Waa Maxay Xawaanka Hilibkooda Ay Neceb Yihiin Dadka Qaarkood Ee Ronaldo Ku Khasbayo Xiddigaha Man United?!

0
727

Xiddiga weyn ee xulka qaranka Portugal iyo kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester United Cristiano Ronaldo oo si weyn ugu baahi qaba inuu guuleysto ayaa  ka dhaadhiciyay cunto kariyayaasha Manchester United inay cuntooyinka maqaaxida ku daraan xayawaan badeed uu aad u jecel yahay. Ronaldo ayaa si weyn u ilaaliya cuntada uu cuno, taasoo u ogolaaneysa inuu maalintii lix jeer wax cuno, wuxuuna maqaaxida Manchester United u gudbiyay liiska cuntooyinka ay tahay inay kariyaan sida ay qortay jariidadda The Sun.

Liiska cuntooyinka uu dalbaday waxaa u sarreeya cunto Portugal caan ka ah oo lagu magacaabo Bacalhau, kaasoo ka sameysan kalluun iyo ukun, mana noqonin cunto ay dhibsadaan asxaabtiisa kooxda. Laakiin dookhiisa kale ayaa noqday mid ay dhibsadeen inta badan xiddigaha kooxda kubadda cagta ee kooxda Manchester United sida uu The Sun u sheegay shaqsi kooxda ka tirsan oo yidhi: “Wuxuu jecel yahay inuu cuno farammugo (octopus) laakiin ciyaartoyda kooxda waa ay neceb yihiin iyagoo xitaa og inuu Ronaldo ku faa’iday. “Cristiano wuxuu aad u jecel yahay cuntooyinka u badan kalluun, digaag, ukun ama beed, Avacado, iyadoo cunto kariyayaasha kooxda ay isku dayayaan inay ka caawiyaan inay u kariyaan cunooyinkii uu u bartay.” Ronaldo oo 36 sanno jir ah ayaa ku laabtay kooxdiisii adduunka bartay ee uu ku soo caan baxay yaraantiisii ee uu wacdaraha ka digay waa Manchester United bishii la soo dhaafay isagoo ka soo tagay Juventus, wuxuuna soo bandhigay inay weli wax badan ku hadhsan yihiin isagoo afar gool ku dhaliyay seddexdii kulan ee ugu horeysay.

Ronaldo ayaa aad u dhisa jidhkiisa isaga oo ku dadaala cunnooyinka badda iyo khudaarta sidoo kalena mar walba badsada Biyaha iyo Jimcisiga waana sirta awooddiisa jidheed iyo quruxda jalaqsanaantiisa aadka u sarraysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here