Nidaamka qoondada kabka dakhliga (Intergovernmental Fiscal Transfer Grant Formula) waa nidaamka dawladda dhexe ku kaabto maamulka dawladaha hoose. Mar wal qondada kabka dakhli waxa jaangooya nidaamka ismaamul ee dalka haddii uu yahay mid ku salaydan midaysnaan (Unitary) dawladda dhexe waxa ay kaabta degmooyinka maamulada ka jira. Haddii ay nidaamka Federalka tahayna dawladda dhexe waxa ay kaabta maamul-goboleedada, haddii aan si sax ah loo qoondayn oo qaacido qiimaysan oo xeer ku astaysan aan loo marina waxa ay sababtaa khatar maaliyadeed. Tusaale ahaan, waxa dhacda in degmooyinka iyo gobolladu kala dakhli bataan (Fiscal Symmetry or Assymmetry) , kadibna qaar ka mid ah ku tiirsanaanta (Financial Dependency), aakhirka isu bedesha tabasho bulsheed.
Yaan ku dheeraan ee qoondada kabka miisaaniyadeed ee ismaamul degmo waxa shardi u ah oo ay ku salaysnaanaysaa shuruudaha lagu magacaabi karo gobol amma degmo ee ku xusa. qodobka 7aax ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka (Xeer Lr. 23/2019), kaasoo dhigaaya in ay waajib tahay in gobol amma degmo inay ku salaysnaato buuxinta shuruudahan (Criteria):
1) Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2) Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3) Wax soo saarkeeda iyo khayraadkeeda Dabeeciga ah ee ay leedahay.
4) Isku filaansho iyo hanashada adeegyada Arrimaha Bulshada, sidaa darteed, waa in ay degmaddu hanan kartaa
boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan..
Ilaa hadda waxa meesha ka xeerkii sharixi lahaa qiimaynta shuruudaha lagu hannan karo gobol amma degmo oo waajibka diyaarinta xeerkaas uu xeer lr. 23/2019, qodobkiisa 1aad saarayo Wasaarrada Arrimaha Gudaha, kadibna u gudbinaysa Golaha
wasiiradda si ay u ansixiyaan labada Gole Baarlamaan (Wakiillada iyo Guurtida), sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 109aad farqadiisa 3aad.
Marka laga yimaado maqnaanshaha xeerka faaffaahin lahaa habka qiimaynta degmo amma gobol kasta ku hanan karo/to shuruuda gobolnimo amma degmonimo oo su’aal sharci gelinaysa siddee loo qiimeeyey ismaamulka hoose in ay qaatan darajooyinka?
Waxa aad mooda in nidaamka.qoondaynta dakhliha kabka (12.5%) qodobka 89 (xeer lr. 23/2019) waajibinayaa in dakhliga dawlada dhexe siiso degmooyinka ee ah qadarka ay ka helaan miisaniyada guud ee loo
yaqaano kabka (12.5%), waa in loo qaybinayaa degmooyinka iyada oo lagu salaynayo noocyada darajooyinka kala duwan ee degmooyinka iyo shuruudaha (Criteria) ay ka mid yihiin tirada
dadweynaha degmada, baaxada dhulka ay ku fadhido degmadu iyo dakhliga ay soo saaraan.
Xeerku waxa uu soo bandhigay habka qaybintaas loo maraayo, isagoo jaantus ku muujiyey, kaasoo ku salaysan degmooyinka derajooda iyo qoondaynta boqolayda (percentka) uu ka helayo, kaasoo dhigan:
1 Degmooyinka Derejada A, 6%
2 Degmooyinka Derejada B, 2%
3 Degmooyinka Derejada C,.3%
4 Degmooyinka Derejada D 1.5%
Waxa halkaa ka muuqata oo su’aal u baahan, maadaama xeerku tilmaamay im qondadu ku salaysnaamayso shuruudaha degmonimo, maxa degmada darajada C uga qoondo badatay darajada B oo darajo ahaan ka sarraysa? Maadama xeerku tilmaamay qoondadu ku astaynaanayso shuruudaha lagu hananaayo degmonimo, lagana soo dheegan karo degmada darajada A in ay ugu qoondo badan tahay, sidaa.aawadeed ma khalad madbiciyan ah baa ku dhacayo jaantuska qodonka.89, farqadiisa labaad ku muujisam, kaasoo keenay in degmada darajada C ka qoondo badato degmada darajada B-da ah? Mise sharci-dejiyayaasha ayaa u kasay, haddii ay u kaseenna qiimaynta qoondada dakhli sharci amma siyaasadda ay u mareen ma jirta, waana tee?
Inta aan ka warqabo ma jiraan sharciga qiimaynta shuruuda lagu hanan karo degmonimo amma siyaasad qoondada kabka dakhli ee ismaamullada degmo?
Haddaba, sharcigu haddii uu khaldamo oo khaladkaas madbiciga ah ee ku dhacay oo khaladku aanu ahayn mid maldahan oo tafsiir u baahan, sidaasu ku waajibintiisu ku sharciyoobaysaa ilaa inta wax-ka-beddel iyo kaabis kale xeerka amma qodobka amma farqada sidaa dhigaysa imaanayso amma uu yimaado sharci nasakha qodobka amma halka is-diidadu ka jirto.