Hooyo ayaa sheegtay in wiilkeeda oo sagaal jir ah uu nasiib u yeeshay inuu noolaado ka dib markii ay barta TikTok ku baahisay in willkeedau u baahan yahay qalliin degdeg ah oo caloosha ah. Jack Mason, oo ka yimid Stirling, UK waxay noqotay in laga saaro xiidmaha, ka dib markii uu liqay birlabyo badan oo yaryar. Muuqaalo dhex wareegayay aaladda TikTok ayaa lagu arkay carruur birlabyada noocaas ah oo afka ku haysa.
Jack hooyadiis Carolann McGeoch ayaa hadda dooneysa inay waalidiinta uga digto halista ka imaan karta. Waxay BBC -da u sheegtay in waalidiinta “ay si toos ah u geliyaan birlabyada weelka qashinka” maadaama wiilkeeda laga saaray isbitaalka isagoo ay sugeyso ka soo kabasho dheer. Jack ayaa Cisbitaal la geeyay 7-dii Sebtember ka dib markii calool xanuun iyo matag isku daray. Ka dib markii computer caloosha laga saaray , shaqaalaha caafimaadka ayaa si degdeg ah ugu diray ambalaas Isbitaalka Royal ee Carruurta ee Glasgow halkaasoo X-ray la saaray ay muujiyeen in wax xannibayaan mindhicirka Jack. Carolann wuxuu sheegay in si dhaqso leh loo ogaaday in xannibaadda ay ahayd birlabyo yaryar oo halmeel isugu soo uruuray.
Jack ayaa markii dambe qirtay inuu liqay birlabyada. Dhakhaatiirta ayaa u sharraxay Carolann inuu u baahan doono qalliin si meesha looga saaro birlabyada iyo wax kasta oo dhaawacaya calooshiisa, Siddeed maalmood ka dib qalliinkii, Jack ayaa hadda loo oggolaaday inuu gurigiisa aado. Hadda hooyadiis waxay rabtaa in waalidiinta kale ay fahmaan halista. In kasta oo uusan lahayn cinwaan TikTok, Jack ayaa hadana daawada muuqaallada lagu baahiyo barta. Horaantii sannadkan, NHS-ta England waxay ku baaqday in la mamnuuco birlabyada dhifka ah ee ku dhaggan alaabta carruurtu ay ku ciyaarto iyo qalabka la isku qurxiyo. England gudaheeda, 65 carruur ah ayaa u baahday qalliin degdeg ah ka dib markii ay liqeen birlabta saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Gregor Walker, oo ah dhakhtar qalliinka carruurta ah oo ku lug lahaa daryeelka Jack, ayaa yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha Jack waxaanan u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha kooxda ee Isbitaalka Royal ee Carruurta ee Glasgow. “Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa Jack hooyadiis inay arrinta ku muujisay baraha bulshada. Kordhinta wacyiga ayaa aad iyo aad muhiim u ah waxayna tani tusaale u tahay halista liqitaanka birlabka, oo u muuqda inay soo noqnoqonayeen labadii sano ee la soo dhaafay. “Isbitaalkeenna 20% carruurta liqaysa birlab-ka waxay u baahdeen qalliin, iyadoo 10% ay u baahan yihiin qalliin weyn.