Hargeysa, October 14, 2021(Foore) – Dawlada Boqortooyada Ingiriiska iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP-World ayaa wada jir u maalgelinaya dekedaha Berbera ee Somaliland, iyo dekeddaha dalalka Senegal iyo Masar ee Dakar iyo Sokhna. Heshiiskan ayaa sida la shaaciyay loogu wan-Qalay “Heshiiska Maalgashiga Muddada Fog”. Nuxurka Heshiiskan ayaa noqonaya sidan hoos ku faah faahdan: 1. In shirkada DP World ay saddexdan dekedood oo ay haatanba maamusho ku maalgeliso 1 bilyan oo doolar oo dheeraad ah, halka ay Ha’yadda Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Maalgashigu ay wejiga kowaad ee mashruucan ay bixinayso 320 milyan oo doolar, mashruucan wejigiisa labaadna 400 oo milyan oo doolar.
- Mashruucan horumarineed ee dib loogu casriyaynayo dekedahan waxaa ka shaqayn doona 138 kun oo shaqaale ah, balse waxaa la filayaa in mashruucani marka la soo idleeyo in uu abuuro 5 milyan oo shaqo. 3. Sanadka 2035 ayaa la filayaa in mashruucani uu horseedo in saddexdan dekedood ay marin u noqdaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo ah qiime dhan 51 bilyan oo doolar – taas oo ka dhigan in uu suurogeliyo in dhaqalaaha Masar kobco boqolkiiba 3, dhaqaalah Senegal boqolkiiba 3, halka la saadaliyay in dhaqaalaha Somaliland uu isna kordho boqolkiiba 6.
- Ugu dambayn, DP World ayaa saamiga ay ku leedahay saddexdan dekedood qayb ka mid ah siin doonta Dawlada Ingiriiska, sidoo kale heshiiskan ayaa la filaya in uu sare u qaado kartida dekedahan ee wax dhoofinta, nolol naflehna u abuuro malaayin dad ah – tobanka sano ee soo socda.
Xigasho: Maxamed Ducaale