Soomaaliya oo ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda Soomaaliya

0
589

Hague (Foore) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee ka dhaxeeyey waddanka Kenya, sida ay goordhow xukuntay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaadho xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. 

Sawir mujinaya sida ay ICJ U Xukuntay Baddii Soomaaliya ee Kenya ku Muransayad:

Sawirka labaad: Wuxuu Muujinayaa Bed-badeedka koobkan ee Soomaaliya laga reebay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here