Madaxweyne Muuse Biixi Oo Booskii Baashe Cawil Iska Diiday U Magacaabay Wasiir Xigeen Uu Hore U Eryey

0
352
Hargeysa, September 04, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka aqbalay is-casilaaddii uu shalay u gudbiyay Baashe Cawil Xaaji Cumar ee ahayd xilka Wasiir Xigeenka Khaarajiga isaga oo Madaxweynuhu isla maantaba xilkaasi u magacaabay Wasiir ku xigeenkii warfaafinta ee uu Khamiistii xilka ka qaaday Cabdinaasir Cumar Jaamac.
Digreeto mar dhawayd ak soo baxday Xafiiiska Madaxweynaha ayaa lagu yidhi sidan:
“Wareegto Madaxweyne: 04/09/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD
Ku: Baashe Cawil Cumar
Mudane,
Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here