Addis Ababa, October 7, 2021- (Foore)- Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu soo dhisay liiska Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Itoobiya kadib markii dhawaan dib loo doortay ee uu kaalinta koowaad ku soo baxay xisbigiisa PP oo noqday kan ugu codadka badnaa doorashadii dalkaasi ka dhacday qaybo ka mid ah.
Liiska xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed soo dhisay oo ka kooban 22 Xubnood ayaa ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna wasiir iyo 21 Wasiir oo kale taasi oo ay dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaliya ku yeesheen Hal Wasiir, waana markii ugu horraysay in muddo ah ee ay Soomaalidu Wasiir kali ah ku yeeshaan.
Axmed Shide ayaa xejistay mansabkiisii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya balse waxa xilalkii waayay xubnihii kale ee Soomaalida ugu jiray xukuumaddii dhawaan wakhtigeedu dhammaaday. Dhammaanba liiska xubnaha xukuumadda Federaalka Itoobiya ee shalay la soo dhisay ayaa waxa ay kala yihiin:
Liiska Golaha Wasiirada cusub ee dawlada Federaalka ah ee Itoobiya:-
- Raysalwasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada Demeke Mokonen (Amxaar).
- Wasiirka Beeraha Ato Cumar Huisen (Oromo).
- Wasiirka warshadaha Ato Melaku Alabel (Amxaar)
- Wasarrada Ganacsiga Ato Gebre-Meskel (Walayta)
- Wasiirka macdanta Takalle Uma (Oromo)
- Wasiirka dalxiiska Ambasador Nasise Chali (Oromo)
- Wasiirka shaqada iyo xirfadaha Marwo Mufariyat Kamil (Silde)
- Wasiirka Maaliyada Axmed Shide (Soomaali)
- Wasiirka dakhliga Ayalew Lakew Anteneh (Amxaar)
- Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Itoobiya Dr Fitsum Asafe (Sidaama)
- Wasiirka Tiknolajiyada iyo hal-abuurka Ato Belata Molla (Amxaar)
- Wasiirka Gaadidka Dagmawit Mogos (Amxaar)
- Wasiirka Horrumarinta Magaalloyinka Marwo Chaltu Sani (Oromo)
- Wasiirka Biyaha Dr Habtamu Atifa (Oromo)
- Wasiirka Waraabka Iyo Xoolo-dhaqatada Engineer Caysha Maxamed (Cafar)
- Wasiirka waxbarashada Dr Birhanu Negga (Guraag).
- Wasiirka Caafimadka Dr Liya Tadase (Tigree)
- Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Dr Ergoge Tasafe (Hadiya)
- Wasiirka dhaqanka iyo Ciyaaraha Qojalle Margasa (Oromo)
- Wasiirka Gaashandhiga Dr Abraham Baley (Tigree)
21.Wasiirka Caddaalada Dr Gedhiyon Dimatiyos (Sidaama).
- Wasiirka Nabadda Ato Benalfi Andu’alam (Amxaar)
Qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa noqday kuwa saamiga ugu badan ku yeeshay xukuumaddan iyaga oo kaliya ayaa haysta 60% saamiga qawmiyaduhu ka heleen waxaana ku soo xiga qawmiyadda Dhabuubka loo yaqaano. Gambella, Banishaangul iyo Harari ayaan haba yaraatee wax saami ah ka helin halka Soomaalida iyo Cafarta min hal wasiir la siiyey. Waxa ay uu saamigu noqonayaa sidan:
Oromo = 30.44 %
Axmaaro = 30.44 %
Dhabuub = 13.00 %
Sidama = 8.70 %
Tigray = 8.70 %
Canfar = 4.35 %
Soomaali = 4.35 %
Benashangul = 0 %
Gembella = 0 %
Harari = 0 %