Maxamuud Xaashi Oo Ku Hawlan Abaabul Siyaasadeed Oo Ka Dhana Madaxweyne Biixi, Baashe Cawil Oo Ku Biiray Garabka KULMIYE Ee Kacsan Iyo Natiijada Kulanka Faysal Cali Waraabe Ee Dubai

0
695

Fashilm Ku Yimid Kulamo La Isugu Soo Dhawaynayay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi, Is-baddalka Laga Filayo Mansabka Guddoomiyaha WADDANI & Wararkii Ugu Dambeeyey Kulamada Ka Socda UAE

Hargeysa, September 6, 2021- (Foore)- Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn looga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa, London iyo Dubai oo ay isaga kala goosheen, safarrona ku gaalaa bixiyeen dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka kala tirsan garabka KULMIYE ee Maxamuud Xaashi iyo xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

Siyaasiyiin u badan garabka Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo iyagu wali ku abtirsada xisbiga KULMIYE balse fiintu dhex miranayso Madaxweyne Muuse Biixi iyo tiimkiisa ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey kulamo hoose oo xeel-dheer waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta kula leeyihiin Siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo wax-garad badan oo dhammaantood ay midaysay dareenka mucaardnimo ee xisbigooda iyo gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi.

Siyaasiyiin iyo wax-garad u badan beesha Bariga Burco gaar ahaan aqlabiyadda aan ku qanacsanayn siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi ku hogaaminayo dalka iyo gaar ahaan xisbiga KULMIYE ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ay wadaan olole iyo kulamo joogto ah oo diyaar garaw ah, kuwaasi oo la xidhiidha geeddiga Mustaqbalka dhaw beeshu guuri doonto iyo waxa ay ka yeelayaan xisbiga KULMIYE oo ay u ahaayeen laf-dhabar marka laga hadlayo is-bahaysigii Jeegaanta loo yaqaanay iyo aas’aaskii xisbigaba.

Kulamadaasi iyo daruuraha siyaasadeed ee ka dhashay wixii ka dambeeyey doorashadii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo waliba soo dhawaanshaha ay kaabiga innagu soo hayso wakhtigii doorashada Madaxtooyadu waxa ay xaaladdu mar kale cirka isku sii shareertay is baddalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey toddobaadkan Golihiisa xukuumadda oo wajiyo kale ku soo kordhiyey xaaladda kulamadaasi siyaasadeed. Siyaasi Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE kana tirsan qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu xoojinayaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu Hormuudka u yahay Wasiir hore Maxamuud Xaashi Cabdi iyaga oo maleegaya ajandaha  siyaasad cad ah oo ay ku muquuniyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo tiimkiisa.

Dhinaca kale waxa iyana xaajadan ku lammaan arrin aad u weyn oo Isha lagu hayo taasi oo ah siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna loo badinayo in uu la wareego talada xisbiga WADDANI oo uu ku tartamayo mansabka Guddoomiyaha xisbiga, marka la gaadho shirweynaha xisbigaasi oo ku beegan dabayaaqada Bisha dambe ee Oktoobar 2021.

Geesta kale ilo-waraadyo xog-ogaal ah oo wargeyska Foore u warramay waxa ay noo xaqiijiyeen in waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta ay ku kulmayaan toddobaadkan Garabka siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi hogaaminayo iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyada oo aan xaqiiqo ahaan la ogayn waxa ay labada dhinac ka wada hadlayaan ee ajanduhu yahay balse loo badinayo in uu yahay kulan la xidhiidha dadaallada Maxamuud Xaashi ee ku aaddan dhismaha wadiiqooyin cusub oo uu u maro hankiisa siyaasadeed iyo gaar ahaan isku dubba ridka beesha uu ka soo jeedo oo saluug weyn ka qabta xisbiga KULMIYE oo ay filayeen in Madaxweynuhu wakhti horeba ku wareejiyo balse uu ka dhago adaygay. Waxa Iyana guul darraystay kulamo hoose oo dhawaan la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi kadib markii mid kastaa ku adkaystay mawqifkiisa siyaasiga ah taasoo keentay in Maxamuud Xaashi dardar galiyo duufaannada siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here