Kaam-abokor, oo ahaa xoolo-dhaqato aan hubaysnayn.

-Isla-sannadkaasi 2014-ka ayay ciidanka Liyuu Boolisku 8 qof ku laayeen deegaanka Hawdka Dhoqoshay ee dhinaca Itoobiya, dadkaasi ayaa ahaa xoolo-dhaqato aan waxba galabsan.

-Sannadkii 2015-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku dad aan tiradooda la hayn ku laayeen deegaanka Raamaale.

-Isla-sannadkaasi 2015-ka ayay ciidanka Liyuu Boolisku 10 qof ku laayeen koonfurta deegaanka Laanqayrta, kuwaasi oo isugu jira dumar, carruur iyo waayeel.

-Sannadkan 2016-ka bisha Juun ayay ciidanka Liyuu Boolisku 40 qof ku laayeen deegaanka Jaamac Dubbad oo Gaashamo hoostaga. Dadkaasi waxa ay ahaayeen shacab isugu jira Carruur, dumar iyo waayeel ku noolaa Tuulada lagu xasuuqay.

-Sannadkan 2016-ka bishan Juun 28-keedii ayey liyuu Boolisku dad ku laayeen tuulada Gor-Gor iyo Boodacadde. Dadkaasi lama hayo tiradooda, balse waxa mudaharaad arrintaasi awgeed Burco ka dhigay dadka deegaankaasi u dhashay oo arrintaasi sheegay.

Labadii Weriye ee u dhashay Iswiidhan ee Itoobiya lagu xidhay Buug ay qoreen ayay kaga ku sheegeen sheeko naxdin badan oo Liyuu Boolisku Sameeyaan oo hoos ku qoran.

Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay nin magaciisa Cabdi ku soo koobay oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Liyuu Booliska oo ka sheekaynaya wixii ay samayn jireen waxa aanay sheekadu ku bilaabmaysaa,”  Cabdi waxa uu calaamad ku sameeyey halka ay khariiradda kaga taallo togga Faafan, ku dhowaad 120 km dhanka waqooyi kaga aaddan qalcadda shirkadda Africa Oil. Goobtaas ayuu joogey maalin ka mid ah bishii Julay sannadkii 2010, isaga oo xidhan dharka cawlan ee milatariga, waxa aanu dhegeysanayey amarka madaxweynaha. Cutub milatariga ah ayaa weerar lagu soo qaaday, tuulada dagaalku ka dhacay agteeda ayuu madaxweynuhu kula hadlay ciidanka oo yidhi: “Ma jiraan waxa shicib la yidhaa meeshan.”

“Wuxuu noo sheegay in dadkii askarta laayey ay ahaayeen geeljireyaal, imikana inta ay hubkoodii soo qariyeen ay guryahooda iska joogaan. Sidaas darteed waa in aannu dilnaa cid kasta oo aannu aragno, xitaa haddii ay xoolaha la joogaan, xitaa haddii aanay hubaysnayn, xitaa qoysaska.”Cabdi indhihiisa ayaan eegay, waxa aanan weydiiyey: “Ma hubtaa in uu madaxweynuhu sidaa yidhi?” Cabdi madaxa ayuu ruxay, waanu sii watey sheekadiisii.

“Reerkii u horreeyey ee aannu u nimid waxa ay ahaayeen hooyo, aabbo, saddex hablood iyo afar wiil oo qaangaadh ah. Buulkooda hortiisa ayaan joojinnay, waannu toogannay. Mid ayaa sii noolaa oo na baryey. Wixii u dambeeyey ee uu yidhi waxa uu ahaa: ‘Annagu jabhad ma nihin, ONLF ma nihin, shicib ayaannu nahay.’ Isagana waannu dilnay.” Dareen argagax ah ayaa na saaqay. Mar uu Cabdi ka biyadiiday shicibka la laynayo, askari ayaa ku qayliyey: “Fuli amarka madaxweynaha – askari ayaad tahay.”

“Taasi waxa ay keentay in aannaan soo jeedsan. Askartu waxa ay dhex qaadeen buulasha, iyaga oo kooxkoox isugu xidhaya ragga, dumarka iyo carruurta. Dhowr daqiiqo kaddib waxa aannu nimid reer kale, dad reermiyi ah oo haysta saddex wiil oo qaangaadh ah. Markii ay na arkeen ayay gacmaha sare u taageen iyaga oo ooyaya.”Cabdi wuu aamusay. “Kaddiba?” ayaan weydiiyey.”Xanuun weynaa. Waxaan daawanayey sida loo laynayo iyo xabbadda ku dhacaysa, balse anigu waan ridi kari waayey.” Tuulada xigta ayay uga gudbeen. “Hawlgal qaatay toddoba maalmood kaddib, waxa aannu dilnay 170 qof”

ayuu cabdi si naxariistu ka madhan tahay ah u yidhi.
“Maxaad ku garanaysaa inay tiradu intaas ahayd?”
“Cutub kasta qof ayaa uga masuul ah tirinta maydka” ayuu Cabdi iigu jawaabay. Fiidkii ayaa warbixinta la diiwaangelin jirey. Markii dambe waa la dacweeyey Cabdi. Waa la xidhay, qorigii ayaa laga qaaday, qasnaddiina waa la eegay inta rasaastii lagu daadiday hortiisa: 30 xabbo. Hawlgalka oo dhan, xabbad keli ah ma uu ridin. Saldhig uu markii dambe ka soo baxsaday ayaa la geeyey, sagaal maalmood kaddibna waxa uu u soo tallaabay Kenya, isaga oo ka nabad galay kuwii caydhsanayey, balse weli sita xusuus aan ka hadhayn. “Waxa aan xasuustaa hooyo haysata mataano bil uun jirey” ayuu yidhi. “Waannu dilnay labadii waalid, mataanihiina goobtii ayaanu kaga dhaqaaqnay. Way ooyayeen markii aannu sii soconnay.” Cabdi wuu aamusay isaga oo gacmihiisa hoos u eegaya. “Kolley libaax amma waraabe ayaa cunay. Imika marka aan arko carruurta yaryar, madaxa ayaa i xanuuna mana hadli karo, waan wareeraa.”

F.G=Tix-Raac: Buuggan oo ku qoran Af-iswiidhis oo magaciisa la yidhaa” JOHAN PERSON & MARTIN SCHIBBYE 438 DAGAR”. Qoraalkan waxa Af-soomaali ku turjumay Qoraa Ismaaciil Ubaxle.

Halkan hoose ka daawo Askari ka tirsanaan jiray Ciidanka Liyuu Booliska oo ka baxay, kana sheekaynaya dhacdooyin xannuun badan oo uu soo maray.

Askarigani wuxuu ka sheekaynayaa noocyada xasuuq ee ay geysan jireen. Wuxuu sheegay in Ciidanka Liyuu Booliska loo diido inay salaada tukadaan. Waxba yaanan hadal idinku daaline Liinkan hoose ka daawo Askariga oo dhacdooyinkaasi ka sheekaynaya.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here