Hargeysa, October 4, 2021- (Foore)- Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo hore xilal wasiirnimo oo badan uga soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, wakhtiganna ka mid ah xubnaha ku magacaaban La taliyayaasha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mid ka mid ah ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallada saacadihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay qaar ka mid ah madaxda dalka Soomaaliya oo Somaliland si weyn ugu eedaynayay dadka maalmihii ugu dambeeyey laga mastaafurinayay magaalada Laascaanood.
Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu dhalanteed iyo hadallo aan meelna haysan ku tilmaamay hadallada dadka Soomaaliya ka hadlayay oo uu sheegay in a yihiin kuwo malo awaal ah oo aan meelna haysan, Somaliland xoog kaga baxday midnimadii ay Soomaaliya la gashay cid wax ku khasbi kartaana aanay jirin.
Cali Maxamed Warancadde, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Soomaaliya iyo Soomaaliland waxa aad ogtihiin in ay siyaasadda ku kala duwan yihiin. Dadka shacabka ah iyo baayac-mushtarigu in uu is dhex socdo sida adduunka kaleba isku dhex socdo waxba lagama qabin. Gobolka ay joogaan ee ay ugu badan yihiin waa Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood. Gobolkaasi muddo dheer waxa uu ka bixi waayay dil, khalkhal iyo waxyaabihii Soomaaliya ka socday wax u eg. Waxaasi ayaa ku soo noqnoqday arrintaasi kadibna waxa ay keentay tuhun fara badan. Waayo dadka Gobolka degani waa dad is dhalay, waa dad is yaqaanna, wax badan ayaa markaa la is waydiiyey, dee markaa waxa Gobolkii jooga dad aan u dhalan. Waxa la yidhi markaa bal horta si aan innagu marka hore isku hubsanno in bal horta dadkan marka hore Gobolkoodii lagu celiyo. Waad ogaydeen waa loo ogolaa in ay baayacmushtar ay iska wateen, lama dhibi jirin. Iyada oo wax badan la iska waydiiyay ayaa haddana hore loo yidhi maya waa in la soo dhaweeyaa oo reer Laascaanood waxa ay yidhaahdeen waxba yaynaan dadkaa u gaysan. Laakiin maanta markii dilkii batay waxa ay noqotay in la yidhaa bal horta aan iska saarno. Wixii Somaliland ah maahee waa in wixii kale Gobolka laga saaraa. Ta kali ah ee loo baahan yahay waa in dadkaasi la dhaqaaleeyo oo sidii awalba loo hayay loo ambabixiyo oo si wanaagsan loo ambabixiyo oo la taageero oo waxdooda loo ururiyo oo la tabantaabiyo. Waxa aan aad uga xumahay nimanka leh Magaalo Soomaaliyeed baa dad Soomaaliyeed laga mastaafurinayaa. Adeer waxaasi waa waxaad ku dhimateen. Waxaasi waa waxa aad 30-ka sano isku dilaysaan. Waa waxa aad u kala bixi la’ dihiin. Waa waxa aad ugu nooshihii maydhaanka iyo khayaalka iyo beenta ah weeyi. Waa nimankii aynu soddonka sano xoog isaga saarnay ee waliba odaygii ugu xoogga waynaa ee Siyaad Barre aynu dariiqa marinay ayaa wali maanta leh dad Soomaaliyeed ayaa waxa laga soo mastaafurinayaa magaalo Soomaaliyeed. Waar ma jirto Soomaali aynu wada nahay ee waxa weeyaan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la innakala yidhaa laakiin waxa aynu nahay dad walaalo ah oo isku jinsi ah oo wax badan oo walaalnimo ahi ka dhaxeeyaan. Siyaasadda iyo dawladnimadu innagama dhaxayso. Waxaad na tidhaahdaan dadkiinaa ha dhibina. Laakiin hadalka kale waa na dhibayaa. Utun buu yahay, wuu na damqayaa nabarradii hore ayaa na damqanaya. Adeer naga daaya warankaa aad maalin walba nagu dhaqdhaqaajinaysaan. Wixii agabka au haysteen ah waa loo qaadayaa wixii aanay qaadan karayna dib ayaa loo xisaabinayaa. cid la dhacayo ma jirto. Somaliland wax ka waaweyn bay u daysay Soomaaliya mise waa miskiin yaroo aan waxba haysan. Wax alla waxa aynu wada lahayn soddonkii sano ayaynu faraha uga qaadnay si aynu nimankaa u kala nabad galno” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde.