8 Arrimood Oo Lagama Maarmaan U Ah Inaad Sameyso Haddii Aad Rabtid Inaad Guul Gaadho

0
301
Lawadaag Asxaabta...

Khabiir ku takhausay arrimaha Bulshada oo lagu magacaabo Dr. Richard ayaa waxa uu yidhi Maalin Ayaan Diyaarad Saarnaa, Agtaydana Waxaa Fadhiday Gabadh Yar Oo Dhigata Dugsiga Sare Kana Soo Jeeda Qoys Faqiir Ah Waxayna aad U Jeclayd inay Wax Ka badasho Dhibka Haysta Qoyskeeda. Gabadhani Waxa ay iwaydiisay Sidee Loo Gadhaa Guul? Ana Waxaan Dareemay Xanuun Badan, Maxaa yeelay Ma Awoodin inaan Siiyo Jawaab Sax Ah Oo Tafatiran. Waxaan Go’aansaday in Markaan Diyaaraddii Ka Dago Aan Raadiyo Dad Gaadhay Guulo iyo Horumar si aan jawaab ugu helo su’aasha gabadha yari i waydiisay. Si aad dadkaasi u Waydiiyo Sidee Guul Loo gaadhaa? 7Sano Kadib iyo 500 Oo Waraysi Oo aan Ka qaaday Dad Guulo Sare Gaadhay Waxaa iisoo Baxday in Guul Lagu gaadho 8 arrimood oo ah kuwan Soo Socda:

1- Hilow; Hilowga Loo Hiloobo Gaadhitaanka Guusha Ayaa Qofka Ku khasba inuu Shaqo Qabto, Oo aanu Ka seexanin Kadib Dhinac Dadka Jecel inay Guul Gadhaana Uma Shaqeeyaan inay Helaan Lacag Oo Kaliya, Ee Waxay U dadalaan inay Shaqadooda Ku Raaxaystaan, Kadibna Waxay isla Helaan Guul iyo Maal Badan.

2- Shaqo: Guul Oo Dhan Waxaa Saldhig U Ah, Shaqo Loo Maro Dhib Badan, Wax Bilaash iyo Raaxo Ku Yimaadaana Maba Jiraan Waa Wax Riqiis Ah Oon Qiimo Badan Lahayn. Dadka Huromarka Gaadhaa Waxay Qabtaan Shaqo ay Ku raaxaystaan. Waqtigooda iyo Naftoodana Ay U huraan, Waxayna U shaqeeyaan Si qota Dheer.

3- Tababar: iyo Kucelcelin Farabadan; Si aad Unoqoto Guulayste, Bilaw Shaqo Fiican Aadna U badi Taba-Barashada iyo Ku celcelinta, Riyo iyo Sixir Midna Ha sugin, Ee Ku talagal Dadaal iyo Taba-Barasho Dhab Ah Si Aad Shaqadaa Master Uga Noqoto.

4- Hadafkaaga Beegso: isagana Ku seexo Kuna Soo kac, Hana isku dayin inaad Hal Jeer Toban Shay Ka shaqayso, Balse Hadafkaaga Oo Qurdha indhaha Ku hay Habeen iyo Maalin Soo jeed iyo Hurdo Labadaba.

5- Cadaadinta Nafta: Naftaada Ku cadaadi Siday Hore Ugu socon Lahayd Markasta iyo Si kastaba Haka-Shakiyin Hana Ka xishoon Hadafkaaga Magac Dhawgiisa iyo Ku celcelintiisa Naftaadana Ha mahadinin Hubsana inaanad Wali Gaadhin Meeshii U saraysay, U qiimaha Badnayd Markasta Sii Raadi Meel Ka Saraysa Meesha Aad Hadda Joogto.

6- Dadka U Adeeg: Una Qabo Wax Qiima Leh, Taasina Waa Jidka Ugu Gaaban Ee Guul Lagu Gaadho Kaligii Noolaade Ama Dantii Raadiye Meel dheer Ma gaadho Oo Qofka Naftiisa Uun Ka fikira Hadafkiisu Aad Buu U gaaban Yahay Qofka Meel Dhaw Ku socdaana Dhaqsuu Daalaa, Halka Qofka Meel Dheer Ku socdaa, Daalka aanu Xasuusanba.

7- Raadi Fikrado Cusub: Hana Sugin Sixir Ama Wax Haljeer Kugu Soo Daga Oo Guul Weyn Ku gaadhsiiya Guushu Waa Fikrado Yaryar Oo Laysku Daray, Lagu Celceliyay, La kobciyay, Oon Laga Daalin (Dhibicda Yar Ee Dhulka Ugu Dhacda Si Isdaba Joog Ahi God Bay Qodaa, Lakiin Baaldi Buuxa Hadii Haljeer Dhulka Lagu Shubo God Ma Qodi Karto).

8- Haka Hadhin: Dadaalkii Aad Soo waday Xataa Haday Kaa Hortimaado Guul Darro, Ama Dadka Shaqo La’aanta Ahi Ku caayaan.Waxaadna Ogaataa inay Guul Darradu Dhasho Guul Qiimo Badan, Tahayna Hordhicii Guusha Weyn Hadaad Ka hadhase Waxaad Noqonaysaa mid Cimrigiisii Khasaariyay.

Tilmaamahaasi Waa Kuwa Guul iyo Wanaag Lagu Gaadho Sida Uu Ninkaa Aqoonta iyo Khibrada Dheer Lihi U dhigay Waxaana Haboon Qofku inuu isagu is miisaano Meesha Uu Ka joogo Tilmaamahaas Balse Si guud Waxaan Odhan Karnaa Umadeenu Waa Umad Lagu imtixaanay Fudayd, Dagdeg iyo Dhakhso Afka Buuxso, Guul Ordaysa Dusha Kaga dhac.

Taasina Waa mid Ka hor Imaanaysa Sunada iLaahay, Ee Ku dhisan in Guusha Macaan Lagaadho Oo Kaliya Markii La helo Fikir Wanaagsan, Niyad Adag, Dadaal is Dabajoog Ah iyo Rabbi Oo La tala Saarto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here