Dastuurka Somaliland: Golaha Wakiillada iyo Waaxda Fulinta ee Igmashada Sharci Dejineed (Delegated Legislation)- Doodda Sharci Ee Prof Maxamed Mataan

0
754

Professor Maxamed Mataan Jaamac Oo Ah Khabiir Sharci Ayaa Lafa Gur Ku Sameeyey xidhiidhka Dastuuriga ah Ee Fulinta iyo Barlamaanka Ka Dhaxeeya

Saddexdan qaybood ee dawladdu ka koobantahay waxa dhexyaal wada shaqayn dastuurka iyo xeerashu ay jideeyeen, sida wada shaqaynta Waaxda Fulinta iyo Barlamaanka, Waaxda Fulinta iyo Garsoorka iyo  Barlamaanka iyo Garsoorka.

Qoraalkan oo aan si kooban ugu eegidoono xidhiidhka dastuuriga ah ee Waaxda Fulinta iyo Barlamaan ka dhexeeya, gaar ahaan qodob 109 (3) oo dhigaya sidan

“wax ka beddelka tirada gobollada iyo demooyinka amma xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Galaha wakiilada iyo Golaha Guurtida”

Sido kale qodobka 109 (2) waxa ka fircamay Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/201. Xeerkan qodobkiisa 12aad waxa uu dhigayaa

“Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo bedelid oo noqon karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la qiimeeyo iyada oo laga duulaayo Qodobka 109aad ee Dastuurka…”

Wada shaqaynta xagga xeer dejinta ee Waaxda Fulinta iyo Barlamaanka waxa la yidhaa xeer Igmasho (xukuumadda) (Delegated Legislation). Hanaankan wada shaqayneed ee labada gole waxa udub dhexaad uu u yahay jiritaanka nidaam dawli ah oo sharci ku dhisan.

Qodobka 109(3) waxa uu ka mid yahay qodobada tirade yar ee Dastuurku u igmaday Golaha Fulintu qayb in uu ka noqoto markasta oo baarlamaanku isticmaalayo awoodda ku xusan qodobka 38(1) ee Dastuurku u jideeyay (limitation of power), si uu uga xakameeyo barlamaanku in ay soo dhoofaan soohdinta dastuurku u sameeyay.

Xeerka Waaxda Fulintu ay samayso sida 111 (1) amma ay qayb ka tahay sida qodobka 109 (3) waa in aanay baal marin dastuurka iyo xeerasha barlamaanku dejiyay si loo ilaaliyo xuduudaha sharciga. Dastuurka Somaliland ayaa jideeyay nidaamka is dheeli tirka dhadhaaradda dawladda. Sharaxaad dheerad ah ayay u baahantahay si loo fahmo sababta loogu baahanyahay dejinta xeer loo igmado xukuumaddo iyo fa’iidada ku jirta. Tusaale gaaban haddii aan ka bixiyo qodobka 61(2) ee dastuurku waxa uu sheegayaa miisaaniyadda Golaha Wakiilada la hor geeyaa in ay tahay xeer. Maxay Golaha Wakiiladu u soo diyaarin waayeen miisaaniyadda? Waayo?. Jawaab gaaban haddii aan ka bixiyo, aqoontii diyaarinta, khibradeedii,  xogtii iyo wakhtigii iyo sababo kale oo badan Goluhu uma diyaarsana umana samaysna.

Tusaale kale, degmo dallacsiinteeda iyo hoos u dhiggeeda wax aka horreeya daraasad caddaynaysa xuduuddeeda dhaqaale, koboc bulsheed iyo shuruudaha kale ee ay ku mutaysanlahayd in ay dallacado amma hoos u dhacdo, taas oo Golaha Wakiiladu farsamo ahaan uma dhisna. Nuxurka meesha ku jiraa waa in goluhu arrintan u daba fadhiisto Fulinta. Halkan waxa ka muuqata in labada gole ay is dheelitirayaan sidaas darteena xeerasha isku xidhaya in la ilaaliyo.

Doodda sharci

Golaha Wakiiladu  waxa ay ansixiyeen wax ka badal iyo kaabid ay ku sameeyeen xeerka Lr.23/2019. Awooddas waxa siinaya qodobka 39 ee dastuurka Somaliland.  Dastuurka Somaliland qodobkaiisa 38(1) aad waxa uu xadeeyay saddexda dhadhaar ee dawladdu ay ka koobantahay (Fulinta, Baarlamaanka iyo Garsoorka).

Waydiinta ugu muuhiimsan waa sidee baa la isku waafajinayaa ansixinta Golaha Wakiilada iyo qodobka 109(3) oo qeexaya habraaca degmooyinka iyo gobolada wax ka badel darajooyinka (xuduudahooda) loo marayo? Weydiinta xigtaana waxa ay tahay maxay cuskadeen markii ay baal marayeen qodobka 109(3)? (waa su’aalaha Golaha Guurtida amma/iyo Maxkamadda Dastuurigii ay is weydiin doonaan) Weydiinkale oo sharci ayaa ah Golaha Wakiiladu awood ma u leeyahay Waaxda Fulinta in uu ka xayuubiyo awoodda dastuuriga ah ee Qodobka 109 (3) uu siiyay?

