Safar Qiimayn Siyaasadeed Ah Oo Madaxweyne Muuse Biixi Mashkaxa Kusoo Galinayo Gobollada Bari Ee Dalka – Miyuu Korodhsanayaa Mise Doorashuu Ka Badheedhayaa?

0
248

Hargeysa, September 23, 2021- (Foore)- Wasiirrada, Guddoomiyayaasha iyo maareeyayaasha Hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ka soo jeeda Gobollada Bariga Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay ku mashquulsanaayeen kulamo hoose oo xidhiidh ah oo ay ka lahaayeen qorshaynta iyo abaabulka kaga aaddan safar Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhawaan la filayo in uu ugu baxo Gobolladaasi Bari ee dalka.

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda ugu jira Gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey ku hawlanaayeen sidii ay u dardar galin lahaayeen ulana iman lahaayeen qorshihii safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ugu bixi lahaa Gobolladaasi iyaga oo hawshoodu tahay sidii ay Madaxweynaha ugu abuuri lahaayeen Jawi ama deegaan habboon oo uu safarkiisan ku soo guto kaasi oo wakhtigan loo aanaynayo in uu noqonayo safar siyaasadeed oo xodxodasho ah iyo in uu Madaxweynuhu mashkaxa ku soo galiyo dareenka iyo xaaladda siyaasadeed ee dadku qabaan marka laga hadlayo Gobollada Bari, gaar ahaan sida ay bulshadu u aragto wax-qabadka xukuumaddiisa iyo dareenka ay ka qabaan.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola kulamadani waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), Dastuurka iyo xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo kuwo kale oo badani ay kulano gaar ah ka yeesheen sidii ay uga hawl gali lahaayeen habsami u qabsoomidda safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu ku tago dhawaan Gobollada Sool, Sanaag yo Togdheer.

Ilo-wareedyadan xog-ogaalka ahi waxa ay noo xaqiijiyeen in Saraakiishan xukuumadda ee kulamadan isugu yimid ay wax iska waydiiyeen arrimaha ku aaddan diyaarinta safarka Madaxweynaha ee dhinacyada Loojistikada, kharashaadka la iska sii horraysiiyo ee loo diyaariyo soo dhawaynta iyo arrimo kale kuwaasi oo ay intooda badan wax badan uga qabsoomeen marka laga tago kharashaadka ay u baahnaayeen oo aanay wali ka helin dhinaca Madaxtooyada iyada oo Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed loo qoondeeyey in uu isagu Madaxweynaha ka soo dhammeeyo kharashaadka ay kooxdani u baahan tahay si ay ugu gogol xaadhaan safarka Madaxweynaha.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayay ilo-wareedyadani noo sheegeen in ay ku aaddan tahay sidii Madaxweynuhu uga soo cabbir qaadan lahaa u kuur galidda bal taageerada uu deegaamadaasi ku haysto iyada oo hadal hayn badani la xidhiidho in waxa uga soo baxa safarka Madaxweynaha la filayo in uu ku go’aan qaato haddiiba uu sannadka soo socda golayaasha qaranka marsado muddo korodhsi laba sano ah iyo haddiiba uu wakhtigeeda doorashada ku qabanayo oo uu ku calool adaygayo.

Isku soo wada duuboo bal waxa laga dhur-sugi doonaa wakhtiga uu Madaxweynuhu safarkan ugu baxo Gobolladan saddexda ah iyada oo dad badani saadaal ka bixinayaan in uu kala kulmi doono dareen taban oo dadku badanaa ka qabaan xukuumaddiisa iyo wax-qabadka uu la yimid muddodii afarta sano ahayd ee uu dalka ka talinayay oo dhawaan u buuxsami doonta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here