Ninkii Sawirrada Ku Aflagaadayn Jiray Nabi Muxammed NNKHA Oo Shil Baabuur Ku Dhintay Noloshana Ku Gubtay

0
422

Stockholm, October 4, 2021- (Foore)-  Farshaxaniistihii Caanka ahaa ee dalka Sweden u dhashay oo hore Nabi Muxammed NNKHA sawir gacmeedyo cadho badan dhaliyey ugu aflagaadeeyey Nabigeenna suubban ayaa waxa uu xalay shil baabuur ku galay dalka Sweden isaga oo isla goobta shilku ka dhacay naftu kaga baxday.

Lars Vilks oo muddo dheer cadho ay u qabeen dadka Muslimiinta ahi kadib markii uu Nabi Muxammed NNKHA ku aflagaadeeyey sawir Gacmeedyo ayaa waxa uu xalay ku dhintay shil baabuur oo xun oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada Markaryd ee dalka Sweden.

Ninkan iyo laba qof oo boolis ah ayaa ku safray baabuur. Sida laga soo xigtay kooxaha adeegga gurmadka degdegga ah, gaadhiga ayaa sabab aan la garaneyn dhinaca qaldan ee waddada u marey taasi oo keentay in gaadhi weyn oo xamuul ahi uu dusha ka maro gaadhigii uu ninkani saarnaa halka ay ku qudh baxaan dhammaanba isaga iyo xubnihii kale ee la socday. Waxaana dhacday in Baabuurka uu saarnaa uu markiiba dab qabsaday sidaana ku hurushoobeen maydadkii uu isagu ka midka ahaa.

Ninkan sawirrada kartoonka ah samayn jiray ee Lars waxa uu In ka badan toban sano ku noolaa meel qarsoodi ah, oo si joogto ah loogu ilaaliyo kadib Weerarkii isaga lagu qaaday magaalada Copenhagen kaasi oo galaaftay nolosha laba qof. Laakiin kama qoomamayn marnaba gabood fallada uu sameeyey ee sawirrada ah. “Kama qoomamayn marnaba waxa aan sameeyey, Maya, marna” ayuu yidhi Lars Vilks wax ka yar ka hor toddobaad oo wax laga waydiiyey falalka uu hore ugu kacay.

Muwaadin reer Somaliland ah oo ku sugan dalka Sweden oo Wargeyska Foore saaka subaxdii hore nooga warramay sida geeridani u dhacday ayaa noo sheegay in warbaahinta Dunida iyo gaar ahaan tan Sweden ay aad uga hadlaysay ninkan shilka ku geeriyooday ee Lars Vilks.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here