Bayaanka Ay Qaramada Midoobay Kasoo Saartay Xaaladda Siyaasadeed Ee Soomaaliya

0
412

New York, September 20, 2021-(Foore)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay hoggaamiyeyaasha dowladda Soomaaliya ee is-khilaafsan inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal ayna mudnaanta koowaad siiyaan qabashada doorashooyinka qaran ee muddada dheer dib u dhacu ku yimid.

Guddiga 15 ka xubnood ayaa bayaan ay soo saareen Sabtidii waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada inay hubiyaan in wixii khilaafaad siyaasadeed ah uusan ka weecin dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Qoraalka golaha ammaanka ayaa daba socday wadatashiyo deg -deg ah oo Jimcihii laga yeeshay xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, taas oo kor u qaadday welwelka gobolka iyo kan caalamiga ah ee ku aaddan in Soomaaliya ay wajihi karto xasillooni darro hor leh.

Kulankan ayaa yimid maalin kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu sheegay inuu laalay awoodda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu wax magacaabo ama uu eryo.

Khatarta ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, halista ah in Al-Shabab la siiyo fursad weyn, waa mid aad u sarreeya runtii. Markaa, waxaan doonaynaa inaan sida ugu dhaqsaha badan uga baxno xaaladdan oo aan xallino,” ayaa lagu yiro baaqa golaha ammaanka kasoo baxay.

Af -hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in iyadoo lagu jiro sannad guuradii koowaad ee heshiiskii 17 -kii Sebtembar, ay Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda caalamiga ah aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya iyo in uu carqaladeeyo hannaanka geeddi socodka doorashada oo ay umaddu aad u sugaysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here