Ajandaha Kulankii Ballaadhaannaa Ee Habeen Hore Hargeysa Ku Dhex Maray Wax-Garadka Iyo Siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco Iyo Wasiir Maxamed Kaahin

0
658

Hargeysa, October 14, 2021- (Foore)- Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Aqoonyahano, Wax-garad, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aasaasayaashii xisbiga KULMIYE ee beesha Bariga Burco ayaa ka qabsoomay habeen hore Huteel Guuleed ee Caasimadda Hargeysa, kulankaasi oo uu hankiisa siyaasadeed ku soo bandhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin oo muddoba ku hawlanaa kulamo hoose oo beelaysan ayaa waxa uu daaha-kaga qaaday dood, garnaqsi iyo abaabul taageero oo uu ku muujiyey sida uu beeshiisa uga rabo iyada oo isku duuban in ay ku dhisaan hankiisa siyaasi isaga oo sheegay in uu dhawaan la wareegi doono Kursiga Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE marka uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo in uu u taagan yahay Musharraxnimada Madaxweyne ee Doorashada soo socota sannad dambe.

Shirkan, ayaa waxa ka qayb galay ergooyin ka badan 150 qof oo ka soo jeeda Deegaannada ay degaan Beesha Bariga Burco, iyada oo shirkana goob joog uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankaasi habeen hore saacadaha badan jilibka la isku laabay waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Wasiir Maxamed Kaahin si rasmi ah shaaca uga qaaday hammiga uu doonayo in uu kula wareego Guddoonshaha xisbiga KULMYE si uu Mustaqbalkana ugu tartamo hogaaminta dalka marka ay gaadho doorashooyinka dambe.

Doodihii iyo khudbadihii kulankan siyaasiga ah laga soo jeediyey ayay Mujaahid Maxamed Kaahin iyo ergooyinka ka soo qayb galay iskula jeexjeexeen wax badan oo ay ka wada hadleen siyaasadda dalka, tan xisbiga KULMIYE,. Isbahaysigii Jeegaanta iyo sida uu noqon karo tartanka siyaasiyiinta beesha ka soo jeedaa ay ugu jiraan hanashada taageerada beesha iyo sidii beeshu doorashada Madaxweynaha ee soo socota ay meel qudha uga wada duuli lahayd iyada oo isku duuban balse taasi ay haystaan caqabado badani.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu kulankan ka jeediyey khudbad dheer oo u badnayd garnaqsi siyaasadeed iyo xodxodasho la xidhiidha taageerada uu beeshiisa uga baahan yahay xilligan waxaanu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Kulmiye, inuu diyaar u yahay inuu Beesha Bariga Burco ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga isna maadaama uu yahay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga uu doonayo in lagu dhiso Guddoomiyenimada Kulmiye. Maxamed Kaahin ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu yahay ninka ugu mudan maanta in la dhiso marka laga hadlayo siyaasiyiinta waaweyn ee deegaankiisa,  taasna uu ka filayo Waxgaradka deegaankiisa iyo Salaadiintaba in ay taageero siiyaan. Waxa uu Wasiirku aad ugu dheeraaday in u yahay mid dalka u soo shaqeeyey, una soo halgamay, maanta aanay jirin cid ka mudan inuu noqdo Hoggaamiyaha Siyaasadda ee beeshiisa, Siillaanyo debbadii. Waxa uu xusay in uu u baahan yahay in aan la garab ordin ee lagu dhiso damaciisa, maadaama oo uu isaguba 40-kii sano ee ugu dambeeyey tan iyo muddadii Halganka SNM Lagu jirayba, uu la soo shaqeeyey aadna u soo garab taagnaa siyaasiyiintii ka waaweynaa ee Beeshiisa, isaga oo tusaale u soo qaaday inuu soo dhisay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu sheegay in ay xataa aasaaskii xisbiyada dalka markii ugu horraysay uu ku soo dhisay urur siyaasadeedkii Asad isaga oo sheegay in ay labadooduba ugu yimaaddeen markii halganka SNM lagu jiray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxa uu kulankan xodxodashada siyaasadeed ah ergooyinkii ka soo qayb galay ka codsaday in la sii adkeeyo oo la sii dhiso is-bahaysigii siyaasaddeed ee beeshiisa iyo beesha Madaxweynaha, boodhkana laga jafo, isaga oo hoosta ka xariiqay in aanay cidna xulufo la’aan is bixin Karin oo aanay cidnina kalideed wax noqon Karin illaa ay helaan is-bahaysi deegaamaysan oo aan dhibaato qabyaaladeed oo kale lahayn. Dhinaca kale waxa muddoba kulamo kuwan oo kale ah magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ku qabanayay siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan xisbiga KULMIYE balse si weyn uga soo horjeeda siyaasadda xisbiga ee wakhtigan iyo waliba gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay aad isugu dhacsan yihiin walina kula dhex dagaalamaya xisbiga KULMIYE oo aan meel kale tagin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here