5 Sababood Oo Loo Tirinayo Inay Keeneen Guul-darradii Real Xalay Ku Habsatay

0
95

Madrid (Foore)- Real Madrid oo saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay koobka UEFA Champions League ayaa gabi ahaanba laga cidhibtiray tartankan kadib markii ay kooxda Ajax wacdaro taariikhi ah ku dhigtay Santiago Bernabeu. Ajax ayaa guuldaro 4-1 ah u xambsaarisay Real Madrid si ay bog cusub ugu furaan taariikhda kooxdoda.

Waxaa hadda loo arkaa in xili ciyaareedkii Real Madrid uu bishan March ku dhamaaday maadaama oo ay lix maalmood ku macasalaameeyeen dhamaan saddexdii tartan ee ay ku jireen. Real Madrid ayaa February 27 iyo march 2 waxay guuldarooyin kala kulantay Barcelona ee kulamadii Copa Del Rey iyo La Liga.

Waxayna kadib Real madrid doonaysay in ay xili ciyaareedka kooxdeeda ku badbaadiso tartanka UEFA Champions League balse Ajax ayaa noqtay koox layaableh oo Bernabeu ku soo bandhigtay dhiiranaan aan la sharixi karin waxayna Real Madrid tustay albaabka looga baxo Champions league.

Haddaba maxaa sabab u ahaa in Real Madrid ay qaabkan uga hadhay tartan ay saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay? Su’aashani ma aha mid sahlan in laga jawaabo waxayna marka si loo eego ku laabanaysaa dhibaatadii xili ciyaareedka oo dhan soo haysatay Madrid balse waxayna ka eegi doonaa wixii Bernabeu ka dhacay ee sababta muuqatay ahaa.

Waxa kale oo aanu qaybta dhamaadka warbixintan idiinku soo gudbin doonaa xogtii iyo xaqiiqooyinkii waalida ahaa ee laga diwaan galiyay kulankii Real Madrid iyo Ajax.

1- Daalkii Real Madrid Ee Kulamadii El Clasico-da Iyo Nasashadii Ajax Ee Go’aankii maamulka Horyaalka Hollland.

Real Madrid waxay soo ciyaartay kulamo xaasaasi ah oo ay Barcelona kula soo ciyaartay Santiago Bernabeu maalmihii February 27 iyo March 2 waxayna soo ciyaartay 180 daqiiqo oo ay heerka ugu saraysa ku soo ciyaareen inkasta oo ay laba guuldaro soo gaadheen.

Laakiin markii ay taariikhdu ahayd Febuary 23, maamulka horyaalka Holland ee  Eredivisie ayaa go’aan ku gaadhay in ay caawiyaan kooxdooda Ajax ee ka hor kulankii UEFA Champions league ee Santiago Bernabeu ku dhex maray Real Madrid, waxayna siiyeen hal todobaad oo ay u sii nasteen ka hor kulankii lugta labaad ee Champions league.

Waxaa markii hore qorshaysnayd in kooxda Ajax ay garoonkeeda Johan Cruyff  ku soo dhawayso kooxda PEC Zwolle, waxaana kulankan la ciyaari lahaa maalintii March 2 oo ahayd isla maaalintii ay Real Madrid soo dhawaysay Barcelona, laakiin  maamulka horyaalka Holland ayaa dib u dhigay taariikhdii kulankan la ciyaari lahaa.

Kooxda Ajax ayaa la siiyay waqti fiican oo ay iskugu diyaariyeen kulankii Real Madrid iyada oo kulankii Johan Cruyff  ku dhex mari lahaa kooxda  PEC Zwolle laga badalay March 2 waxaana dib loogu riixay March 13 taas oo kooxda Ajax siisayin ay helaan waqti badan oo ay ugu sii nasteen kulankii Real Madrid ay Bernaneu ugu xasuuqeen.

Haddii Ajax ay heshay muddo todobaad ah oo ay u sii nasanayeen isla markaana ay diirada saarayeen kulanka Real Madrid, waxay kooxda Solari ku fikiraysay qaabkii ay Barcelona guul uga gaadhi lahayd kulamadii El Clasico-da ee Copa Del Rey iyo La liga laakiin nasiib xumada Solari waxay labadan kulan la kulmeen guuldarooyin wuxuuna ka galaaftay kulankii Ajax.

