Kooxda TPLF Oo Sheegtay In Aanu Muhiim Ahayn Wada Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya

0
789

Mekelle, November 8, 2021- (Foore)- Getachew Reda ayaa waxa uu ka jawaabay sababta aanay dawladii Melez Zenawi aanay u dhexdhigin heshiis Somaliland iyo Somalia waxana uu ku jawaabay: ” Abebe Gellaw su’aashaas aad I weydiisay waa mid muhiim ah,laakiin wali inta aanan kaaga jawaabin ayaa waxa aan marlabaad kuu sheegayaa fudaydka Abiy Ahmed.

Somaliland waxa ay June 26,1960 xoriyad ka qaadatay Ingariiska,Somaliyana July 1,1960,kooxda Ingariiska uu maamulaayay ayaa la midoobay kooxdii uu Talyaaniga maamulaayay.Halgan dheer ka dib May 18,1991,qaybta uu maamulaayay Ingariiska ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay dib uga noqdeen midnimadii ay la galeen Somalia, markaas aniga waxa aan joogay Addis Ababa.

Waxa jiray xidhiidh aan toos ahayn oo uu waday Melez Zenawi oo ahaa in uu xaaladda Somaliland usoo bandhigo Ururka Midoowga Afrika,waayo ilaa hadda ma jirto go’aan kale oo aan ahayn ka soo noqoshada midoowgii ay la galeen Somalia oo ay aaminsanyihiin dadka Somaliland.Siyaasadda Ra’iisal Wasaare Zenawi ayaa ahayd in aan loo baahnayn heshiis dhex mara Somaliland iyo Somalia,hadii Somaliland uu aqoonsado iyada ayaa taqaana luqadda lagaga hadlo Muqdisho,iyada ayaana heshiis dhex dhigi lahayd kooxaha iyo argagaxisada ku nool Somalia.

Marba hadii aanay rabin in ay dib ula midoobaan  Somalia, markaas ma jirto sabab aan u heshiisiinayno Somaliland iyo Somalia,laakiin waxa aan kor u qaadnay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland oo hadda hadii aan runta kuu sheego uu Ra’iisal Wasaarahan uu dhulka dhigay xidhiidhkaas.

Waxa kale oo sidaan hore kuugu sheegay uu Ato Melez Zenawi uu ka shaqeeyey in uu xidhiidh dhaw uu dhexdhigo Ururka Midoowga Africa iyo Somaliland,waxana aan Addis Ababa kula kulmay April 2005 wafdiga ( OAU ) ee ku socday Hargeisa,caasimadda Somaliland ,laakiin warbixintii go’aankaas halkaas lagama qaadin,waana dadaal la’aan ka timid labada dhinacba.

Waxa kale oo uu Ato Meles Zenawi u sheegay Safaaradda Maraykanka in ay Somaliland u baahantahay furdaamin ku salaysan ka jawaabista codsiga shacabka Somaliland waxana jiray qorshe uu ku doonaayay Melez Zenawi in Somaliland ay noqoto wadan dariskeena ah,go’aamada aan wadnay ayaa waxa hakiyey markaas xanuuno la soo gudboonaaday Ra’iisal Wasaare Zenawi.

Waxa jirta in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed aanu taariikhda Somaliland aqoonba u lahayn.

Maanta hadaan weydiiyo waa maxay dayuuradda taalo ahaan u taala badhtamaha Hargeisa,kuuma sheegi karo,sababta oo ah aqoonba uma laha Somaliland. Markaas sidee baa nin aan aqoonba u lahayn Somaliland,moodayana sida gobolka Tigre ama gobolka Oromia ama  gobolka Amara uu u heshiisiin karaa Somaliland iyo Somalia?

Inta aanu heshiisiin, ha soo barto in ay laba wadan kala ahaayeen Somaliland iyo Somalia,hana  soo barto taariikhda labada wadan. Degdega ka muuqda Abiy Ahmed waxa uu khatar galiyey Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi ka dib markii uu damcay in isaga iyo Madaxweynaha Somalia ay ka soo degaan Hargeisa.Waxa uu isku diray shacabka Somaliland iyo madaxweynahooda. Waxa kale oo la ii sheegay in uu yidhi waxa aan heshiisiinayaa North Korea iyo Japan! Dadkiisa ku dhaqan gobolka Oromia waxa ay hadda u bixiyeen (Marata ) oo ah af Oromo macnaheedana ay tahay ( Ninkii Maskaxda ka waalnaa )” ayuu yidhi ninkan Afhayeenka u ah kooxda TPLF ee Tigreega ahi.

FG: Waraysiga waxa qaaday Abeba Gellaw oo ka tirsan VOA qaybteeda amxaariga, waxaana aan ka soo qaadanay inta ugu muhiimsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here