Hargeysa, September 23, 2021- (Foore)- Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ay shalay kulan la yeesheen Hanti dhawrka Guud ee Qaranka iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyey Golaha Wakiilada ee cusubi dardar hor leh la soo galay sahqada loo doortay iyo sidoo kale tan iyo markii la sameeyey Guddida Golaha Wakiilada dhawaan oo ay guddi kastaa ku foogan tahay waajibaadkooda dastuuriga ah.
Kulan shalay ka qabsoomay xafiiska Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Hanti-dahwraha guud ee qaranka oo ay ka waraysyeen si uu uga warbixiyo Xisaab-xidhka Guud ee Qaranka ee 2020. Hanti dhawrka Guud ee Qaranka wuxuu si Guud uga warbixiyey, shaqada xafiiska Hanti dhawrka Guud uu u hayo Qaranka, warbixinahaas oo isugu jiray waxyaabaha ku soo kordhay xafiiska Hanti dhawrka ee ku u riixaya inuu shaqadiisa si wanaagsan u guto.
Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Somaliladn Axmed Yuusuf Dirir ayaa intii lagu Gudda jiray Kulankan waxa uu ka warbixiyey oo uuu xusay inay jiraan caqabado badan oo ka horimanaya inuu si dhamaystiran u guto waajibaadkiisa isaga oo dhanka kale sheegay inay jiraan is beddel xoogan ka muuqda xafiiska Hanti Dhawrka haddii ay noqoto dhinac Xafiiska, Shaqaalaha hagayaal u saamaxaya inuu xafiisku shaqadiisa si wacan u guto iyada oo shaqada iyo waajibaadka guud ee Hanti dhawrka Guud ee qaranka uu sheegayo Xeerka Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Xeer Lr.76/2016.
Xubnaha Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Guddidu Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Axmed Cabdillahi iyo Xubnaha kale ee Guddida ka tirsan ayaa kadib dhageysiga warbixinta Hanti Dhawraha Guud, wax ay masuuliyiinta Hanti-dhawrka waydiiyeen su’aallo dhawr kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, shaqada iyo waajibaad uu Qaranka u hayo Xafiiska Guud ee Qaranku iyo arrimo kale oo guud ahaan ku saabsan hawsha Hant-dhawrka qaranka.
Shacabka Somaliland ayaa saluug weyn ka muujiya gudashada waajibaadka Hanti-dahwrka qaranka oo aan inta badan la arag natiijo rasmi ah oo ka soo baxda baadhitaannada la xidhiidha musuqa iyo wax is daba marinta lagu eedeeyo in ay ka dhex jiraan hay’adaha dawladda inkasta oo Hantidhawrku marar badan sameeyey baadhitaano badan oo la xidhiidha hawlo musuqmaasuq.