Madaxweynihii hore Ee Aljeeriya Cabdulcasiis Botufliqa Oo Geeriyooday

0
386

Algers, September 18, 2021- (Foore)- Madaxweynihii hore ee waddanka ALjeeriya ee sannadkii hore xilka dalkaasi wareejiyey ayaa goor dambe oo xalay ahayd geeriyooday isaga oo da’diisu dhaaftay 84 sano.

Madaxweynihii hore ee Aljeeriya, Cabdulcasiis Boutefliqa oo muddoba la noolaa xanuuno kala duwan laguna riixi jiray kursiga curyaamiinta ayaa xalay oo dambe waxa uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla galbeedka magaalada Algers ee caasimadda dalkaasi ALjeeriya isaga oo halkaasi lagu dabiibayay in muddo ah.

Ka hor saqdii dhexe ee xalay telefishinka qaranka Aljeeriya ayaa baahiyey cajalad war ah oo uu ka soo xigtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Aljeeriya waxaanu telefishanku yidhi sidan:, “Waxaan umadda u xaqiijinaynaa Geerida Madaxweynihii hore ee Aljeeriya Cabdulcasiis Butufliqa.”

Cabdulcasiis Butufliqa ayaa xukunka dalka Aljeeriya qabsaday sannadkii 1999-kii wakhti uu dalkaasi Aljeeriya ku jiray xaalad nabad galyo darro, waxaanu sumcad ku helay in uu dalka xaalad nabad galyo oo buuxda ku soo dabbaalay balse markii dambe waxa lagu nacay xukunka oo uu aad isugu dhejiyey kadib sannadihii 2004, 2009 iyo 2014 oo uu kursiga ku soo laabtay doorashooyinkii la qabanayayay waxaanay xaajadu xumaatay markii uu sannadkii 2019 sheegay in uu markii shanaad muddo xileedkiisa isa soo sharraxayo taasi oo ay shacabka reer Aljeeriya kala hor yimaaddeen kacdoono rabshado wata iyo bannaan baxyo ay kaga soo horjeedaan.

Waxa uu ahaa mid lix sano xanuusanaa oo xataa aanu hadalka karayn waxaana ugu dambayn dhawr toddobaad oo bannaan baxyo socdeen ciidamadu ku dhawaaqeen in ay Madaxweynaha ka joojiyeen in uu isu soo taago doorashada sidaasi ayaanu xilka ku banneeyey.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here