Hargeysa, September 6, 2021- (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga WADDANI ee la filayo in uu qabsoomo 30 illaa 31-ka Bisha 10aad ee sannadkan 2021-ka.
Guddida qaban qaabada ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi shalay Magacaabay oo ka kooban 13 Xubnood waxa ay isugu jiraan rag iyo haween ka mid ah saraakiisha saree e xisbiga WADDANI kuwaasi oo noqon doona guddida ka shaqaynaysa qaban qaabada shirweynaha xisbiga WADDANI oo si weyn loo dhur sugayo, kaasi oo qabsoomi doona sida aan sheegnay dabayaaqada Bisha soo socota ee Oktoobar.
Guddidan oo uu Guddoomiye u noqon doono Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumaddii Madaxweyne Daair Rayaale, ahna xubin firfircoon oo xisbiga WADDANI ka tirsan, kaasi oo yeelan doona labada guddoomiye ku xigeen, waxaanay magacyada Guddidani kala yihiin sidan:
- Ismaaciil Aadan Cismaan – Guddoomiye
- Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geel-jire – Guddoomiye ku xigeenka 1aad
- Milgo Maxamed Cilmi Guddoomiye ku xigeenka 2aad
- Maxamed Faarax Cabdi- Xoghayaha Guddida Qabanqaabada
- Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere)- Xubin
- Axmed Xirsi Ducaale – Xubin
- Foosiya Kayse Faarax – Xubin
- Barkhad Jaamac Batuun – Xubin
- Maxamed Iid Dhimbiil – Xubin
- Yoonis Axmed Yoonis- Xubin
- Ibraahim Ducaale Boos
- Axmed Cismaan Axmed – Xubin
- Idiris Xaashi Dharaar – Xubin
Xubnahan ayaa la filayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga WADDANI oo la filayo in uu Hargeysa ka qabsoomo dabayaaqada Bisha Dambe ee Oktoobar, iyada oo shirkaasi shacabku si gaar ah isha ugu hayo maadaama ay ka soo socdaan arrimo waaweyn oo siyaasadda dalka saamayn ku yeelan doona.