Shirkadda Adeegga Korontada SOMPOWER Oo Ka Farxisay Bulshada Somaliland, Qiimo Dhimistii Ugu Ballaadhnaydna Samaysay Iyo Kulanka Qorshaha Istaraatiijiyadda 2021/25

0
953

Hargeysa, September 16, 2021- (Foore)- Shirkadda Adeegga Korontada Somaliland ugu ballaadhan ee SOMPOWER, gara ahaan ka hawl gasha caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa ay shacabka reer Hargeysa ee ay adeegga Korontada siiso waxa ay u samaysay qiimo-dhimis ballaadhan oo ay dadku kaga raysan doonaan qiimihii koronrada ee ay inta badan ka caban jireen iyada oo horeba shirkaddu qiimo dhimis ballaadhan u samaysay marka loo eego sida uu qiimaha korontadu ahaan jiray sannado ka hor.

Kulan lagu daah furayay qorshe hawleedka shanta sano ee socda ee shirkadda SOMPOWER (5 years strategic Plan) oo ah sannadaha 2021 illaa 2025 oo shalay ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa ay maamulka sare ee shirkaddu shacabka ugu ballan qaadeen in ay qiimaha ka jabiyeen 20% taasi oo socon doonta sannad walba illaa sanandka 2015 laga gaadhayo oo ay shirkaddu halkii united dadk aka qaadi doono wax ka yar 0.25 senti waana qiimihii ugu raqiisanaa abid ee heerkaa gaadha dhinaca xaddiga biilka korontada.

Kulan ballaadhan oo ay shalay isugu yimaaddeen madaxda ugu sarraysa shirkadda SOMPOWER, masuuliyiin ka kala socday laamaha dawladda, ururrada Bulshada iyo marti sharaf kale oo qorshe hawleedkan lagu soo casuumay ayaa waxa ugu horrayn ujeedada kulankan iyo qiimo dhimista shirkaddu samaysay faahfaahin ballaadhan ka bixiyey Maareeyaha guud ee shirkadda SOMPOWER Mudane Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya), sidoo kalena sheegay wakhtiga ay qiimo dhimistu bilaabmayso, waxaanu yidhi: “Maanta oo ay bishu tahay 15-ka September (Shalay), waxa aynu halkan u fadhinaa in aynu ku dhawaaqno bushaaro aanu macaamiisha ku dhaqan Hargeysa u hayno, qiimo dhimis aanu hoos ugu dhignay qiimihii shirkaddu dadka laydhka kaga iibin jirtay. Waxaanu dhinnay wax u dhigma boqolkiiba 20%. Waa tallaabo aad u weyn, waa tallaabo ay dadka macaamiishayada ahi in badan naga sugayeen. Tani waxa ay ka dhigan tahay in SOMPOWER laydhka ku iibin doonto inta u dhaxaysa 30 senti illaa 50 Senti oo ah halka ugu sarraysa. Arrinkaasi waa bilowga istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socda ee aynu maanta daah furayno ee shirkaddu fulin doonto. Markii shirkadda la aasaasay korintadu waxa ay qiimaheedu ahaa halkii unit hal dollar markaa in aan maanta nidhaa 30 Senti iyo wax u dhigmaa lagu iibinayaa waa arrin aad mucjiso u ah oo aad farqi weyni ugu dhaxeeyo. Marka loo eego dal sideena oo kale soo koraya, dal aan haysan resource badan. Waxa aanu korontada ka dhalinaa waa mishiino ku shaqeeya saliid (Diesel). Qiimuhu halkaa ku joogsan mayo sida ka muuqata boodhadhkan hortiinna yaalla waxa ay tilmaamayaan in sannadba sannadka ka dambaysa ay korontadu sii jabi doonto oo shantaasi sano marka ay dhammaadaan aad ku iibsan doontaan qiimaha ugu hooseeya”. Ayuu yidhi maareeye Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya).

Guddoomiyaha Boodhka shirkadda Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiye ku xigeenka shirkadda SOMPOWER Cabdillaahi Cali Cawad, Madaxa suuq-gaynta shirkadda SOMPOWER Mustafe Cabdillaahi Muxumed, Maxamuud Axmed Liibaan oo ku hadlayay magaca shirkadaha korontada bixiya, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub oo ka socday shirkadda SOMCABLE iyo masuliyiin kale oo madasha ka hadlay waxa ay shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyeen qiimo dhimistan ballaadhan ee ay samaysay shirkaddu iyo sida korontadu lagama maarmaan ugu tahay nolosha aadamaha iyaga oo shirkadda u rajeeyey horumar ballaadhan.

Shirkadda SOMPOWER oo muddoba ku hawlanayd sidii ay bulshada uga haqab tiri lahayd laydh tayo leh oo jaban, horena u samaysay qiimo dhismiyo ballaadhan ayaa waxa ay mar kale macaamiisheeda u samaysay qiimo dhimistan 20% ah oo ah mid wax weyn ku soo kordhinaysa dadka sida ugu weyn baahan adeegga koronto ee dalka.

Shacabka Somaliland waxa ay muddo dheer ka caban jireen xaddiga dhaqaale ee kaga baxa korontada oo ahayd mid qaalli ah taasi ayaana keentay in ay shirkadda oo muddoba ku hawlanayd sidii ay baahidaasi u dabooli lahayd cabashadaana wax uga qaban lahayd ay marar hore samaysay qiimo dhimis ballaadhan ugu dambaynna maanta mar kale samaysay qiimaha oo ay hoos u dhigtay.

Arrintan ay ku dhaqaaqday shirkadda Korontada bixisa ee SOMPOWER ayaa Somaliland u hor Seedi doonta in ay ku soo dhi   irradaan maal-gashadayaal badan oo dhinaca Warshadaha ah maadaama wax soo saarka warshadaha ay kow ka tahay helida Koronto jabani.

Daawo Sawirro:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here