Hargeysa, November 8, 2021- (Foore)- Duqa Magaalada jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa kasoo yeedhay hadal dhaliyay hadal hayn badan kadib markii uu caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku tilmaamay meel ama goob ay dawkadda dalka Itoobiya gaar ahaan intii ay xukunka dalkaasi hayeen Tigreegu dadka ka soo qafaalan jirtay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay magaalada Jigjiga gumaysan jireen sidoo kalena ay maamulka Villa Soomaaliya ee dalka Soomaaliyana maamuli jireen. Duqa Magaalada jigjiga Cabdifataax Ibraahim oo ka mid ahaa masuuliyiin shalay la hadlay kumannaan qof oo isugu soo baxay bannaan baxa weyn oo ka qabsoomay Magaalada Jigjiga kaasi oo lagaga soo hor jeeday kooxaha TPLF hogaaminayso ee dagaalka ba’an kula jira dawladda Federaalka Itoobiya sidoo kalena ay ku taageerayeen ciidamada dalkaasi ayaa waxa uu ku dheeraaday in kooxda TPLF markii ay caynaanka u haysay talada waddanka Itoobiya ka hor xukuumaddan Abiy Axmed ay gabood fallo ka gaysan jireen Somaliland, Soomaaliya iyo Kililka shanaad isaga oo sheegay in ay Gumaysan jireen dawlad Deegaanka gaar ahaan Jigjiga sidoo kalena ay maamuli jireen Maamulka Muqdisho ee Villa Soomaaliya sidoo kalena ay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka soo qafaalan jireen dadka ay daba socdaan eek u kacsan sida uu hadalka u dhigay maantana ay doonayaan in ay tii soo celiyaan.
Kumannaan bulshada magaalada Jig-jiga ah ayaa saaka aroortii hore ee shalay iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Jig-jiga, kuwaas oo wata boodhadh ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo ay ku taageerayaan ciidammada difaaca qaranka dalka iyo doorashadii ka dhacday Deegaanka, halka sida oo kalena ay cambaaraynayeen kooxda argagaxisada ah ee TPLF. Duqa magaalada Jig-jiga, C/fataax Ibraahim iyo guddoomiyaha gobolka Faafan, C/xakiin Sheekh oo la hadlay bannaan-baxayaashii isu soo baxay ayaa sheegay in kooxda TPLF ay tahay koox argagaxiso ah oo dhibaato weyn ka geysatay Deegaanka iyo dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.
“Ma aqbalayno kooxdii shalay na bahdishay ee na dhibaataysay in mar kale ay soo laabtaan, waxaan u digaynaa kuwa gacan-yaraha u ah kooxda TPLF ee wararka been-abuurka ah ka wada baraha bulshada, waxaana diyaar u nahay in aan la halganno kuwa shar-wadayaasha ah “, ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Faafan oo bannaan-baxa ka hadlay.
Hadalka Maayarka ama Duqa magaalada Jigjiga ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay baraha Bulshada ee Somaliland kuwaasi oo in badan oo ka mid ahi ku dhaliileen eedahaasi oo ay ku tilmaameen kuwo bahdil ku ah xukuumadda iyo guud ahaan maamulka dalkaba.