Sharci-yaqaanno Caddeeyey Sharcinnimada Iyo Sida Uu Dhaqan-galka U Yahay Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Qaranku

0
119

Hargeysa, September 27, 2021- Xubno Sharci-yaqaano waaweyn ah oo reer Somaliland ah, in muddo ahna baadhis daraasadeed oo sharci ku hawlanaa ayaa waxa ay soo saareen warqad furan oo ay ku socodsiiyeen dhammaanba laamaha kala duwan ee qaranka sida Madaxtooyada, Golayaasha sharci dejinta iyo garsoorka iyo cid kasta oo ay khusayso, qoraal dheer oo nuxurkiisu yahay lafa-gur sharci oo ay ku sameeyeen sida uu dhaqan-galka u yahay Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 kaasi oo dhawaan wax ka baddal iyo kaabis golayaasha qaranku ku sameeyeen sidaana dhaqan gal ku noqday ansax ah loona baahan yahay in la dhaqan galiyo oo lagu camal falo shacabka Somalilandna ka faa’iidaystaan fursaddaasi sharci oo dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan ururadii siyaasadda maadaama xisbiyada qaranka ee haddu wakhtigoodii wax aad u yari ka hadhay.

Qoraalka khubaradan sharci soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore waxa uu u dhignaa sidan:

“Golaha Baarlmaanka waxa la isku yidhaahdaa labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda, oo labaduba ka tirsan waaxda sharci-dejinta. Waaxda sharci dejintu waxa ay u xil-saaran tahay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay; dejinta shuruucda. Sharci kasta oo la samaynayo ama wax laga beddelayo (Marka laga reebo kuwa maaliyada la xidhiidha) wuxuu ka billaabmayaa labada gole midkood, wuxuuna u gudbaa Madaxwaynaha. Haddaba, shuruucda habkan maraysa, waxa la yidhaahdaa mashruuc sharci oo looga jeeddo soo jeedin sharci qabyo ah oo u furan dood iyo wax ka beddel.  Mashruuc kasta oo sharci ee mara habka dooda labada aqal wuxuu u gudbayaa Madaxwaynaha. Madaxweynuhu waa in uu sameeyo saddex midkood:

  1. In uu saxeexo sharciga loo soo gudbiyey muddo 21 maalmood ah oo ka bilaabanta maalinta isaga loo soo gudbiyey, kuna faafiyo faafinta rasmiga ah ee dawladda.
  2. In uu dib u celiyo ka hor dhammaadka muddada 21 Maalmood ah isagoo sidaas ku war-gelinayo Golaha.
  3. Haddii marka hore Mashruuc sharci ay labada aqal ku ansixiyeen 3/2 laba meelood, saddex, madaxweynuhu ma leh awoodda celinta balse wuxuu leeyahay in haddii sab-ab macquul ah ay jirto uu dacwad dastuuriya ku furo Mashruucaas sharci.

Haddaba, haddii uu madaxweynuhu mashruuca sharci ee loo soo gudbiyey ku celin waayo muddada sare ku xusan, isla markaasna ku saxeexi waayo, sharcigu wuxuu dhigay sida ku dhigan Qodobka 77aad (6) Ee dastuurka JSL oo loo akhriyo sidan:

“Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc- sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay”

Haddaba, sida qodobkan ka muuqata, madaxweynuhu haddii muddada 21 maalmood gudahood ah, ku celin waayo, isla markaasna aanu ku saxeexin, mushruuca sharci ee loo gud-biyey wuxuu noqnayaa Xeer, waxaana dhaqan-gelinta Xeer kaas xilkiisu saaran tahay Golaha Madaxwaynaha u soo gudbiyey.

Haddaba, Wax ka beddelka Iyo kabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr. 14/2011” , waxaa uu golaha guurtidu ansixiyey markay ahayd taariikhdu 27 June 2021 , waxaanu gaadhey Xafiiska Madaxwaynaha markay taariikhdu ahayd 4 July 2021.  Iyadoo soo celinta uu sameeyey Madaxweynuhu ay dhacday sida uu sheegay Guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo u warramay Tvga Saab, 25 August 2021, ayaa yidhi sidan:

“..Haa wuu na soo gaadhey Xeer-kaasi, Dhowr cisho ka hor ayuu na soo gaadhey maalintii Sabtida, Xafiiska Guddoomiyaha ayuu soo gaadhey, Madaxweynuhu na wuu soo celiyey ..”

Sidaas buu SaabTv u sheegay Guddoomiyuhu,  haddaba, maadama oo uu Guddoomiyuhu warreysigan bixiyey maalin Arbacada ee bishu ahayd 25 August 2021, maalinta Sabtida ee uu sheegay waxa ay ku beegan tahay bisha August 21, 2021. Taas oo  macnaheedu yahay, in Madaxwaynaha uu gaadhey Mashruuca sharci markay ahayd taariikhdu 4 July 2021, iyadoo uu soo celinta sameeyey 21 August 2021, waxaana labada muddo u dhaxeeyay 48 Maalmood. Sabab taas awgeed, waxaa muddada celinta ee sharcigu tilmaamayo ka soo wareegay in ka badan 27 Maalmood.