Ciyaartoyda Real Madrid waxaa ka muuqday daal badan inkasta oo aan meesha laga saari karin in ay maskax ahaan u liiteen oo ay dhayal sadeen kooxda Ajax oo kulankii lugtii hore fursado badan lumisay balse kulankii lugtii labaad wacdaro soo bandhigtay.

2- Qaladkii Sergio Ramos Uu Ku Qaatay Kaadhka Digniinta Ah Ee Uu Ajax Ku Quudsaday Oo Uu Hadda Ka Shalaynayo.

Haddii ay jirto cid aan abid ilaawi karin guuldarada Ajax waxay noqon doontaa kabtan Sergio Ramos kaas oo lagu helay danbi ah in uu si badheedh ah u qaatay kaadhka digniinta ah dhamaadkii kulankii lugtii hore ee Ajax, wuxuuna afkiisa saxaafada ugu sheegay ujeedadii uu ka lahaa.

Sergio Ramos ayaa sheegay in uu doonayay sidii uu u nasan lahaa kulankii lugtii labaad ee Ajax isla markaana uu ugu meel banaysan lahaa wareega siddeed dhamaadka Champions League si uu meel iskaga saaro kaadhkii digniinta ahaa ee walwalka ku hayay.

Maskax ahaan waxaa markaas Sergio Ramos ka muuqatay in ayna marnba filayn in Ajax ay ka soo kabsan kartay guuldaradii 2-1 ka ahayd ee kulankii lugtii hore, waxayna inta badan ciyaartoyda Madrid ka fikirayeen wareega sideed dhamaadka Champions league iyaga oo yaraystay kooxda Ajax.

Laakiin qaladkii uu Sergio Ramos sameeyay waxa uu markii hore ku mutaystay in laba kulan lagu ganaaxay, laakiin jabkii kooxdiisa u soo gaadhay booskii difaaca dhexe ee uu ganaaxa kaga maqnaa waxay ahayd mid ay carruurtu dareentay isla markaana ay Varane iyo Nacho jaho wareer ka qaadeen kubbadii layaabka lahayd ee ka soo burqaynaysay lugaha ciyaartoyda Ajax.

Waxaa la filan karayay in haddii uu Sergio Ramos kulankan xaadir ahaan lahaa in ruux ahaan iyo difaacasho ahaanba uu awood badan ku soo kordhin lahaa kooxdiisa Real Madrid si la mid ah kulankii lugtii hore ee uu Ajax fursadaha badan ka joojiyay.

Intii laysku diyaarinayay kulankii Bernabeu, saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong ayaa saxaafada u sheegay in haddii ay Ajax soo baxdo in Sergio Ramos uu ka shalayn doono go’aankii uu kaadhka digniinta ahaa ku qaatay, waana arin hadda si buuxda u haysata xidiga reer Spain.

Sidaa daraadeed, difaacashadii carruurnimada ahayd ee ay Real Madrid samaysay waxaa sabab u ahaa maqnaansha kaadhkii digniinta ahaa ee uu Ramos ganaaxa sababta iskugu noqday, waana qodob wayn oo guuldarada Madrid ka qayb qaatay.

3- Real Madrid Oo Boos Kasta ka Liidatay Iyo Ajax Oo Dhamaystir Raacisay Bandhigii Kulankii Lugtii Hore:

Real Madrid waxay ku liidatay xagal kasta oo garoonka ah, min goolhaye ilaa gool dhaliye, waxayna u muuqdeen tusbax furtay oo aan laysku xidhi karin. Marka laga bilaabo goolhaye Courtois, waxa uu ahaa mid dariiq ah oo aan lahayn badbaadino la sheegi karo, waxaana muuqatay in Keylor Navas uu ahaan lahaa mid Champions League kaga haboonaa Courtois.

