Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti Oo Si Adag U Beenisay Wararka Sheegaya In Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Aad U Liidato

0
745

Jabuuti, September 16, 2021- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ilyaas Muuse Dawaale ahna Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee RPP ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka maalmihii ugu dambeeyey dadku isla dhex marayay ee ku aaddan xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dad badani Baraha Bulshada wareejinayeen in ay xun tahay, Madaxweyne geellena xanuunsanayo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ilyaas Muuse Dawaale oo lagu tiriyo saraakiisha ugu dhaw Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey degalka uu ku leeyahay barta xidhiidhka Bulshada ee Twitter waxa uu ku sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu buko Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo taa baddalkeedana wararkasi ku tilmaamay kuwo laga xishoodo aanay waxba ka jirin.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ilyaas Muuse Dawaale oo ka hadlayay xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay Madaxweynuhuna uu ku guda jiro fasaxiisa sannadlaha ah oo uu ku raaxaysanayo sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax aad looga xumaado marka la eego wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha. Runtii waa warar been ah. Ceeb bay ku tahay kuwa ku dhex wareejinaya warbaahinta baraha Bulshada waxyaabaha aan micnaha lahayn. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa nabad qabaa caafimaadkiisuna waa wanaagsan yahay. Wuxuuna ku raaxeysanayaa nasashadiisa sannadlaha ah ee uu jecel yahay, tan iyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay” sidaa waxa Twitter kiisa ku baahiyay wasiir Ilyaas Dawaale.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa baraha Bulshada aad loogu hadal hayay in aanay wanaagsanayn xaaladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu muddooyinkii dambe xanuusanayay balse waxa warkaasi beeniyay xukuumadda sida aan soo sheegnay, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee Madaxweynaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here