Dalkii Galbeedka Afrika Ee Hore M/weyne Muuse Biixi U Booqday Oo Afgambi Milatari Ka Dhacay!!

0
374

Conakry, September 6, 2021-(Foore)– Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Askari aan la aqoonsan oo huwan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin siddeed askari oo kale, ayaa taleefishinka dowladda ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaadh ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe oo xalay ahayd illaa maanta oo Isniin ah.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri askariga. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xidhay.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda shalay ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, ayada oo il-wareedyo dhowr ah ay sheegeen in cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalkaas, oo uu hoggaaminayo Mamady Doumbouya oo horey uga tirsanaa ciidamada Faransiiska ay ka dambeeyaan xasillooni darrada.

Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii.

Saraakiil sar sare oo shaqo looga eryey wiil Soomaali ah dartiis iyo sababta keentaySaraakiil sar sare oo shaqo looga eryey wiil Soomaali ah dartiis iyo sababta keentay

Sawirro: Al-Shabaab oo baahisay muuqaallada saldhiggii ay qabsadeenSawirro: Al-Shabaab oo baahisay muuqaallada saldhiggii ay qabsadeen

Gabar Soomaali ah oo ka sheekeysay qiso ku qasabtay in ay geeri doorbidoGabar Soomaali ah oo ka sheekeysay qiso ku qasabtay in ay geeri doorbido

Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah.

Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin.

Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here