Xidhiidh Ruushka Ee Carab & Geeska Africa.!– Qalinka: Eng. Samaale Mo Soomaali

0
71

Xidhiidhka ka dhexeeya Ruushka iyo Carabta waa mid taariikhda ku wayn ku qotoma, Waxa dhawan dalka masar lagu soo bandhigay tariikh ahayd in labo Qarni ka hor ay qaar ka mid ah Culimadii ugu wa wayna ee Al-Azhar ay booqasho rasmiya ku tageen Dalka Ruushka si ay wax badan uga soo ogdaan xaaladda guud ee Dalkaas waxaana marka loogu soo dhaweeyey Dalka si Meqaam sare leh Culimadi reer Azhar, Dhanka kalena Kaniisadda Ortodokska ee masar ku taala waxay xidhiidh dhow la leedahay Dalka Ruushka,Waxaana jirtay Tariikhda mar Baadarigii Coptic Peter al-Gawli uu booqday Dalka masar isaga oo wakiil ka ahaa Boqorkii Ruushka waaga waxana markii uu ku noqday Dalkiisi Ruushka u soo jeediyey Boqorkiisi Dardaaran aha in Boqortoyada Ruushku mar walba Tageerto Masar gaar ahaana Dadka qibdiyiinta.

Xidhiidhka u dhexeeya Ruushka iyo Carabta ee dhanka siyaasadda ayaa kor u kacayey saddexdii Qarni ee ugu dambeeyay, waxaana Marka inta badan dhul Carabta ka talinaayey Boqortooyadii Cusmaaniyiinta hadaan si kale u dhigo waxa lagu sheega ka talintaa Cusmaniyiinta ee dhulka Carabta mid ka mid ah Sababihii Indhaha Ruushka ku soo jeediyey Bariga Dhexe iyo gebi ahaanba dhulka Carabta waqtiga,

Waxayna taasi albaabka u furtay damaca wiilasha Slavic ee ku wajahan Dhulka Carabta iyaga oo xasuusnaa Cadawada Taariikhiga ah ee kala dhaxaysa Turkiga taas oo ka dhalatay baahidooda joogtada ah ee ay ka Ruush ahaan u qabaan in ay gaadhan biyo diiran, Marka ayey Ruushku bilabeen in ay xidhiidh wanagsan la yeeshan Dadka Carabta iyaga oo Turkiga kaga aargoosanaya Arimo badan.

Waxa hadda si gaar ah inoo khuseeya Maqaalkan in aynu eegno Nooca Xidhiidhka siyaasadeed ee ka dhexeeya Dalalka Carabta iyo Ruushka marka la eego isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacayaa Gobollada Aduunka, Gaar ahaan markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa iyo gelitaanka tartanno Dhaqaale oo daran kuwaas oo Shiinuhu kaalin mug wayn ka qaatay.

Hadaba Ruushku wuxuu doonaayeey mar walba in uu balaadhiyo Awoodiisa Gobollada Adduunka si uu u ilaaliyo danihiisa Qaran iyo rabitaankiisa ku aadan xakamaynta meelaha muhiimka ah qaarkood gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Ruushku wuxuu Bariga Dhexe ka soo galay Albaabka Masar marxaladdii kicinta Gumeysigii Reer galbeedka isaga oo soo dhex raacay dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ahaa xilligii Jamaal Abdi Naasir. Laakiin taasi macnaheedu maaha in ay Carabta si buuxda u ilowday dhibaatadii Ruushku Falastiin u geystay waqtiga waayo Ruushku Waxa uu ka mid aha Dalalkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay in ay taageersan yihiin aasaaska Dawladda Israa’iil wax yar ka dibna kaga dhawaaqay arinka Qaramada Midoobay,

Docda kalena Qayb ka mid ah dadweynaha Yuhuudda ee Falastiin jooga waxaa weeye Yuhuuddi Ruushka kuwaas oo soogalootigooduna ka dhigan yahay Qayb weyn oo ka mid ah Israa’iil Ruushkuna qayb ka aha soo raristooda markii hore.