Sida ku dhigan Qodobka 77(6)Ee Dastuurka JSL ayaa loo akhriyaa sidan:

“Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku {saxeexi waayo} {muddadaas la gooyey} ama {ku soo celin waayo Baarlamaanka}, mashruuc-sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa{xeer;} …”

Haddaba, markaad eegto qodobkan iyo xogta kale ee sare ku xusan waxaad arkaysaa in muddada loo qabtey Madaxweynuhu intii lagu gudda jiray aanu ku sameyn saxeexa iyo soo celin midkoodna, balse ay dhacdey soo celintiisu markii ay dhacdey muddada 21 Maalmood ah. Haddaba, waxaa laga xisaabin doonaa muddada maalinta uu Madaxweynuhu soo celiyey (ma aha Madaxweynuhu uu qorey Waraaqda soo celinta). Tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday, ma noqon doonto soo celin, maadaama ay dib uga dhacdey wakhtiga loo qabtay, dib dhacaa oo sababay in uu dhaqan-gal noqdo sharcigu.  Sida qodob ku sheegayo, wuxuu si toos ah u noqonayaa Xeer ansax ah oo leh ku dhaqan sharci.

Sababaha sare ku xusan awgood, Barlamaanka Golaha (Wakiiladda Iyo Guuritda) Somali-land, waxaa ku waajib ah in ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka JSL  Iyo Xeer-hoosaadkiisa.  Maadama oo aynu dastuurka kaga hadalnay xagga hore, bal aynu eegno Xeer-hoosaadka uu ka hadlayo qodobkani, waa ka Golaha Wakiiladda, haddaba, Sida ku dhigan Qodobka 34(18) Ee Xeer Hoosaadka Goluhu Wakiiladda oo loo akhriyo sidan:

“Haddii aanu Madaxweynu ku saxeexin (3) saddex todobaad guddahood ama aanu ku soo celin Barlamaanka, mashruuc sharcigaasi sidaas ayuu ku noqonayaa Xeer dhaqan-gal ah, waxaa saxeexaya Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Golaha Wakiiladda, waxaana faafinaya Go-laha Wakiiladda”

Iyadoo, isku day kasta oo ka yimaada Golaha oo khilaafsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka aynu sare ku sheegnay waxa ay noqnayaan waxba kama jiraan.

Sababtaas darteed, waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan sharci-darrada isla markaasna ay dhawraan shuruucda waddanka, oo aanay ka eegin rabitaan kooda shakhsiga ah iyo doonistooda gaarka ah, balse ay ka eegaan sida uu sharcigu qabo iyo hannaanka saxda ah. Haddii kale, waxaa ay tani horseedaysaa in ay abuurto Qaran ay sharci giisa kale weyn tahay dan shakhsi ah iyo mid shurug (Xisbi) ahi.

Gebaggebo

Haddaba, sababaha sare ku xusan awgood, waxaa uu noqday Xeerkan aan sare ku sheegay mid dhaqan-gal noqday, waxaana sida aan sare ku xusay ay tahay faafinta xeerkani mid saar-an Golaha Wakiiladda. Sabab-taas awgeed, ayaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo hawshaasi ay khuseyso in ay ka gudato waajib keeda. Dad-weynaha reer Somaliland waxaanu u soo jeedi-naynaa in ay sidaas ula socdaan.

Soo-Jeedin

  1. In Golaha Wakiiladdu faafiyo sida sharcigu dhigay Xeerka Ururada Siyaasadda Iyo Ax-saabta Qaranka Ee Madaxweynuhu u soo gudbiyey;
  2. In Golaha Wakiiladdu ay ixtiraamaan rabitaanka iyo iraadada shacabka doortay isla markaasna aanay u fulin xilkooda iyo waajibkooda iyagoo xeerinaya dan dad kooban ama codsiyo leexsan oo uga yimid Asxaab wakhtigeedu dhacay;
  3. In baahida loo sameeyey wax ka beddelka iyo kaabida Xeerkani wali ay taagan tahay, iyadoo markii la diyaarinayey ay ka timid doonistu dadweynaha reer Somaliland dhammaantood, iyagoo dadku intooda badan ay dalbanayeen in tartanka xisbiyadu noqdo mid aan xidhneyn, taasina aanay dhammaan wali;
  4. In heshiiska xisbiyada ee ah qabashada doorashada Golaha Deegaan ka Iyo Wakiiladda oo dib u dhac badani ku yimid aan loo adeegsan si loogu baro-bixiyo tartanka iyo loollanka Ururada siyaasada ee ay ahayd 10 Sano mar in uu dhaco;

Xubnaha Ku saxeexan warqaddan furan waxa ay kala yihiin:

  1. Maxamuud Cabdiraxmaan Sarmaan- Qareen
  2. Iid Cabdi Saciid – Qareen
  3. Guuleed Axmed Jaamac (Dafac)- Qareen
  4. Cabdinaasir Maxamuud Cabdi – Qareen
  5. Cabdiraxmaan Cali Maxamed- Qareen
  6. Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)- Qareen
  7. Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi – Qareen
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud – Qareen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here