Laakiin waxaa ceebta Courtois sii muujiyay difaacashadii liidatay ee ay sameeyeen Varane, Nacho, Carvajal iyo Reguilon waxayna ahaayeen kuwo ceebtii Courtois banaanka keenay inkasta oo uu waliba awooday in uu dhar fursadood oo goolal kale lagu dhalin karayay uu badbaadiyay.

Intaas waxaa dheer in khadka dhexe ee Real Madrid uu gabi ahaanba ahaa kuwo ay dul mareen ciyaartoyda Ajax iyada oo Toni Kroos uu waliba si toos ah u lahaa qaladkii goolkii labaad ee kooxda Ajax waxaana la arkayay Luka Modric oo nafbaxsan isla markaana wax walba oo uu awood hayay kooxdiisa ku caawinayay balse ka fogaa heerkiisii ugu fiicnaa.

Casemiro waxa uu ahaa mid ciyaarta gabi ahaanba ku dhex lumay waxaana si cad loo dareemayay in Modric, Kroos iyo Casemiro ay is arki kari waayeen si ay kubbad u dhisaan, waxaana taas sii raacday in laba dhaawac ay Madrid ku yimaadeen qaybtii hore taas oo qorshihii ciyaarta ee Solari sii burburisay.

Inkasta oo aan dhaawacyada lagu eedayn karin musiibada Madrid maadaama oo ay Ajax goolasha dhalisay xili ayna dhaawacyo jirin, haddana badalkii uu si doorasho ah u samayn lahaa Solari ayaa meesha ka qaldamay, laakiin Benzema iyo Bale ayaa fashil kale la kulmay isla markaana awoodi waayay in ay xataa wax goolal ah ku dhaliyaan fursadihii ay hayeen.

Laakiin waxaa xaalada sii xumeeyay in Ajax ay sare u qaaday dhamaystirkii fashilka ka ahaa kulankii lugtii hore, waxaana isku beegmay Real Madrid oo qayb kasta oo garoonka ah ku liidatay iyo Ajax oo heer kale ku ciyaaraysay, waana sabab wayn oo keentay ceebta Madrid dul hoganaysa.

4- Tatikadii Santiago Solari Oo Fashil Noqtay:

Santiago Solari ayaan waxba ka baran qaladaadkii uu sameeyay kulamadii El Clasico-da ee ay labada guuldaro ka soo gaadhay Barcelona, wuxuuna sii waday in uu aamino shaxda qaabkeedu yahay 4-3-3 oo ah afar difaac ah, saddex khadka dhexe ah iyo waliba saddex weerar ah.

Waxaa intaas ka sii xun in aanu isku dayin in uu fursad siiyo xidigo aan door ku soo yeelan kulamadii El Clasico-da oo aad u soo nastay wuxuuna shaxdiisa ku soo bilaabay isla ciyaartoydii uu labada guuldaro kagal kulmay Barcelona marka laga reebo Bale oo hal kulan ku soo bilawday balse kulankii Ajax kaydka lagu celiyay.

Solari ayaan waxba ka badalin goolhaye Thibaut Courtois dhibaato ku soo ahaa Real Madrid, waxa kale oo uu kaydka ku sii hayay Marco Asensio iyo Dani Ceballos oo ay suurtogal wayn ahayd in ay shaqo fiican qaban kareen haddii kulankan lagu soo bilaabi lahaa maadaama oo ay nasteen kulamadii la soo dhaafay.

Sidoo kale Santiago Solari ayaa awoodi waayay in uu go’aan ka gaadho da’yarka Vinicius Junior oo dhamaan kulamadii ugu danbeeyay ku soo bilaabanayay isla markaana ay yarayd fursadihii uu ka faa’iideeyay isaga oo hal gool oo kaliya soo dhaliyay isla markaana orodkiisa iyo shaqada uu qabanayaa ay waxyaabo go’aan qaadasho ah ku burburayeen.

Santiago Solari ayaa u muuqday mid aan waqti badan ku qaadan in uu tatiko ahaan u darso kooxda Ajax oo si cadaadis la’aan ah ku ciyaartay 90 kii daqiiqo ee kulankii Bernabeu iyada oo Real Madrid la dhibtoonaysay qaabka uu Solari tatiko ahaan ciyaarta u soo qorsheeyay.

