Mid Ka Mid Ahaa Xildhibaannadii Ugu Caansanaa Golihii Wakiillada JSL Ee Dhawaan Wakhtigoodu Dhammaaday Oo Shalay Ciidamadu Xabsiga Dhigeen

0
406

Hargeysa, October 4, 2021- (Foore)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ahaan jiray Xildhibaannadii Golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan sannadkan muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa shalay ciidamada Ammaanka Somaliland waxa la sheegay in ay ku qabteen Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola xadhiga siyaasigan horena u ahaan jiray xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa wargeyska Foore u sheegay in ciidamada Ammaanku ay shalay si rasmi ah Madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa uga qabteen kadibna ay u gudbiyeen xabsiga.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa markii la qabanayay waxa uu ka soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo la sheegay in uu muddo ku maqnaa waxaanu safarkiisani ku soo beegmayaa maalmo kooban kadib markii magaaladaasi lagu doortay xubno sheegtay in ay matalaan Somaliland oo xubno ka noqon doona Aqalka saree e Baarlamanka dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayay wararku sheegeen in uu muddoba ku sugnaa magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu hawlo shakhsi ah ugu maqnaa, kaasi oo ciidamada ammaanku shalay xabsiga dhigeen kadib markii ay ka soo qabteen Madaarka oo uu markaasi uun ka soo degay isaga oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sannadkii 2005 waxa doorashadii Golaha wakiillada laga soo doortay Gobolka Sanaag isaga oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo ahaa wakhtigasi xisbi mucaarid ah waxaanu muddodii uu golaha ku sugnaa ee dhawr iyo tobanka sano ahayd ka mid ahaa xildhibaannada magaca weyn leh inkasta oo uu markii dambe ku biiray xisbiga WADDANI kadibna wixii intaa ka dambeeyey aan la ogayn siyaasi ahaan dhinaca uu u janjeedho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here