Xildhibaan Guruuje Oo Ku Canaantay Shalay Golihiisa Inay Galeen Khalad Sharci Oo Culus

0
389

Hargeysa, September 2, 2021- (Foore) –  Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Shalay ku canaantay Golihiisa curdinka ah ee dhawaan lasoo doortay inay khalad sharci oo Dastuuri ah sameeyeen, kadib markii ay Golaha Dhexdiisa Wasaaraddi uga furtay tababar ku saabsan Dhinaca dastuurka Qaranka Somaliland.

Xildhibaan Guruuje ayaa muuqaal laga duubay waxa uu Golaha ku naqdiyay sida ay uga aradan yihiin shuruucda habraacooda iyo Dastuurka, waxaana uu si faah faahsan ugu dul istaagay Qodobada sharci ee ay baal mareen Shalay iyagoo ogolaaday inay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaashu siminaar ku saabsan Dastuurka u furto Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, waxaana uu sheegay inay arintaasi baal marsan tahay habraacooda sharci iyo waliba Dastuurka.

Xildhibaan Guruuje oo arimahan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga waxay iigu muuqataa, iyadoo maanta aynu golihii fadhino, Kooramkii inoo dhan yahay, in hawshan aynu haynaa ay dastuurka iyo Xeer Hoosaadka ay khilaafsan tahay, Haybaddii Golaha Wakiiladdana aynu meel kaga dhacnay”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Khoboro waxay ku iman kartaa Golaha Wakiiladda Saddex arin oo keli ah, 1- inay yihiin shaqaalihii ee dastuurka iyo xeer Hoosaadku ay jideeyeen, sida uu sheegayo Qodobka 52-Aad ee Dastuurku, kuwaasi oo shirgudoonka Hawlahooda ka gacansiinaya, 2- waxa kale oo ay ku iman karaan si waafaqsan qodobka 47-aad ee Dastuurka, inay gacan siinayaa  masuuliyiin dawladeed oo Goluhu u yeedhay, sidii Shalay dhacday, 3- Waxa kale oo ay ku iman karaan in si maamuus sharafeed ah Goluhu u marti qaado oo ay khudbad sharafeed u jeediyaan, tasi oo ah Curfi caalami ah oo la isla yaqaano”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Qaladaadka aynu galnay maanta waxa ka mid ah, waxaynu ma hadlaynay “Foreign Policy” Wasaaraddii Arimaha Dibadduna inalama joogto, waxay ahayd inaan ka hadalno iyadoo Wasiiraddii inala joogto, inaguna aynu su’aalo waydiinayno, Khobaraduna ay ka gacan siinayso”. Ayuu yidhi xildhibaan Axmed Nuur Guruuje.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here