Qisada Gabadh Yar Oo 12-Jir Ah Oo Inta La Afduubay Lagu Khasbay In Ay Guursato Nin Aanay Isku Diin Ahayn!!

0
633

Taariikhdu markii ay ahayd 25-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, Farah oo ku sugan guriga qoyskeeda ee ku yaalla magaalada Faisalabad oo ah tan saddexaad ee ugu dadka badan dalka Pakistan, ayna la joogaan awoowgeed, saddex wiil oo walaalaheed ah iyo walaalheed oo isugu jira saddex wiil iyo labo gabdhood ayaa mar qura waxay maqleen qof garaacaya albaabkooda hore. Waxay xasuusataa in awoowgeed uu kacay uuna furay albaabka. Kaddib waxaa gudaha xoog kusoo galay saddex nin, Farah ayey qabteen waxayna khasab ku saareen gaari bannaanka u yaallay.

“Qoyska waxay uga digeen in haddii ay isku dayaan inay raadiyaan iyada ay ka qoomameyn doonaan,” ayuu yidhi Farah aabbeheed, Asif, oo xilligaas shaqo ku maqnaa. Asif wuxuu tagay saldhigga booliska ee ugu dhawaa si uu ugu wargaliyo fal dambiyeedkaas – isagoo xitaa siiyay magaca mid ka mid ah afduubeyaasha, kaasoo uu aqoonsaday Farah awoowgeed – laakiin wuxuu sheegay in askarta aysan u muuqanin kuwo diyaar u ah inay caawiyaan. “Way diideen inay arrinta si fiican u wajahaan oo kiiska ay diiwaan galiyaan. Intaas kaliya ma ahane waxay xitaa iga soo eryeen saldhigga iyagoo i aflagaaddeynaya.”

Cabashooyin badan kaddib, waxaa kiiskii la diiwaan galiyay markii ay saddex bilood kasoo wareegeen dhacdada, sidaasoo ay tahayna wax tallaabo ah lama qaadin wali. Intii muddadaas lagu guda jiray, Farah oo 12 jir ahayd waxaa loo kaxeeyay guri xaafaddeeda u jira 110km oo ku yaalla magaalada ugu dhow ee lagu magacaabo Hafizabad, halkaasoo ay sheegtay in lagu kufsaday, lagu katiinadeeyay loogulana dhaqmay sida adoomada. Tiro koobkii ugu dmabeeyay ee laga sameeyay dalka Pakistan ayaa muujiyay in ay dalkaas ku nool yihiin 2 milyan oo masiixiyiin ah, tiradaasina waa 1% ka mid ah shacabka guud ee dalkaas. Sida laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha, gabdho ay tiradoodu gaareyso 1,000 oo isugu jira masiixiyiin, Hindu iyo Sikh ayaa la afduubtaa sanad kasta.

In badan oo ka mid ah waxaa lagu khasbaa inay diinta islaamka qaataan, sababtoo ah waxaa aad loo rumeysan yahay in shareecada ay oggoshahay in la guursado gabdhaha ka yar 16 sano haddii labada ruuxba ay Msulimiin yihiin. Isla sidaas ayaa ku dhacday Farah, waxaana guursaday ninkii soo afduubtay. Midowga kaniisadaha dalka Paskistan ayaa sheegay in tirada afduubka ay soo badaneyso. Farah aabbheed, Asif, oo aad u walwalsanaa, wuxuu caawinaad u doontay wadaad diimeedyada deegaankiisa, kuwaasoo qorsheeyay in qoyskiisa la garab istaago. Horaantii bishii December, kaddib markii shan bilood dadaal loogu jiray in qofkii afduubka geystay la xiro, Farah-na la sii daayo, booliska ayaa ugu dambeyn tallaabo qaaday. “Afar askari ayaa timid guriga afduubaha waxayna dadkii halkaas joogay u sheegeen in maxkamad amar kusoo bixisay inaan booliska usoo raaco saldhigga,” ayey tidhi Farah iyada oo warramaysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here