5- Kulanka Ajax Oo Ku Soo Beegmay Waqti Ay Real Madrid Maskax Ahaan U Dhaawacantay:

Real Madrid ayaa Ajax soo dhawaysay iyada oo aan maskax ahaan diyaar u ahayn maadaama oo ay la soo kulmeen laba guuldaro oo xidhiidh ahaa isla markaana ka soo gaadhay kooxda ay aduunka ugu neceb yihiin ee Barcelona.

Marka laga yimaado daalka iyo rafaadka ay ciyaartoyda Real Madrid ku soo qaateen kulamadii El Clasico-da waxay sidoo kale ku yeesheen saamayn maskaxeed iyaga oo ahaa kooxda uu cadaadisku saaran yahay ee laga filayay in ay u soo baxaan siddeed dhamaadka Champions league.

In afar maalmood gudahood ay guuldarooyin xidhiidh ahi ka soo gaadheen Barcelona isla markaana ay FC Girona isla Bernabeu guul ku gaadhay, waxay Real Madrid maskax ahaan culays ka dareemaysay waxa dhici kara hadii ay markale Ajax guuldaro ku bado taas oo samaaynteeda yeelatay.

Sidoo kale marka ay kooxi la kulanto natiijooyin xun, waxaa luna kalsoonida iyo ruuxda ay ciyaari jirtay, waxayna u muuqatay Real Madrid kuwo waji gabax ka qaaday goolkii furitaanka Ajax isla markaana dabeecad iyo dareen ahaanba uu saamyn ugu yeeshay.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado qodobadan, waxaa jira kuwo guud oo ku xidhmaya isbadalkii badnaa ee Real Madrid ka soo dhacay iyo waliba culayska Madrid ku haystay in ay yihiin koox laga filayay in ay si sahlan ku soo baxayso.

Real Madrid ayaa markii taariikhda kooxdeeda ugu horaysay ayaa laba  guuldaro oo min 3 gool oo nafiif ah ah garoonkeeda kula kulantay hal xili ciyaareed ee tartanka Champions league iyada oo CSKA Mosco hore xili ciyaareedkan Bernabeu ugu gadhay guul 3-0 ahayd halka Ajax ay guul ku gaadhay farqi goolal oo isla 3 gool ah, waana markii abid ugu horaysay ee ay Madrid taariikhdan madow loo diwaan galiyay.

Ajax ayaa noqotay kooxdii labaad oo kaliya ee abid inta ay guuldaro Real Madrid garoonkeeda kagala kulantay kulan bug baxa tartamada Yurub ah ay haddana guul ku gaadhay Bernabeu waxaana uga horaysay oo kaliya kooxda Odense Boldklub oo xili ciyaareedkii 1994/95 kii isla sida Ajax oo kale u soo kabsatay.

Dusan Tadic oo saddex gool oo ay Ajax ka dhalisay Real Madrid ku lug lahaa kuwaas oo ahaa laba gool caawin iyo gool uu dhaliyay ayaa noqday xidigii labaad oo kaliya ee abid Ajax tartanka Champions Leauge uga soo dhaliyay ugu yaraan lix gool waxaana ka horeeyay oo kaliya Jari Litmanen (in 1994-95 & 1995-96).

Real Madrid ayaa markii uug horaysay taariikhda waxaa Santiago Bernabeu looga dhaliyay laba gool 18 kii daqiiqo ee ugu horeeyay, waana rekoodh ayna Ajax ilaawi doonin oo ay taariikhda u galay.

Dusan Tadic ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee Ajax u ciyaara oo hal kulan ka sameeyay laba gool caawineed ee tartanka Champions League tan iyo wixii ka danbeeyay November 2011 kii markaas oo uu Christian Eriksen ka sameeyay kulankii Dinamo Zagreb.

Ajax ayaa sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta UEFA Champions League ee kulan kasta oo ay gool ku hormareen waxayna guuldaro la’aan ku soo jireen 47 kulan waxayna soo heleen 39 guulood iyo 8 barbaro ah waana dhaman kulamadii ay goolka furitaanka ku horeeyeen ee 47 kii kulan ee ay sidan soo sameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here