Xisbiga WADDANI Oo Iclaamiyey Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirweynihiisii Guud

0
399

Hargeysa, September 2, 2021- (Foore)- Khadar Xusen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga loo asteeyey qabsoomidda Shirweynaha guud ee xisbiga WADDANI oo muddoba laga dhur-sugayay wakhtiga uu qabsoomi doono.

Xoghaye Khadar ayaa sheegay in Shirweynaha guud ee xisbiga WADDANI uu qabsoomi doono labada maalmood ee ugu dambeeya Bishan Oktoobar ee innagu soo aaddan taasi oo la filayo is badallo waaweyn oo shirkaasi ka soo baxa.

Khadar Xusen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiska xisbiga WADDANI ayaa yidhi sidan: “Sida aad ka war qabtaan xisbiga WADDANI waxa uu ka soo baxay doorasho isku sidtan oo aad u culus. Doorashadaas oo si weyn u soo ban dhigtay kaalinta uu xisbigu kaga jiro hannaanka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland. Waxa aad ka war qabteen in xisbiga WADDANI si joogto ah u qabanayay muddodii uu jiray shirarkiisa innaga oo qabannay shirkii ugu dambeeyey ee Golaha dhexe sannadkan aynu ku jirno ee 2021 horraantiisii oo ku beegnayd March 2021.

Go’aamadii ka soo baxay shirkii 3aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI waxa ka mid ahaa qabashada shirweynaha xisbiga WADDANI muddo ku siman 7 bilood gudahood. Sidaa awgeed markii uu xisbigu tixgaliyey in la fuliyo go’aamadii ka soo baxay shirkii 3aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga ee dhacay sannadkan, markii uu xisbigu dhagaystay talada, tusmada, tilmaanta ee ay bixiyeen guddida fulinta ee xisbigu, markii uu xisbigu garwaaqsaday in la joogo ammin la isku diyaarinayo isla markaana lagula jaan qaadayo is baddalada ka dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ay horseedka u yihiin doorashooyinkii isku sidkanaa ee innoo qabsoomay 31-kii bishii May ee sannadkan.

Markii aanu darisnay xeerka xisbiga WADDANI qodobkiisa 12aad, farqadihiisa 1aad iyo 2aad oo qeexaya goorta lagu dhawaaqayo qabashada shirweynaha xisbiga WADDANI markii aan la tashaday hogaanka iyo guddoomiyaha xisbiga waxa aan maanta halkan ku iclaaminayaa aniga oo ah Xoghayihii guud ee xisbiga in shirweynihii xisbiga WADDANI la qaban doono taariikhdu marka ay tahay 30-ka iyo 31-ka Bisha Oktoobar ee sannadkan 2021. Maanta oo aynu joogno 1-dii September 2021 waxa shirweynaha qabashadiisa ka hadhsan 60 cisho sida xeerku jidaynayo ay ahayd in lagu dhawaaqo shirka qabashadiisa oo uu dhigayay in ay ka hadhsanaato 60 casho.

Waxa uu xisbigu muddodaasi ku diyaarin doonaa dhammaan hawlaha uu xambaarsan yahay shirweynaha xisbigu oo ah hay’adda ugu sarraysa ee xisbiga matasha oo lagu dooran doono dhammaanba hogaanka sare ee xisbiga, laguna ansixin doono guddida fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga. Sidaa daraateed waxaan mar labaad ku war galinayaa dhammaan xubnaha xisbiga ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddaba inay ku tala galaan u diyaar garawga shirweynaha xisbiga ee aynu maanta iclaaminayno. Wixii dambe ee macluumaad shirweynaha xisbiga ku saabsan dib ayaanu taageerayaasha iyo bulshada Somalilandba kula wadaagi doonaa” Ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI Md. Khadar Xuseen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here