Qaabkee Loo Khaarajiyey Madaxweynihii Waddanka Haiti?!

0
746

Madaxweynaha dalka Haiti ayaa dhawaan, Jovenel Moïse ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas, sida laga soo xigtay kusimaha ra’iisul wasaaraha. Wuxuu sheegay in rag hubeysan oo aanan heybtooda la aqoon ay weerar kusoo qaadeen guriga madaxweynaha abbaaree koowdii habeennimo waqtiga dalkaas. Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystay marwada koowaad ee Haiti, Martine Moïse. Kusimaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo dalka, wuxuuna haatan la wareegay awoodda dalkan ku yaalla Caribbean-ka isaga oo shacabka ugu baaqay in xasillooni ay muujiyaan. Wuxuu ku tilmaamay dilka loo geystay madaxweynaha “Mid gurucan oo ka baxsan banii’aadanimada isla markaana ah weerar fuleynimo.”

Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynaha qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole. Wararka qaar ayaa sheegaya in raggu ay ku lebsinaayen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay. Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal. Jovenel Moïse, waa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly. Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aadan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo. Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkan. Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa. Bishii February markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilliggaas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo.

Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika. Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul. Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas. Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017.

Waa kuma Jovenel Moïse?

Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi caan ka ah Haiti, wuxuuna ku dhashay gobolka waqooyiga dhaca ee Trou du Nord sanadkii 1968. Wuxuu kasoo shaqeeyay ganacsi uu kamid yahay tabcashada mooska. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Haiti ka hirgeliya ganacisga xorta ah ee wax soo saarka beeraha. Jovenel Moïse wuxuu Haiti u horseeday in uu noqda dal ku horumaray dhinaca beeraha si loo xoojiyo dhaqaalaha. Xaaladda baadhitaanka dilka Madaxweynaha ayaa wali ka socota waddankan yar ee Haiti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here