Khubarada caafimaadku waxa ay walaac weyn ka qabaan in kulaylka xad-dhaafka ah ee gibilka dunidu saamayn weyn ku yeelan karo in ay dunida ka dillaacaan fayrasyo fara badan oo noocyadoodu kala duwan tahay kuwaasi oo bani aadamka ku keeni kara halis weyn oo caafimaad iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa khubarada caalamka gaar ahaan kuwa cimiladu sheegayaan in ay dunidu sii kululaanayso.
Ray Kwon Zhung, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee dhinaca sayniska, ayaa daaha ka rogay suurtagalnimada in jawiga dunida ee sii kululaanayaa uu sababi karo fayrasyo lama filaan ah, oo cawaaqib aan la saadaalin karin ku yeelan kara aadanaha. Kuwaasi oo ay dunidu halis weyn ugu jirto.
Ray Kwon Zhung waxa uu sheegay in daraasadihii ugu dambeeyey ee la sameeyey ay saadaal aan wanaagsanayn ka bixinayaan in dunidu halis weyn ugu jirto fayrasyo awood badan oo dillaaca ama dhasha iyada oo ay sabab u tahay barafka dhalaalaya ee dunida ku keenaya daadadka iyo duufaannada xooggan kuwaasi oo ay sabab u tahay cimilada sii kululaanaysa e adduunku.
Aqoonyahan Ray Kwon Zhung waxa uu yidhi: “Sababta aan sidan u leeyahay waxa weeyi barafka dhalaalaya ee dhulka Baraflayda ah ee Taiga iyo Tundra ee Gobolka Saybeeriya, cudurada qadiimiga ah iyo fayrasyada laga helo gobolkan ayaa laga yaabaa inay mar kale “kacaan”, ayuu Zhong u sheegay Sputnik, isagoo ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Bariga ee magaalada Vladivostok ee waddanka Ruushka.
Saynisyahankani Wuxuu ku boorriyay saynisyahannada waddamada adduunka gaar ahaan kuwa dalkiisa Kuuriyada Koonfureed inay fiiro gaar ah u yeeshaan khataraha la xidhiidha dhalaalla uu dhalaalayo Barafka cidhifyada adduunku iyada oo sannadihii ugu dambeeyey la diiwaan galiyey in xaddigii ugu badnaa ee Baraf ah ee dhulka qaboobaha ah ee cidhifyada adduunku uu si weyn u dhalaalayo kadib markii ay cimiladu sii kululaatay.
Ray Kwon Zhung oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi raaciyay, “Waa wax aan la saadaalin karin in fayras jiray waqtiyadii hore ama boqolaal kun oo sano ka hor uu mar kale soo muuqan karo. Way soo noqonayaan … waan hubaa inay jiraan noocyo fayrasyo kala duwan ah, oo aynaan qaarkood waligeen hore ula kulmin. Waa inay dunidu diyaar u noqotaa caqabadahaas oo ay si degdeg ah uga jawaabtaa”.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar badan oo ka mid ah saynisyahannada waddanka Ruushku ay walaac weyn ka muujiyeen dhalaalka Barafka kadib heerkulka sare u kacay sannadihii ugu dambeeyey oo ay sheegeen suurta-galnimada soo bixitaanka qaybo ka mid ah nidaamyadii hore ee deegaanka, oo ay ku jiraan fayrasyada, awood culus leh oo dadka gumaad u gaysan kara.