7 Faa’iido Oo Kugu Kalifaya In Aad Cunista Canbe-Lafka (Mango) Badsato Iyo Faa’iidooyinkiisa Caafimaad

0
115
Lawadaag Asxaabta...

Cambe Lafka ama Maangaha sida dadka qaar u yaqaanaan oo ka mid ah khudaarta ugu macaan ee ugu caafimaadka badan, sidoo kalena wanaagsan tahay in si joogto ah loo cuno, kaasoo ay ka buuxaan nafaqo iyo faytamiinno badan ayaa khubarada cuntada iyo nafaqayntu waxa ay ku sheegeen in ay ka buuxaan ugu yaraan 7 faa’iido oo baadhitaanadii ugu dambeeyey lagu ogaaday in laga heli karo Canbe-lafka.  Haddaba, daraasado badan oo cambahana laga sameeyey ayaynu qormadeenan ku soo ururin doonaa toddobadaa arrimood ee ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee cunistiisu qofka u leedahay waxaanay kala yihiin:

  1. Wuxuu Wanaajiyaa Shaqada Hab-Dhiska Difaaca Cudurrada Jidhka: Haddaad doonayso in aad ka shaqaysiiso hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhkaaga waxaad isticmaasha oo aad cuntadaada si joogto ah ugu dartaa cambaha. Cambaha waxa ku badan madooyinka la yidhaa Carotenoid oo jidhku u beddelo faytamiin jidhka ka ilaaliya in cudurradu si fudud ku galaan. Sidoo kale, Canbaha waxa ku badan fiitamiin C-ga, kaasoo si fiican uga shaqaysiiya hab-dhiska difaaca jidhka, una saamaxa in cudurrada iyo waxyaabaha waxyeellada leh ee jidhka dibada kaga imanaya uu si fiican isaga difaaco.
  2. Waxa Uu Ka Difaac Yahay Kansarka: Cambaha amma Maangaha oo uu aad ugu badan yahay maadada Antioxidant iyo faytamiinada waxa uu hoos u dhigaa sida ay muujiyeen daraasado badan oo laga sameeyey khatarta cudurka Kansarka. Cilmi-baadhisaha lagu sameeyey cambaha waxay tilmaameen in maaddooyinka ay ka mid yihiin Astragalin, Quercetin, Gallic Acid, Isoquercitrin, methylgallat iyo Fisetin oo cambaha ku jira ay jidhka ka ilaaliyaan in kansarka uu ku dhaco, gaar ahaan noocyada Mindhicirada, Naasaha, Qanjidhada iyo kuwo kale oo badan.
  3. Cambuhu Wuxuu Wanaajiyaa Shaqada Maskaxda: Cambaha oo uu ku badan yahay fiitamiin B6 oo daruuri u ah in hab-dhiska dareenka amma neerfisyadu si fiican u shaqeeyo, isla markaana maskaxdu qabsato shaqada ay jidhka u hayso, ayaa haddana faytamiin B6 waxa uu maskaxda ka caawiyaa inay gudbiso farriimaha maskaxdu kala dirto, waxaannu u fiican yahay hurdada. Waxa kale oo uu ka kooban yahay maadada Glutamine oo ay ku jirto Amino Acid, taasoo qofka u saamaxda inuu xasuus wanaagsanaado.
  4. Beerka Ayuu Difaacaa: Cunista cambuhu wuxuu sidoo kale ka qaybqaata in beerka laga difaaco xannuunnada. Waxyaabaha ku badan cambaha ee Antioxidants ka mid yihiin waxay keenaan in beerka ay ka saaraan sunta waxyeellada keenta, waana waxyaabaha ugu fiican ee caafimaadka beerka wanaajiya.
  5. Waxa Uu Yareeyaa Subagawga: Cambaha oo leh faa’iidooyin badan oo caafimaad waxa uu ka qaybqaataa in jidhka qofka uu hoos uga dhigo subagga ku bata ee keena beer subagawga iyo in duxdu qofka ku badato oo xataa wadnaha gaadho, waayo maangaha waxa ku badan firiga amma maadada la yidha Pectin oo ka qaybaadata in hoos loo dhigo duxda. Sidoo kale, waxa uu yareeyaa xawliga dhiiggu ku socdo ee sababi kara dhiig-karka.
  6. Waxa Uu Kantaroolaa Miisaanka Qofka: Haddii aad doonayso inaad iska rido miisaan ku dheeraad ah amma culays, isla markaana aad rabto in miisaankaaga aad halka uu taagan yahay ku ilaaliso waa in qofku quuta khudaarta uu cambuhu ugu horreeyo. Daraasado tiro badan oo la sameeyey ayaa lagu helay in quudashada cambaha diirkiisa lahe u fiican tahay xakamaynta miisaanka qofka, waxaana la ogaaday in diirka cambuhu uu unugyadaa keena in qofku naaxo ka hortagaan, miisaanka qofkana halkiisa ku ilaaliyo.
  7. Waxa Uu Muhiim U Yahay Hab-Dhiska Dheef-Shiidka: Cambuhu waxa uu wanaajiyaa in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u dhaco, waayo waxa ku badan cuntada fiber-ta ah, taasoo ka qaybqaadata in jidhku iska saaro sunta iyo hadhaaga caafimaadka u xun. Cambaha waxa ku badan macdanta Potassium-ta la yidhaa, taasoo nafaqo badan leh, qofka oo macdantani ku yaraatana waxa ku dhaca in dareeraha jidhkiisa ku jiraa dheelitirmi waayaan, taasina ay keento Calool Istaag (Constipation). Xabbadda cambaha ahi waxa ay ka kooban tahay 560 mg oo Potassium ah, taasoo macnadeedu tahay inuu 16% kafaalo qaadi karo macdanta Potassium ah ee qofku maalin kasta u baahan yahay. Cambuhu ma macaana oo kaliya, balse wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan, waxaana ku jira nafaqo iyo fiitamiino aad u farabadan, kuwaasoo daruuri u ah in qofka caafimaadkiisu wanaagsanaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here