Hindiya: Gabadh Wajigeedu Mucjiso Yahay Oo Leh Laba San Ayaa Noqotay Maalqabeen Ehelkeedu Ka Barakaysto

0
726

Delhi, September 20, 2021- (Foore)- Waddanka Hindiya oo inta badan lagu arko dhacdooyinka cajiibka ah ee layaab leh maadaama uu yahay waddanka Labaad ee ugu tirada badan dhinaca dadka ayaa waxa laga soo sheegayaa dhacdo layaab leh kadib markii gabadh yar oo lix sano jir ahi noqotay mid ka mid ah dadka ugu hantida badan deegaankeeda miyiga ah iyada oo lacagtaasi ku heshay wajigeeda oo ah mid layaab leh maadaama ay tahay gabadh laba san leh wajigeeduna qaab kale u samaysan yahay oo abuur ah.

Warbixintan oo Wargeyska Foore idiinka soo turjumay wargeyska Daily Star waxa ay leedahay, Lakshmi waa gabadh yar oo Lix Jir ah waxa ay ku dhalatay Gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya, iyadoo wajigeeda ay ka muuqdeen labo san. Waxa ay dadka tuulada ay ku dhalatay ku nooli ugu magac dareen Lakshmi oo ah Sanam ay caabudaan oo u yaqaannaan Ilaaha lacagta.

Markii hore, muuqaalka Lakshmi ayaa cabsi ku abuuray qoyskeeda iyo bulshadeeda sababtuna waxa ay ahayd muuqaalkeeda qariibka ama layaab leh oo xataa ehelkeedu ka argagaxeen markii ay dhalatay balse ay markii dambe iskala qabsadeen. Dadka deegaanka ay gabadhan yari ku nooshahay ayaa durbadiiba garwaaqsaday inay tahay xoog lagu xisaabtamo, waxaana loo ekeysiiyay Lakshmi oo ah sanamba ay u yaqaannaan “Ilaaha lacagta” ee Hindiya, sida uu qoray wargeyska Daily Star. Gabadhii waxay noqotay qof caan ah, Hindidii halkaa joogtayna waxay bilaabeen inay ula dhaqmaan sidii ilaah oo ay siiyaan lacag iyo hadiyado, maxaa yeelay waxay u egtahay ilaaha Ganesha, ilaaha lacagta iyo barwaaqada, sida ay aaminsan yihiin waxayna ka rabaan barako. Waxa ay subax walba kula soo kallahaan qofba waxa uu heli karo ee lacag iyo alaab ah waxaany ku dhigaa hareeraha waxaanay mararka qaar ku dul daadiyaan lacagta. Waxa dhammaan hantida ay maalintaasi gabadhan yari soo xerayso isticmaala oo ku nool dadka ehelkeeda ah ee goobta kula nool illaa ay gabadhan yari noqotayba maalqabeen.

Hadiyado iyo lacag aad u fara badan ayaa Lakshmi loogu qubeeyaa xataa wakhtiyada xafladaha iyo dabbaaldegyada diimeed ee Hindiya, dadkuna way ka barakaystaan, waxa ay rajeeyaan inay barakooyin u keento. Inkasta oo markii ay dhalatay ay ula muuqatay ilmo cabsi leh oo aan cadi ahayn haddana imika waxa ay ehelkeeda iyo dadka deegaanku u arkaan mid barakaysan oo aan la mid ahayn ubadka kale halkii ay ka cabsan lahaayeenna waxa ay taa baddalkeeda noqdeen kuwo ku soo urura oo ka barakaysta.

Gabadhan yar ee Lakshmi waxa ay leedahay laba sano oo kala durugsan oo wajiga labadiisa dhinac ku kala yaalla. Waxa ay leedahay laba indhood oo yaryar oo aad u kala fog iyo waliba afkeeda oo aad mooddo in uu kala qaybsan yahay waxaanu wajigeedu yahay mid aad mooddo in uu dhexda ka kala qaybsan yahay waana sida ay ku dhalatay iyada oo aan haba yaraatee wax qalliin ah lagu samayn.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Star ee India ka soo baxa oo qisadan soo wariyay, Lakshmi waa ilmaha afaraad ee qoyskeeda, waxaana ugu dambayn lagu sameeyay qalliin si meesha looga saaro cilladda, laakiin dhakhaatiirta ayaa kula taliyay qoyskeeda inay sugaan inta ay ka weynaanayso si marka ay waynaato loogu sameeyo qalliin dhinaca qurxinta ah waa waxa afka qalaad loogu yeedho (Plastic Sergury).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here