Gabdho badan oo Muslimiin ah ayaa durba waxa ay ka soo jawaabeen dalabkii ogaysiiska ahaa ee uu dhawaan Baraha Bulshada Mariyey Sheekh weyn ee daaciga ah Dr. Zakir Naik oo dalab ogaysiis ah ku naadiyey 7 shuruudood oo uu ku xidhayo gabadh kasta oo jecel in ay soo dalbato guurka wiilkiisa Faaruuq Naik oo uuu u rabo gabadh uu guursado. Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiga jeediya Dr. Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook waxa uu dorraad soo dhigay qoraal uu wiilkiisa ugu raadinayo gabadh uu guursado. Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka wiilkiisa iyo shuruudaha laga rabo gabadha uu la doonayo wiilkiisa Faaruuq. “Waxaan xaas u raadinayaa wiilkayga Fariq, Waxaan u rabaa Gabadh Muslim ah oo suubban oo leh akhlaaq wanaagsan, si ay wiilkayga iyo xaaskiisu u noqdaan laba qof oo midba midka kale u sheego wanaagga” ayuu yidhi.
Sheekha ayaa waxa uu intaasi ku daray, “Haddii aad tahay aabbaha ama qaraabada gabadh aad u malaynayso inay shuruudahan buuxin karto, sidoo kalana oggolaata inay ka war doonto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ku soo jawaabto qoraalkan macluumaadka dheeriga ah ee loo baahan yahay”
Fariq Zakir Naik oo dhashay 10-kii bishii July 1994-tii, oo dheererkisu yahay 170 sentimitar, kuna nool dalka Malaysia ayaa sharuudaha gabadha loo raadinayo waxaa ka mid ah:
- In ay tahay gabadh Muslimad ah, ayna ugu dhaqanto sida ay diinta fareyso.
- In sunnada ay aad ugu dedaasho inta karaankeeda ah.
- In luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ay taqaano.
- In ninkeeda ay ku dhiiragelin karto dadaalka dawcwadda
- In ay xaafidul Qur’aan tahay.
- In ay diyaar u tahay in Malaysia ay degto.
- In Shahaadada Koowaad ee ‘Bachelor Degree’ ay ka haysato diinta Islaamka.
- In ay dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska iyo qaar kale oo ku xussan warqadda hoose ee uu soo qoray Dr Zakir Naik.
Markii haddaba codsigaasi uu ku faafay baraha Bulshada waxa durba ka soo jawaabay gabdho badan iyo waalidiin gabdho dhalay oo doonaya in ay fursaddan ka faa’iidaystaan, gabadh kastaana waxa ay doonaysaa in ay ku guulaysato guurka Faariq Zakir Naik oo ah nin dhallinyaro ah oo isaga laftiisu ah daaci aabihii kaga dayday faafinta dacwadda diinta Islaamka.