90-Jir Muddo Dhan 20-sanadood Ku Garab Noolaa Qabriga Haweenaydiisa Oo Isna Lagu Garab Aasay

0
72
Lawadaag Asxaabta...

Oday Qabriga haweenaydiisa ku garab noolaa muddo ka badan 20 sanadood ayaa toddobaadkan tii Alla u timid oo isagiina lagu garab aasay qabrigii ay ku jirtay haweenaydiisii labaatanka sanadood ka hor geeriyootay.

Qisada oday ku jira da’da Sagaashamaadka ayaa noqotay mid lagu tilmaamay Jacaylkii aan gabawga lahayn kadib markii warbaahinta wadanka Ingiriisku baahisay Oday da’diisa lagu sheegay 92-jir oo u dhashay dalka Ingiriisku in uu muddo 20 sanadood ah wakhtigiisa oo dhan maalintii ku qaadan jiray qabriga haweeenaydiisii geeriyootay subaxdii ayuu ku soo kallihi jiray waxaanu ka carraabi jiray maqribka marka habeenku soo galana gurigiisa ayuu u dheelman jiray balse waxa uu isaga laftiisu toddobaadkan si rasmi ah uga mid noqday Asxaabul Qubuurka isaga oo jaar la noqday haweenaydiisii uu jeclaa.

Wargeyska Daily Mail oo arrinka odaygan wax ka qoray ayaa sheegaya in nolosha Rocky Apalsmo soo gaabatay isaga oo tan iyo sannadkii 1993kii ku ag noolaa qabriga xaaskiisii Julia, taasi oo u geeriyootay qalliin dhinaca wadnaha ah oo wakhtigaasi lagu sameeyey.

Waxaanu odaygan laftiisu ahaa mudadaasi mid naftuuni ku jirto balse qalbi ahaan isaga laftiisu dhintay oo aan dunida joogin maadaama labaatankaa sano ee uu dabadeed noolaa ahaa mid weheshada qabriga ay ku nooshahay oo aan lahayn haba yaraatee wax dhaqdhaqaaq kale ah ama aan adduunkaba ka war hayn. Rocky ayaa ahaa oday aanay noloshu macaan u lahayn oo geeri qarka u saaran ka hor intii aan toddobaadkan isna lagu xabaalin agagaarka xabaashii xaaskiisu ku jirtay waxaanu mudadaasi u dul qaadan waayay in uu nolol macaan ku sii noolaado xaaskiisii uu jeclaa oo geeriyootay. Rocky ayaa bilihii ugu dambeeyey cisbitaalka xanaanada dadka waaweyn lagu daryeelayay markii xaaladiisu aad u xumaatay in muddo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here