“Haddii Kooxda Muuse Doorashadii Hore Gabilay Kaga Ololaysay Qabyaalad Qaawan Maanta Shacabku Mar Kale Yaanu Aqbalin”…Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
1118

Gabiley, November 8, 2021- (Foore)- Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shacabka Gobolka Gabilay guud ahaan ugu baaqay in ay u istaagaan is baddalka ballaaadhan ee shacabka Somaliland ugu oomman yahay in uu ku baddalo nidaamka KULMIYE ee maanta ku fashilmay wax-qabadkii umaddu ka sugaysay isaga oo ugu baaqay in ay ka gilgishaan in mar dambe lagu siro qabyaalad iyo kala qaybin umadeed oo ahaa wixii ay kaambaynka ku galeen xisbiga KULMIYE markii lagu guda jiray doorashadii Madaxtooyada ee 2017.

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI waxa uu shacabka reer Gabilay u caddeeyey in aanay ku surmin Gobolnimada Gabilay oo aanay jirin cid ka badheedhay in ay ku dhiirratto xeerka Gobollada iyo Degmooyinka dalkuna uu maanta yahay mid muujinaya kaliya kaliya in ay Gobollo yihiin Lixdii Gobol ee Hore, xukuumaddii wax ka baddali lahayd ee qiimayn soo samayn lahaydna ay ku fashilantay sidaa darteed uu WADDANI diyaar u yahay in uu marka uu talada yimaaddo uu taasi wax ka qabto.

Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayay taageerayaal cusub oo Gobolka Gabilay kaga soo biiray xisbiga WADDANI ayaa waxa uu yidhi: “Reer Gabilay way hadleen oo waxa ay sheegeen in ay ku hungoobeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Haddii aad Muuse ku hungowdeen Insha Allaahu Cabdiraxmaan Cirro ku hungoobi maysaan ee nala tijaabiya. Waxa jira reer Gabilay, qodob xaganayay oo maalin horena halkan nalaga waydiiyey oo ahaa Gobolka Gabilay, waxaan arkayay dad ka hadlayay oo lahaa waa la bixiyay. Haddii aad eegto qodobka 12aad ee xeerka Gobollada iyo Degmooyinka waxa uu tilmaamayaa sida loo qiimaynayo Gobollada. Qiimayntii noocaa ahayd ee Gabiley way la habsaantay xukuumaddu oo may samayn. Xeerkaasi oo mar labaad baarlamanku wax ka baddal iyo kaabis lagu sameeyey 2019, waa intii xukuumaddani joogtay waxa ku qoran Gobollada rasmiga ah yaan waxba huuhaa la idinku akhriyin. Waxa ku qoran xeerka Gobollada rasmiga ah ee dalku in ay yihiin Lixdii Gobol ee hore. Xeerka ayay ku qoran yihiin ee aniga maaha. Ciddii wax ka baddali lahaydna waa xukuumadda haddii reer Gabiley ay noo yimaaddeen oo ay yidhaahdeen aan wax ka baddalno. Annana aanu aqbalnay oo aanu nidhi diyaar baanu u nahay oo aanu nidhi reer Gabiloow doorta Cabdiraxmaan oo uu isna yidhi waan ku dhiirranayaa haddii uu Muuse ku dhiirran waayay dee wixii kale ee warwareeg ah ee la idiinla yimaaddaa waa arbush ee yaan la idin arbushin oo aan la idinka arbushin haddii ay waxba qaban waayeen. Gabilay oo kali ah maahee wax isla qodobkaa ku qoran degmooyinka oo dhan in ay hagradeen waxaana ku qoran in ay laba sano xukuumaddu qiimayn ku soo samaysaa Degmooyinka B iyo C. kumay samayn, markaa waxaan leenahay waa shaqadoodii oo ay gabeen oo ay ka gaabiyeen. Haddii Alle idmo WADDANI baa fulin doona.

Aan ka gudbto taasi. Annagu wakhtigii doorashada Gablay waanu nimid oo waxaad ogaydeen in aanu laba arrimood samaynay. Arrinta hore kaambayn manager kii waxa aanu ka dhignay Xamsehan I ag jooga oo ah nin aqoonyaan ah oo dhallinyaro ah. Iyo xaruntii kaambaynka oo aanu Gabilay nidhi halaga dhigo. Waxa ay ahayd dareen aanu ku doonaynay in Muusena isna ka ololeeyo Oodweyne iyo inta la hal maasha. Cabdiraxmaanna Gabilay gogosha dhigto oo ka ololeeyo si uu meesha u yimaaddo dareen wax wada lahaansho. Kii noocaa ahaa waxaa lagu baddalay olole qabyaaladaysan oo dadka lagu kiciyey oo lagu abaabulay oo dareen qaldan la galiyey oo illaa la gaadhsiiyey in Jaamacadda Timacadde oo astaan u ah Timacadde. Timacadde waa kuma waa astaantii dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qabyaalad diidka waa halyaygii ku calaamadsanaa qabyaalad diid. Tii sidaa ahayd ayaa guruubkii Muuse u ololaynayay ay Jaamacadda Timacadde ku qabteen iyaga oo qabyaalad ugu ololaynaya”.

Ayuu yidhi Hogaamiye xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here