Si looga ilaaliyo qodobada dastuurka in ay ku fulaan rabitaanka shaqsi(yaad), xisbi(yo) amma Xukumadeed dastuurku waxa uu is daba dhigay laba jaran-jaro oo lagu hubinayo laguna haadiyo si looga reebo wixii hufnaanta iyo hurumarinta sharciga wax yeelaya (check and balance). Haddii awoodda sharci dejintu gacan keliya ku ururto waxa ka dhalanaya musuqmaasuq sharci, sidaas darteed wax laga werwero maaha gole ansixiyay xeer.

Waxa ay u muuqata god-dalooka xeerka halka uu kaga jiro ayay Golaha Wakiiladu ka abbaareen. Sida muuqata Xeer Lr 23/2019 Qodobka 12 (2) waxa uu sheegaysa

“Xukuumadda waxa waajib ku ah inay dib u qiimayn ku samayso Darajooyinka Degmooyinka B iyo C, muddo aan ka badnayn Laba Sanadood (2) oo ka bilaabanta taariikhda dhaqangalka kaabista iyo wax ka bedelka xeerkan, una soo gudbiso Golayaasha barlamaanka si uu u ansixiyo.”

Doodda sharci waxa ay tahay qodobkani waxa uu tilmaamaya B iyo C, balse D laguma xusin xeerka, sidaas darteed dastuuri maaha in Golaha Fulinta la ogaysiiyo dallacsiinta degmooyinka darajada D ku jiraa. Halkan lama eegaya ka maqnaashaha derajada D, oo meel u baahan in la kabo, balse waxa la eegaya qodobka 109 (3) kaas oo ah halka u ah xeer Lr. 23.

Halkaas waxa golaha hoos martay in ay kabana qodobka 12 (2) oo darajada D ku daraan, sidoo kale doodi haddii ay timaad xeerka la cuskanayaa (Lr.23) wuu ka hooseeyo darajo ahaan ka la jebiyey (Dastuurka), mar walba waxa mudnaanta leh ka sareeya oo ah Dastuurka sida ku cad qodobka 128(2).

“Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan”`

Halka kale ee aan is leeyahay waxa ay ku dhiiri gelisay ansixinta waa erayeynta (wording). Qodobka 109(3) waxa la isticmaalay erayga ‘xuduudahooda’. Macnaha erayga xuduud, asalkiisu waa ‘Carabi’, inta badan Soomaalidu waxa ay u adeegsadaan dhulka. Macnaha erayga xuduud halkan ugama jiro oo keliya soohdin dhuleed, balse waa mid si guud loo isticmaalayo (inclusive). Haddii Eray-saleedka (Etymology) la tix raaco taarikhda erayga iyo sida uu ku soomaaliyoobay, asalkiisa dib marka loogu noqdo macnayowga Carabiga uu ku leeyahay ayaa loo eegaya.

Haddii dooddu ay gaadho garsoorka, meelaha laga abbaari doono fasilaadda waxa ka mid ah  golihii dastuurka ansixiyay waxa uu uga jeeday erayga xuduud iyo qawaacid kale oo fasiraad sharci loo adeegsado.

Ansixinta kaabista iyo lifaaqa Golaha Wakiilada ee xeer Lr. 23 ma ka badbaadi karaa is dheeli-tirka (check and balance) dastuurku jideeyay? Xeerkan waxa loo gudbinayaa Golaha Guurtida. Golaha Guurtidu waxa dib uu u eega dhamaan xeerarka golaha Wakiiladu ay ansixiyaan, iyada oo aan loo egayn asal ahaan halka xeerkaasi ka yimaad marka laga reebo ansixinta miisaaniyadda qaran sida ku cad qodobka 61 (2) ee Dastuurka oo odhanaya sidan

“Dib u eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo, xeerka maaliyadda mooyaane…”

Haddii Golaha Guurtidu ku ayido ansixinta Golaha Wakiilada, waxa loo gudbinaya madaxweynaha qaranka sida ku cad qodobka 38(2). Haddii madaxweynu la qaato isaga oo eegaya danta qaranka, su’aal adeg ayaa ka dhalanaysa oo ah dastuurka yaa ilaaliya? Side maxakmadda dastuuriga ah loo geyn karaa xeerka kabkiisa iyo lifaaqu sida ay ku yimaadeen dastuurka baal marsanaayeen?

Waaxda Fulintu waxa ay awood u leedahay haddii labada gole ay ansixiyaan kaabidda iyo lifaaqa in maxakmadda Dastuuriga ah ay u gudbiso iyada oo cuskanaysa qodobka 98(1) (j) kaas oo dhigaya

“in uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka”

Guud ahaan qodobka 109(3) waxa uu dabrayaa Golaha Wakiilada, kaas oo si cad u qeexay hab raaca degmooyinka iyo gobolada loo marayo marka arrimahood golaha la keenayo.

Waxa habboon in lagu baraarugsanaado aqoonta sharci iyo fiqigeedaba (jurisprudence) waxa ay yaraynaysaa qaladaad dastuuri ah oo taariikhda gala.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here