Hargeysa, October 14, 2021- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnihii saraakiisha ahaa ee ugu horreeyey shidayna shamaca dhimbiishii halganka dib u xoraynta dalka muddo dheerna ku soo jiray siyaasadda Somaliland ayaa waxa uu si rasmi ah shaaca uga qaaday hankiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu kula wareego Guddoomiyenimada Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE si uu ugu gaadho ugu dambayn in uu isu soo taago hogaaminta talada dalka maalinta ay timaaddo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ahna Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn ugu hawlanaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu bilaabay kadib markii ay soo baxday in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu wareejinayo Guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed xaqiijiyay in uu si rasmi ah ugu taagan yahay in uu noqdo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isaga oo wax-garad, siyaasiyiin, aqoonyahan, madax-dhaqameed iyo kaadirka xisbiga KULMIYE oo qarkood ahaayeen aasaasayaashii xisbiga KULMIYE gaar ahaanna Beesha Bariga Burco ka soo jeeda uu ka codsaday in ay ku dhisaan hankaasi siyaasadeed ee uu leeyahay oo uu tilmaamay in aanay cidina uga xaq badnayd marka la eego sooyaalkiisa taariikheed iyo wax-qabad ee dhismaha qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah siyaasi qunyar socod ah ayaa mar kali ah waxa uu toddobaadkan galka seefta uga saaray si aan looga baran kadib in muddo ah oo uu u samrayay in uu la wareego mar uun talada xisbiga KULMIYE oo uu kala wareego Guddoomiyaha wakhtigan ahna Madaxweynaha dalka Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo dheer isku aragti ka ahaayeen hawlo badan oo la xidhiidha dhismaha dalka iyo tii hore ee Halgankaba taasi oo Maxamed Kaahin ku riixaysa in uu isna markiisa is tijaabiyo.
Dhaqdhaqaaqa culus ee siyaasadeed ee uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ka bilaabay Hargeysa ayaa muddoba la filayay tan iyo markii ay si rasmi ah u soo baxday in Madaxweynuhu dabayaaqada sannadkan doonayo in uu xisbiga ku wareejiyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin kaasi oo ugu dambayn habeen hore isna shaaciyey in uu u tartami doono xilkaasi dhammaanba taageerayaashii iyo deegaamadii hore u taageeri jiray xisbiga KULMIYE-na ka codsaday in ay boodhka iska jafaan oo ay u diyaar garoobaan is baddalka lagu samayn doono KULMIYE ee uu kula wareegi doono taladiisa isaga oo dhammaanba dadkii uu la kulmay si weyn uga kulmay soo dhawayn ballaadhan iyo taageero ay ugu muujiyeen in ay ku dhisi doonaan hanka siyaasadeed ee uu la yimid.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu hoosta ka xariiqay in siyaasiyiintii waaweynaa ee isaga beeshiisa ka soo jeedday aanu mar kali ah taariikhda ka hor iman ee uu mid walba halkiisa sannado badan ku dhisayay sida Siyaasi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Siyaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, isna uu imika isku arko in uu yahay ninka raggaasi dabadood beesha ka soo jeeda ee ugu mudan dhinacyo badan marka laga eego sida uu Wasiirku dadka uu la kulmay u sheegay.
Xaaladdan xod-xodashada ah ee Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ku soo bandhigay cududdiisa siyaasadeed magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay dhinaca kalena siyaasiyiinta isla beesha Bariga Burco sida Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ay ku hawlan yihiin dhaqdhaqaaqyo ay kaga shaqaynayaan sidii ay u yagleeli lahaayeen dhismaha toobiyaha siyaasadeed ee ay u marayaan hogaaminta dalka. Dhinaca kale beesha Bariga Burco ayaa ah iyadu tan sar-goyn doonta sida xaal noqon doono marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa doonaya in uu isku hayo dibna boodhka uga jafo is-bahaysiga beelihii Jeegaanta ahaa ee ku midaysnaa taageerada Xisbiga KULMIYE oo muddo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaana bal sida xaal noqdo la eegi doonaa sida ay Mus-dambeedka iyo Hogaanka dhaqan ee Beeshani isugu biyo shubato ama ay ugu dambayn laydhka cagaaran ugu shidaan cidda ay rabaan.