Beledweyne, September 20, 2021-(Foore)- Xarakada Alshabaab ayaa weerar miino ah dhulka kula sintay gabi ahaanba dhismayaashii madaar yar oo ku yaalla badhtamaha waddanka Soomaaliya kadib markii ay miineeyeen sidaasina ay gabi ahaanba dhulka kula sinmeen oo u baaba’een dhismayaashii madaarkasi weerar ay shalay halkaasi ku qaadeen kooxda Alshabaab.
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ah ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaadhan balse shalay mar kali ah noqday sidii goob burbur iyo baaba’ah. .
Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xidheen qaraxyo nooca miinada la hago ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugidda rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.
Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi.
Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo beegmaya, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi.
Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca badhtamaha dalkaasi Soomaaliya waxaanay u muuqataa in ay wakhtigan kooxda Alshabaab ka faa’idiaysanayso khilaafka culus ee hadheeyey dawladda awoodda daran ee beesha caalamku taageerto.