Laba Xildhibaan Caqligooda Caadifad Iyo Fudayd Ayaa Haga!- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
243

Iyada oo guud ahaanba laga dayrinayo Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaalilaan ee la doortay, haddana waa la is-dhaamaa. Intooda badan Xildhibaannada Baarlamaan ayaa da’doodu u dhaxaysaa 30- 45 sanno. Waana da’ haddii aanay maskaxdooda waxba ku shubin (wax-akhris), ay keeni karto in caqligoodu madhnaan karo. Caaqiido cilmi nafis ah ayaa tidhaa” qofka weyni (60-90) wuxuu u xooggan yahay maskax ahaan, waxaanu u diciif yahay jidh ahaan. Waayo wuxuu soo taagnaa balaayooyin badan iyo barwaaqooyin badan. Halka qofka yar uu jidh ahaan u xoog badan, hasayeeshee uu maskax ahaan diciif u yahay. Waaba ta ka soo socota da’yarta xildhibaannada ah, waxaana la arki doonaa feedh iyo fara-taagtaag badan.

= Xildhibaan Maxamed Abiib: wakhtigii ololaha wuxuu hadal ka jeediyey deegaanka Ruqi, isaga oo hadalka jeedinaaya ayuu xakameyn kari waayey caadifadiisii iyo cadhadiisii. Sideedabana meel ma wada galaan caadifada iyo cilmigu. Haddii ay caadifadi meesha timaado cilmiga ayaa meesha ka baxa, oo qofka waxa haga caqli shaydaan, mana kala garto wuxuu ku hadlay iyo ficilkiisu. Isaga oo caadifadiisa ilaalinaaya ayuu si qurux badan u ololeyn lahaa tusaale qaabkii ay Barkhad iyo Mooge ummadda codka uga doonayeen oo kale. manay ooyin haddana hadalka ayey abbaarayeen. Wixii intii ka dambeeyey madal kasta oo uu hadal ka jeedinaayo Xildhibaanku ma ilaaliyo wuxuu ku hadlayo, oo sidii ololaha oo kale ayey caadifadiisu hagtaa oo hadalladiisu sida dabayl xagaaga ayuu kolba dhan kaaga imanayaan.

= Xildhibaan Axmed Yaasiin: aad looma aqoon intii uu ku jiray ololaha doorashadda Baarlamaanka, hasayeeshee wuxuu ku soo shaac-baxay mid ka mid ah kal-fadhiyadii ugu horreeyey ee ay Baarlamaanku yeeshaan. Wuxuu soo jeediyey laba aragtiyood oo marka miisaanka caqliga la saaro aan meelna ka soo gelin inuu ku dhawaaqo masuul loo doortay xil qaran. Wuxuu soo jeediyey in madaxda qaranka loogu yeedho HUUNO. Kelmadan HUUNO waa af-guri aad loogu isticmaalo deegaannada Hargaysa galbeed ka xiga. Mana aha kelmad ay wada adeegsan karaan gobollada Soomaalilaan oo dhan.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in saddex dumar ah la guursado. In kasta oo diinta Islaamku diiragelisay guurka dumarka, haddana waa wax ku xidhan doonista qofka iyo waayihiisa. Wuxuu keenay wax isaga ku weyn oo aanu si caqli ah uga fikirin in xildhibaannadu la qabaan iyo in kale. dhawaan isaga oo ka hadlayey bandhigga buugga ‘Gefdiid’ wuxuu sheegay inuu golaha horgeyn doono mooshin ah” dawladda Fadaraalka ah ee Soomaalilaan”. Malaha weligii hal boggna kamuu akhriyin Distoorka Soomaalilaan. Waa hadal ku yimid caadifadda oo aan caqliga la soo marin. Qaddiyadda Soomaalilaanimada wixii laga beddelayo waxa lagu beddelayaan afti dadweyne,isna mooshin keenis ayuu u fahmay. Markuu hadlayo wejigiisa iyo ficilkiisa wax aka muuqda caadifad iyo deg deg aan u fiicnayn qof masuul qaran ah.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 Calicoomay@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here