Nuxurka Afar Qodob Oo La Iskula Qaatay Shirkii Guddida Fulinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Shalay Ka Qabsoomay Caasimadda Hargeysa

0
411

Hargeysa, September 20, 2021- (Foore)- Shir ballaadhan oo ay shalay isugu yimaaddeen xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa laga soo saaray gabo gabadiisii nuxurka war-murtiyeed ku saabsan ajandayashii lagaga hadlay shirkaasi iyo waxa ay iskula qaateen xubnaha guddida Fulinta ee xisbiga UCID.

Shirkan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa gabogabadiisii warbaahinta uga warramay ujeedada kulanka iyo nuxurka qodobada la iskula qaatay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee UCID, Baashe Cabdi Gaboobe, isaga oo faahfaahinaya Qodobbadii lagaga dooday Iyo Go’aamadii kasoo baxay Shirkaasi waxa uu yidhi: “Maanta oo ay ahayd Axad 19-ka September 2021, Waxaanu imika ka soo baxnay shirkii Guddida Fulinta xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo uu guddoominayay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Shirka waxa lagaga hadlay qodobadan soo socda:

  1. Ugu horrayn Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu guddida Fulinta la wadaagay warbixin uu ka siiyey wixii uga soo qabsoomay safarkii uu muddoba ugu maqnaa dalalka dibadda iyo wixii uu kala soo kulmay dalalkii dibadda ee uu safarka ugu baxay iyo waliba taageerada mugga weyn leh ee dadka dibadda ku dhaqan ee reer Somaliland u muujiyeen guddoomiyaha.
  2. Qodobka labaad ee shirka lagaga hadlay waxa uu ahaa guddida fulinta oo doodo ka yeeshay xaaladda gaarka ah ee xisbiga iyo duruufaha siyaasadeed ee wakhtigan, xaaladda guud ee xisbiga iyo guud ahaanba xaaladda waddanka. Guddida fulintu waxa ay aad ugu dheeraadeen muhiimadda xisbigu siinayo dardar galinta dhinacyada dhallinyarada iyo haweenka iyada oo la is tusay muhiimadda ay leedahay sidii uu xisbigu u dardar galin lahaa dhallinyarada iyo haweenka oo ah cududda umadda.
  3. Qodobka saddexaad waa iyada oo shirkan la iskula qaatay in la cayimo muddoda uu qabsoomi doono shirweynaha guud ee Xisbiga UCID oo loo qoondeeyey in uu qabsoomo labada maalmood ee ugu dambeeyey Bisha Noofambar ee innagu soo aaddan 30ka iyo 31-ka Bisha Noofambar.
  4. Waxa kale oo la iska qaatay oo ay xubnaha guddida fulinta ee shirka ka soo qayb galay isla meel dhigeen in la qabto xaflad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guuradii 20aad ee xisbiga aasaaskiisa ka soo wareegtay, taasi oo la isla qaatay in ay qabsoonto 15-ka Bishan Oktoobar ee innagu soo aaddan laguna qaban doono magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal.

Qodobadaasi ayay ahaayeen qodobada nuxurka ah ee ka soo baxay shirka ay isugu yimaaddeen Guddida fulinta ee xisbiga UCID” ayuu yidhi Xoghaye Baashe Cabdii Gaboobe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here