Xidhiidhka Ruushka iyo Dalalka Carabta iyo Geeska Africa waxan ku soo koobayna saddexdan qodob ee soo socda.

  1. Moscow waxay mar walba ku haminaysaa inay saldhig ku yeelato Bariga Dhexe gaar ahaan gobolada Carabta Saadaatna haduu ka soo saaray iridda Masar, Hada waxay ka soo galeen Albaab kale oo ah Dalka Suuriya,

Waana Dal Carbeed oo muhiimad istiraatijiyadeed oo gaara leh waxaana loo arkaa Suuriya furaha Amniga Bariga Carabta Sidaas darteed Ruushku waxa uu saldhig ciidan ka samaystay Magalada Latakiya waxana uu kordhiyey danaha gaarka ah ee uu ka leeyahay Dawladda Suuriya waxana ay u noqtay Suuriya tiirka keliya ee Ruushka Bariga Dhexe ku habsado isaga oo og muhiimda booskan uu leyahay rumeyeeyna Riyadiisii inta badan ku qadatay in uu rumeeyo.

  1. Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Dalalka Khaliijka Carabta iyo Ruushka ayaa sannado badan hakad gashay,

Laakiin arrimuhu waxay is beddeleen markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ay kulmeen dhowr sano ka hor, Waxana ay kulankoodii isla aqbaleen in labadooda Dal ay yeeshaan Xidhiidh wanaagsan kaas oo ku bilowday si fudud sababtoo ah waxay ka heshiiyeen marka siyaasadoodii 60% iyaga oo islana meel dhigay fikradihii ay kala qabeen markii hore,

Sidaas darteed wixi marka ka danbeyey Siyasaada Arimaha dibadda Ruushka ayaa kor u kacday oo noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah siyaasaddaha Gobolka Galbeedka Aasiya laga bilaabo Gacanka Carabta ilaa Waqooyiga Afrika, Waddan kastana oo Carbeed waxa uu jecel yahay hada in uu xidhiidh la samaysto Ruushka lakiin hadana aanu ku deg degin taas.

  1. Qofna ma dafiri karo in rabitaanka Ruushku ka Hilaacay Albaabadana ka furtay Qaaradda Afrika gaar ahaan Bariga Africa, Geeska Afrikama Ruushka u leeyahay muhiimad Istiraatijiyadeed gaar ahaan marin biyoodka saamaynta leh kaas oo ah Kadinka laga soo galo Qaarada Madow Ruushkuna uu rabo in uu halka qayb ka noqdo maalin uun. Dadkii la socday qalalaasaha Biyo-xireenka Ethopia waxay wada ogyihiin Mawqifyada Dalalka ee ku aadan Xiisadaa marka laga joogo Golaha Ammaanka balse waxa dadka yaab ku noqotay mawqifka Ruushka markii uu si maldahan u taageeray dhinaca Ethopia,

Waxana seegay dadkaa in ay tani u dhacday sabab la xidhiidha danaha hadda iyo mustaqbalkaba Ruushku ka leeyahay Geeska Afrika, Maadaama ay Moscow Taariikh ahaan gaadhay xadkii ugu sarreeyey Xidhiidhka ay la leedahay Suudaan iyo Masar hada waa gar in ay tageerto dhanka Ethopia si ay Xidhiidhkoda u wanajiso markan,

Siyaasad ahana Dalalku marba waxay raadiyaan danahooda cusub oo aan ku xidhnayn Ilaalinta Mabaadiida dhanka kale waana ta uu Ruushku ciyaaray.

Ugu danbayntii kani qoraal kooban oo ku saabsan xidhiidhka Carabta iyo Geeska Africaba uu Ruushka la samaynaayo iyo saameyntooda. Dhammaantood dadka Siyaasada rog roga waxay farta ku fiiqayaan in miisanku u janjeedho dhanka danaha qaranka Ruushka oo aan ahayn markan fekerkii Marxist

Fekerka oo la dhacay Midowgii soofiueedka balse Ruushkan uu maanta wato dano kale ayna haboontahay in dano laga yeesho Ruushka sida Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here