Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Waftigiisii Oo Wali Ku Sugan Sool Iyo Kormeer Ay Ku Sameeyeen Deegaamada Ku Xeeran Magaalada Laascaanood

0
554

Laascanood, October 7, 2021- (Foore) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayna ka Midka ahaayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Generaalada Ciidamada Kala  duwan ee Dalka Militaryga, booliiska  iyo Bada ee ku sugnaa Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa Shalay aroortii Safar ugu ambabaxay nugaasha Bariga Laascaanood.

Weftigani uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Mudane Maxamed Kaahin Axmed  ayaa u kuurgalay sidii ay u ogaan lahayen xaladaha ay ku suganyihiin deeganada hoos yimaada Degmada Laascaanood.

Waxaana Weftigu Halkaasi Warbixino kaga Dhegaysteen dadka deeganka oo uga war bixiyey Xaaladaha Amni Dhaqan Dhaqaale ee Degmooyinkooda.

Dhinaca kale Weftiga ayaa Ku booriyey Bulshadii ay la kulmeen intii ay ku jireen Safarka sidii ay ula shaqayn lahaye Ciidamada Amaanka,una adkayn lahayen amniga iyo wada noolanshaha dadka ku dhaqan deeganadaas iyo nawaaxigoodaba. Xaaladda Gobolka Sool ayaa imika degan oo nabad ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here